Accessibility links

Breaking News

Ka dhigista dimoqraadiyadda mid u shaqeysa jiilka soo socda


"Mid ka mid ah mudnaanta koowaad ee Madaxweyne Biden waa in la hubiyo in la maqlo codka dhalinyarada ee arrimaha waaweyn iyo caqabadaha ina horyaalla, iyo in aragtidooda ay ka muuqdaan siyaasadeena iyo sida aan ula macaamilno caalamka," ayuu yiri xoghayaha arrimaha dibadda Antony Blinken oo ka hadlayay Shirweynaha Dimuqraadiyadda.

Hoggaamiyeyaal badan oo dhalinyaro ah oo adduunka oo dhan ah ayaa markhaati ka ah oo la kulma caqabadaha dimoqraadiyadda noloshooda iyo dalalkooda, ayuu yidhi Xoghaye Blinken.

"Waxaan dhageystay walaaca ay ka qabaan hanjabaadaha isa soo taraya ee ku wajahan saxafiyiinta iyo kuwa u dooda xuquuqda aadanaha. Waxaan maqlay dulqaad la'aantooda eexda iyo takoorka joogtada ah ee bulshadeena, iyo sida ay uga xun yihiin ficil la'aanta ku filan ee wax looga qabanayo dhibaatooyinka cimilada ee jira. Waxaan sidoo kale maqlay fikradahooda ku saabsan sida aan u isticmaali karno hab-dhaqanka wanaagsan ee dibloomaasiyadda, si aan u daboolno nusqaamaha bulshada dhexdeeda ah, sida aan u abuuri karno goobo cusub oo loogu talagalay codadka dhalinyarada, iyo waxyaabo badan"

Dhalinyaro aduunka oo dhan ku nool waxay doonayaan in codkooda la maqlo.

Sannadkii hore, tobannaan kun oo dhallinyaro ah ayaa hoggaamiyay dibad-baxyo looga soo horjeedo nidaamka cunsuriyadda ee adduunka oo dhan. Kuwo kale waa soo dhaweynayaan qaxootiga, la socodka hannaanka doorashooyinka, iftiiminta musuqmaasuqa, iyo u doodista xuquuqda aadanaha.

“Guushoodu waxay ku xirantahay xoojinta dimuqraadiyadeennaa, waxay sidoo sidoo kale ku xiran tahay in dhalinyaro badan ay ku soo biiraan - codeynta, tartanka xafiisyada, ka qayb qaadashada nolosha madaniga ah, hagaajinta dimoqraadiyaddeenna," ayuu yiri Xoghaye Blinken:

“Maraykanka waxa ka go’an mustaqbal ay dhammaan dhallinyaradu ka qayb qaadan karaan oo ay wakiil uga noqon karaan go’aannada dalkooda. Waxa aanu horumarinayna hindisayaasha USAID sida Doorashooyinka Caalamiga ah iyo Mashruuca Kala-guurka Siyaasadeed, halkaas oo aan isku xiri doonno dhalinyarada khuburada iyo taageerada aan bixineyno, waxay u baahan yihiin inay u tartamaan jagada. Waxaan ku caawineynaa dhalinyarada iyo hoggaamiyaasha dhalinyarada inay horumariyaan xirfadaha iyo isku xirka barnaamijyo ay ka mid yihiin Hal-abuurka Hogaamiyaasha Afrikaanka ah ee Da'da yar, Hogaamiyaasha Da'da yar ee Hindisaha Ameerika, iyo Hal-abuurka Hogaamiyaasha Koonfur-bari Aasiya, si ay ugu adeegaan bulshadooda" ayuu Blinken sii raaciyay.

Dhammaan caqabadaha hortaagan dimoqraadiyadda, ayuu ku nuux-nuuxsaday Xoghaye Blinken,"Waa habka ugu wanaagsan ee lagu difaaci karo, lagu taageeri karo, laguna hormarin karo karaamada bini'aadamka, taas oo ah wax naga wada dhammaanteen meel kasta oo aan ka nimid, cidda aan nahay, iyo asalkayaga. Sidaa daraadeed, waxaanu leenahay qayb weyn oo aanu ku hubinayno in nidaamkani shaqeeyo, si hufanna u shaqeeyo, wax qabad leh, (iyo) in natiijooyin ay ka soo baxaan.”

XS
SM
MD
LG