Accessibility links

Breaking News

Cambaareyn xukunka lagu riday Aung San Suu Kyi

Taliska macangagga ee millatariga Burma ee kowdii Febraayo ee sannadkan 2021-ka talada xoogga kula wareegay, ayaa sii qaadday tallaabooyin gurracan oo u uku weeraray hogaamiyaasha sida dimoqraadiyadda leh loo soo doortay ee waddanka, iyo heyadaha dimoqraadiga ee maxalliga ah. Wuxuu rajiimka sidoo kale sii ballaariyay dulmiga madax-uga-istaagidda gurracan ee uu ku hayo shacabka Burma.

6-dii December, Maxkamad ayaa afar sano oo xabsi ah ku xakuntay hogaamiyihii hore ee waddanka Aung San Suu Kyi iyo madaxweyne Win Myint. Waxay ku eedeeyeen kicin dadweyne iyo xasillooni darro iyo in ay jebiyeen baratakoolka COVID-19.

Inkastoo taliska miltariga uu yareeyay xakunka kana dhigay laba sannadood, Aung San Suu Kyi iyo madaxda kale ee sida dimoqraadiga ah loo soo doortay, haddana waxay wajahayaan eedeeymo suuragalin kara in ay galaan xabsi muddo dheer ah.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken ayaa ku tilmaamay xakunka Aung San Suu Kyi iyo madaxda kale ee lasoo doortay ee la dulmiyay “Xadgudub dheeraad ah oo loo geystay dimoqraadiyadda iyo caddaaladda Burma. Ixtiraam la'aanta joogtada ah ee talisku ku hayo sharciga iyo adeegsiga baahsan ee xadgudubka ka dhanka ah dadka Burma waxay hoosta ka xariiqaysaa soo degdegidda dib u soo laabashada dariiqa dimuqraadiyadda Burma."


Qaar badan oo ka mid ah Many bulshada caalamka ayaa cambaareysay go’aanka maxkamadda Burma.

Amnesty International ayaa ku tilmaantay “Wax laga yaaq-yaaqsado oo musuq ah.” Human Rights Watch ayaa iyaduna ku tilmaantay “Wax aan sal laheyn.”

Maxada Guddiga Saree e Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay Michelle Bachelet ayaa tir: “Dacwadda Madaxda Qaranka, kaddib maxkamadeyn laga xishoodo oo u dhacday hab qarsoodi ah, isla markaana ay fulisay maxkamad ay koontaroolaan millatariga, ma ahan wax kale balse waa arrin la siyaasadeeysay.”
Ergeyga Sare ee Midowga Yurub ee Arrimaha Dibadda iyo Siyaasadda Amniga Josep Borrell ayaa shaaca ka qaaday in xukunku uu ka dhigan yahay "tallaabo kale oo loo qaaday burburinta ku dhaqanka sharciga iyo ku xadgudubka cad ee xuquuqda aadanaha ee Myanmar [Burma]."

Tan iyo 1-di February 1 markaas oo uu dhacay afganbigii millatari, rajiimka wuxuu sii kordhinayay weerarada rabshadaha ku saleysan ee ka dhanka ah xuquuqda aadanaha ee shacabka Burma. Xoogaga ammaanka ayaa oodda ka qaaday hub culus oo ay u adeegsadeen dad si nabad ah ku bannaanbaxayay. Rajiimka ayaa masuul ka ah dilka in ka badan 1,300 oo qof, wuxuu kaloo xabsiga dhigay dad ka badan 10,000 oo ruux.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Blinken ayaa ugu baaqay rajiimka millatariga in ay xabsiga kasii daayaan Aung San Suu Kyi iyo dhammaan dadka sida caddaalad darrada ah ay ciidamada u xireen ee waddanka Burma. “Waxaan ku celineynaa baaqeenna ah in rajiimku uu wadahaddallo wax ku ool ah la galo dhammaan dhinacyada si loo raadiyo xal nabadeed oo dan u ah shacabka. Iyadoo la raacayo heshiiskii ASEAN Five Point Consensus,”

Xogahye Blinken wuxuu kaloo yiri “Waxaan kula biireynaa shacabka Burma hammigooda xorriyadda iyo dimoqraadiyadda, waxaana ugu baaqeynaa taliska millatariga in ay soo afjaraann adeegsiga qaska iyo qalaanlanka, ixtiraamaan rabitaanka shacabka isla markaana ay soo celiyaan geeddisocodkii dimoqraadiyadda ee Burma.

Taasi waxay aheyd faallo ka tarjameysa aragtida dowladda Mareykanka.

XS
SM
MD
LG