Accessibility links

Breaking News

Shanta meelood ee danta guud ee Afrika


Socdaalkiisii ugu dambeeyay ee Afrika, Xoghayaha Arrimaha Dibadda Antony Blinken waxaa uu ku soo ogaaday shan meelood oo ay dani ugu jirto Afrika iyo Maraykanka.

Danteena ugu horeysa waa in aan dhisno dhaqaale caalami ah oo loo dhan yahay.

Hindisaha Barwaaqo Afrika waxa uu ujeedkiisu yahay in la kordhiyo ganacsiga iyo maalgashiga labada dhinac.

Xeerka Kobaca iyo Fursadaha Afrika waxa uu cashuur la'aan u yahay wax soo saarka Africa ee suuqyada Maraykanka, waxaanu Maraykanku ka shaqaynayaa sidii loo hubin lahaa in dalalka Afrika ay si fiican uga faa’idaystaan.

Maraykanku waxa uu sidoo kale soo dhawaynayaa Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika si uu u kordhiyo ganacsiga Afrika.

Danta labaad ayaa ah in si wadajir ah wax looga qabto dhibaatada cimilada, ayuu yiri Xoghaye Blinken:

"Saameynteeda masiibada cilimada ayaa ka muuqata qaaradda oo dhan -baaraha, xaalufinta dhirta, dalagyadii xumaaday, daadadka, nabaad-guurka, cunto yarida, isticmaalka kheyraadka isku midka ah, dhaqaale darrida, iyo tahriibka. Harada Chad waxay ahayd il muhiim ah oo ay dad qarniyoo ka heli jireen biyo, cunto, iyo nolol,

Haddase waxay ku dhowdahay inay gurto - hoosna ugu dhacday cabbirkii ay ahayd 60 sano ka hor."

Qorshaha Degdegga ah ee Madaxweyne Joe Biden ee La-qabsiga iyo Adkeysiga wuxuu taageeri doonaa Hindisaha La-qabsiga Afrika ee ay bilaabeen madaxda dalalka Afrika oo dhan, kaas oo ujeedadiisu tahay in la qorsheeyo oo la maalgeliyo kaabayaasha tamarta iyo adkaysiga u leh isbeddelka cimilada.

Tan saddexaad, ayuu yiri Xoghaye Blinken, "Waa in aan soo afjarno musiibada COVID-19."
Mareykanka ayaa dhawaan gaaray heerkii ugu sarreeyay ee 270 milyan oo qiyaas tallaal ah oo la gaarsiiyay adduunka oo dhan.
In ka badan 70 milyan oo ka mid ah qiyaasahaas ayaa loo diray 43 dal oo ka hooseeya Saxaraha Afrika, qaar kalena oo tallach ahna waa ku wajahan yihiin dalalkaas.

Danta afraad, waa xoojinta dimuqraadiyadda Afrika.


Dib u noqoshada dimuqraadiyadeed ayaa adduunka oo dhan khusaysa. Intaa waxaa dheer, tignoolajiyada oo loo isticmaalaa in lagu beegsado muwaadiniinta, laguna aamusiyo.

"Dimuqraadiyuuntu waa inay ka jawaabaan baaqa ah inay ka hortagaan wararka been abuurka ah, u istaagaan xoriyadda internetka, yareeyaan isticmaalka tignoolajiyada dabagalka, ayna dejiyaan heerarka anshaxa mas'uuliyadda ee internetka," ayuu yiri Xoghaye Blinken.

Ugu dambayntii, waa in Afrika laga horumariyaa amni iyo nabad waarta. Hanjabaadaha ay wataan kooxaha xagjirka ah ee rabshadaha wata, dambiilayaasha, iskahorimaadyada hubaysan ee gudaha waa kuwo dhab ah" ayuu yiri xoghaye Blinken.


Qayb ka mid ah jawaabta arrimahan, waa ciidamo amniga oo qaranka oo xirfadoodu sarreyso iyo sharci fulinta maxalliga ah, kuwaas oo ilaalin kara muwaadiniinta, iyagoo ixtiraamaya xuquuqda aadanaha. Laakin wax ka qabashada asbaabaha colaadaha waa sidaas oo kale waa muhiim.

"Maraykanku," ayuu yiri xoghaye Blinken, "waxa uu doonayaa in aanu xoojinno iskaashigayada Afrika oo dhan, si aan ugu adeegno danahaaga, danahayaga, iyo danaha dadka adduunka oo dhan oo noloshooda mustaqbalkuna ay ku xidhan yahay qayb waxa aynu wada gaari karno”.

XS
SM
MD
LG