Sanad ayaa laga joogaa tan iyo markii ku dhawaad 300 oo fanaan iyo dadka arimahan u dhaqdhaqaaqaa ay isu soo baxeen una mudaharaadeen xorriyada hadalka barxada wasaarada dhaqanka ee Havana, fanaaniinta ayaa ku baaqay xorriyada curinta iyo ta shakhsiga ahba in laga helo Cuba, iyo in dawlada Cuba ay ka qayb qaadato wada xaajood u ogolaanaya dadka reer Cuba inay cod ku yeeshaan jaan goynta mustaqbalkooda.
Xili masuuliyiintu ay bilowgii ogolaadeen inay dhagaystaan waxa ay fanaaniintu sheegayaan, ayaa hadana maamulku mar danbe uu diiday inuu ka qayb qaato wax wada xaajood ah.
Tan iyo xiligaasna xukuumada Cuba waxa ay laban laabtay dedaalkeeda ay ku aamusiinayso fanaaniinta, dadka arimahan u dhaqdhaqaaqa iyo wariyeyaasha xorta ah ee u sii wada si geesinimo leh inay ugu hadlaan xuquuqda aadamaha iyo xorriyadaha aasaasiga ah ee Cuba.
Maamulka ayaa meel mariyay shuruuc xayiraya xorriyada hadalka ee Online-ka, iyagoo adeegsanaya inay ganaaxaan ama ay ka joojiyaan khadka isgaadhsiinta dadka arimahan u dhaqdhaqaaqa iyo wariyeyaasha daabaca xaqiiqooyin ka dhan ah amaba wixii rayi ah.
Kuwa ka qayb qaatay dibad bixii 11-kii bishii July, dawlada Cuba waxa ay ku soo rogtay ganaax culus, iyadoo la raadinaysa xukun ilaa 30 sano oo xabsi ah.
Masuuliyiinta ayaa kuu cecelisay in Luis Mauel Atero Alcantara, Maykel Osorbo iyo Jose Daniel oo hada xabsiga ku jiraa ay kaliya u hadleen dadka reer Cuba rabitaankooda xorriyada.
Badhtamihii bishii November, maamulka Cuba waxa ay u direen ciidamada amaanka iyo kooxo ay dawladu wadato inay hadidaan Yunior Garcia oo heesaha curiya, kaasi oo ka qayb qaatay wadaxaajoodyadii sanadkii hore islamarkaana abaabulay baaqyo isu soo bax kale oo nabdoon, waxaana uu tan iyo xiligaas qoyskiisa ula cararay dalka Spain.
Dadka reer Cuba ayaa si isdaba joog ah u weydiisanayay dawladu inay dhagaysato baaqyadooda si ay u qadariyaan xuquuqda aadamaha, xorriyadaha rayi cabirka iyo isu imaanshiiyaha iyo dimuqraadiyada.
“Gees kasta, maamulku waxa uu dayacay fursada wadaxaajoodka islamarkaana waxa uu laban laabay fikrada burburinta, isagoo ku guuldaraystay hanaan dhaqaale oo siin kara dadka reer Cuba baahiyaha aasaasiga ah” waxa sidaasi war uu soo saaray ku idhi xoghaye Blinken.
“waxa aanu ku amaanaynaa dadka reer cuba sii waditaankooda inay ugu baaqaan dawladoodu inay dhagaysato aragtiyahooda iyo inay dalbadaan qadarinta xuquuqda aadamaha iyo xorriyadaha aasaasiga ah” ayaa uu idhi xoghaye Blinken.
“waxa aanu ku boorinaynaa maamulka Cuba inay tixgaliyaan baaqooda iyo inay u ogolaadaan dadka reer Cuba inay qaabeeyaan mustaqbalkooda, xor ka ahaadaan halis aargoosi oo dawlada kaga timaada”