Accessibility links

Breaking News

Itoobiya waa inay qaadda jidka nabad ku wada noolaashaha


US Ethiopia flag
US Ethiopia flag

Ergayga gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Geeska Afrika Jeffry Feltman ayaa isaga oo khudbad ka jeedinaya Machadka Nabadda ee Maraykanka, ayaa ka digay in dagaalka Ethiopia uu cawaaqib xumo ku keeni doono, xasiloonida iyo midnimada dalkaasi.

Ergayga ayaa sidoo kale ka digay in dagaalka Ethiopia haddii uu sii socdo uu wax u dhimi doono xiriirka Maraykanka iyo Ethiopia iyo sidoo kale xiriirka Ethiopia iyo beesha Caaalamka.

Ergayga Maraykanka ee Geeska Afrika ayaa sheegay in dowladda Maraykanku ay rumaysantahay in qaar ka mid ah dhinacyada dagaalamaya ay gaysteen dambiyo ka dhan ah xuquuqda aadamaha.

Tan iyo bishiis July ciidamada TPLF ayaa dagaalka ka bilaabay deegaano deris la ah.

Dowladda Maraykanka ayaa ugu baaqday in TPLF ay ciidamadeeda kala baxdo deegaanka Cafarta iyo Amxaarada.

Sidoo kale ciidanka Ethiopia ayaa gargaarkii samafalka ahaa iyo ganacsigii ka jaray gobolka Tigray, talaabadaaso oo gobolkaasi qarka u saartay in macaluul loogu dhinto sida uu sheegay Ergayga Maraykanka.

Danjire Feltman ayaa sheegay inaan loo baahnayn in dowladdu ay shacabkeeda qaybo ka mid ah cunaqabatayso oo gaajo iyo silic ay u dhintaan.

Dowladda Maraykanka ayaa mudnaanta siin doonta in garrgaarka muhiimka ah ay gaadhsiiso dhammaan shacabka Ethiopia.

Dowladda Maraykanka ayaa ku baaqday dhammaan dhinacyada dagaalamaya ay jidadka u furaan gargaarka samafalka ah isla markaana u ogolaadaan shacabku inay helaan waxyaabaha lagama maarmaanka ah sida shidaalka, raashinka iyo lacagta.

Ergayga Maraykanka ayaa sheegay in maamulka madaxweyne Biden uu isku diyaarinayo in xayiraado lagu soo rogo cidda horinaysa colaadda ee is hortaagaysa samafalka iyo gurmadka.

Madaxweyne Biden ayaa bishii September xayiraad ku soo rogay lix sarkaal oo Eretrea ka soo jeeda.

Dowladda Maraykanka ayaa rabta inay Ethiopia ay hesho xasilooni buuxda isla markaana ay dib ugu soo noqoto kaalintii hormuudka ahayd ee ay gobolka ku lahayd.

Taasi waxay ahayd faallo ka turjumaysa aragtida dowladda Maraykanka.

XS
SM
MD
LG