Accessibility links

Breaking News

Ka ilaalinta qashinka ee badaha adduunka


Badaha waaweeyn oo dunidu waxay lama huraan u yihiin nolosha iyaga oo soo saara in ka badan kala badh ogsijiinteena, gacana ka geysata nidaaminta cimildeena, nuugista kaarboon laba ogsaydh, iyo taageeridda tirada ugu badan ee nolosha meeraheena waxaa kale oo ay lagama maarmaan u yihiin dhaqaalaha adduunka sababtoo ah waxay fure u yihiin gaadiidka iyo madadaalada waxayna halis weyn kala kulmaan wasakhowga caagga ah.

Sannad kasta, inta u dhaxaysa 8 iyo 14 milyan metrik ton oo baco ah ayaa lagu shubaa badaha sida lagu sheegay warbixin dhawaan uu soo saaray barnaamijka Qaramada Midoobay u qaabilsan deegaanka.

Okt. 21 balaastikada ayaa ah 85 boqolkiiba dhammaan qashinka badaha . Warbixintu waxay xustay in hab-nololeedyada, laga soo bilaabo ilaha biyaha ilaa badda, ay halis ku yihiin qashinka caagagga ah, waxaana lagu qiyaasaa in haddii bulshada caalamku ay wax ka qabato, wasakhowga caagagga ah ee badaha iyo qaybaha kale ee biyaha ay labanlaabmi karto sanadka 2030.

Caafimaadkeena iyo badbaadadeenu waxay ku xidhan tahay caafimaadka badaheena waa inaan sameynaa wax badan si aan u ilaalino,” ayuu yiri Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka Antony Blinken oo ka hadlayay munaasabad balaaran oo lagu qabtay Nairobi, Kenya oo garwadeen uu ka ahaa Barnaamijka Deegaanka ee QM.

Xoghaye Blinken ayaa shaaca ka qaaday in Mareykanka uu taageeri doono wada xaajoodyada dhinacyada badan leh ee soo socda ee ku saabsan heshiis caalami ah oo lagula dagaalamayo wasakhowga balaastikada badda. "

Markaan ka biloownay wada-xaajoodyadan Golaha Deegaanka ee Qaramada Midoobay bishii Febraayo 2022, hadafkeenu waa inaan abuurno qalab aan u adeegsan karno si aan u ilaalino badaheena iyo dhammaan nolosha aan ku ilaalinayno waxyeellada sii kordheysa ee caalamiga ah ee wasakhowga caaga ah,Waa muhiim in heshiisku ugu baaqayo waddammada inay horumariyaan oo ay fuliyaan qorshe hawleed qaran oo xooggan si wax looga qabto dhibaatadan halka ay ka imanayso. ayuu yiri Blinken.

Hayadaha dhaqaale ee gaarka loo leeyahay waa inay wax badan ka qabataan sidii loo jari lahaa wasakhowga caagga ah, ayuu yidhi Xoghaye Blinken. Waa inay sidoo kale maalgeliyaan hal-abuurnimada.

Waxaan aqoonsanahay in jilayaasha kala duwan ay yeelan doonaan awoodo kala duwan oo ay wax ku qabtaan, laakiin ummad kasta, bulsho kasta, iyo runtii qof kastaa wuxuu leeyahay door uu ka ciyaaro" ayuu yidhi,Waxaan wajahaynaa caqabad weyn oo ah ilaalinta badaheena , laakiin haddii aan ku rajo weynahay dadaalkeena caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah labadaba haddii aan isku dari karno dadaalka dawladda iyo warshadaha iyo kuwa bulshooyinka iyo shakhsiyaadka haddii aan awoodno hababka cusub waxaan ku qanacsanahay inaan ka gudbi karno caqabado badan waan ka gudbi karnaa si wadajir ah in heshiisku ugu baaqayo waddammada inay horumariyaan oo ay fuliyaan qorshe hawleed qaran oo xooggan si wax looga qabto dhibaatadan halka ay ka imanayso.

Taasina waxay ahayd faalo ka jurjumeeysa aragtida dawlada Mareeykanka.

XS
SM
MD
LG