Tani waa faallo ka turjumeysa aragtida dowladda Maraykanka. Maraykanka ayaa si adag u cambaareeyay gantaalka wax burburiya ee Ruushka ee ka hortagga dayax-gacmeedka ee lagu tijaabiyay mid ka mid ah dayax gacmeedyada Ruushka.
Arrintaas oo keentay in walxo burburay oo ka badan 1,500 xabo uu meeraha u diro.
War qoraal ah oo uu soo saaray Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka Antony Blinken waxa uu xusay, marka laga soo tago khataraha uu tijaabadan oo kale u keenayo cirbixiyeennada, waxa uu sidoo kale khatar gelin doonaa satalaytka iyo walxaha kale ee hawada sare ee muhiimka u ah dhammaan dalalka caalamka, amnigooda, dhaqaalooda iyo saynis tobannaanka sano ee soo socda."
Shanta cirbixiyeen iyo labada cosmonauts ee joogay Xarunta Hawada Caalamiga ah (ISS), kuwaas oo kala ahaa afar Maraykanka, hal Jarmal ah iyo laba Ruush ah ayaa waxay raaceen habraacyada xaaladaha degdegga ah waxayna hoy ka dhigteen agabkooda.
Maamulaha NASA Bill Nelson ayaa ku tilmaamay tillaabada Ruushka “mas’uuliyad darro iyo xasilooni darro”. Waxa uu yiri, "Marka la eego taariikhda dheer ee hawada sare ee bani'aadamka, waa wax aan la malayn karin in Ruushku khatar gelin doono, ma aha oo kaliya cirbixiyeenada Maraykanka iyo kuwa caalamiga ah ee ISS, laakiin sidoo kale cosmonauts iyaga u gaar ah. Ficilkoodu waa taxadar la'aan khatar ah, sidoo kale, saldhigga hawada sare ee Shiinaha iyo taikonauts-ka goobta jooga."
Maraykanka ayaa marar badan walaac ka muujiyay Ruushka, walaacaas oo ku saabsan tijaabadan dayax gacmeedka ee noocaan ah iyo natiijada burburka hawada sare ee muddada fog, sida uu saxaafada u sheegay afhayeenka wasaarada arimaha dibada Ned Price.
Xoghaye Blinken wuxuu yiri, "Dhacdooyinkii Noofambar 15, 2021 waxay si cad u muujinayaan in Ruushku, inkastoo ay sheeganayaan inay ka soo horjeedaan hubka hawada sare, uu diyaar u yahay inuu khatar geliyo sii jirista muddada dheer ee hawada sare oo uu waxyeeleeyo sahaminta iyo isticmaalka hawada sare ee umadaha oo dhan.
Waxa uu shaaca ka qaaday in Mareykanka iyo xulafadiisa iyo kuwa ay wada shaqeynta leeyihiin ay ka jawaabi doonaan falkan mas'uuliyad-darrada ah. Waxaanu ugu baaqaynaa dhammaan waddamada mas'uulka ka ah hawada sare inay ku soo biiraan dadaallada lagu horumarinayo hab-dhaqanka mas'uuliyadda leh iyo inaan ka fogaanno sameynta burburinta khatarta ah iyo mas'uuliyadda-darrada ah sida kuwa uu sameeyay Ruushku. "