Accessibility links

Breaking News

Mareykanka oo soo dhaweeyay go'aanka Australia ee Xisbullah


Wasiirka arrimaha gudaha ee Australia Karen Andrews
Wasiirka arrimaha gudaha ee Australia Karen Andrews

Tani waa faalo ka tarjumeysa aragtida dowlada Mareykanka.

Maraykanku waxa uu soo dhawaynayaa rabitaanka Australia ee ah in gabi ahaanba ay ku asteyso urur argagixiso iyada oo la raacayo xeerka dambiyada Australia.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Australia Karen Andrews ayaa sheegtay in kooxda shiicada ah ee Iran ay taageerto ay "sii wadaan hanjabaada weeraro argagixiso iyo inay taageero siiyaan ururada argagixisada" ayna khatar "dhab ah" oo "la rumeysan karo" ku yihiin Australia. Wixii hadda kahorreyay, Australiya waxay u argagixiso u aqoonsaneyd kaliya "Qeybta Amniga Dibadda" ee Hezbollah.

Bayaan uu soo saaray oo lagu bogaadiyay go’aanka Australia, ayuu Afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka, Ned Price ku yidhi, “Tirtiridda kala-saarista khaldan ee u dhexeeya garabka millatari ee Hezbollah iyo inta kale ee ururka argagixisada waa tallaabo muhiim ah oo hore loo qaaday.”

Xisbullah qudheedu ma kala soocdo laamaheeda ciidan iyo kuwa siyaasadeed.
Sannadkii 2012, ku xigeenka xoghayaha guud ee Xisbullah Naim Qassem ayaa yidhi, "Ma lihin garab milatari iyo mid siyaasadeed; qayb kasta oo ka mid ah Xisbullah, laga bilaabo taliyeyaasha ilaa xubnaha iyo sidoo kale awoodahayada kala duwan, waxay ku jiraan iska caabinta."

Maraykanku waxa uu ugu baaqay dhammaan waddamada in ay tirtiraan kala qaybsanaanta beenta ah ee ka dhaxaysa waxa loogu yeero “baalasha” Hezbollah oo ay ula dhaqmaan ururka oo dhan waxa uu yahay – oo ah taageere iyo faafiye argagixisada adduunka oo dhan, kuwaas oo maalgeliyayaashooda ay tahay in lagu soo rogo cunaqabatayn, isla markaana hadntidooda la xayiro, dhaqdhaqqyadooduna ay tahay in baaritaan horudhac ah lagu sameeyo.

Dalal badan ayaa ka jawaabay baaqan, oo ay ku jiraan Austria, xubnaha Jaamacadda Carabta, Britain, Canada, Germany, Netherlands, Honduras, Argentina, iyo dalal kale oo Yurub iyo Latin America ah, iyadoo - hadda, ay soo raacday Australia.

"Xisbullah waa urur argagixiso oo halis ah, khatarna ku ah bad-qabka beesha caalamka, kaas oo sidoo kale wiiqaysa madax-bannaanida dowladda Lubnaan," ayuu yiri afhayeen Price oo sii raaciyay.

"Awoodda urur ahaan u gaarka ah iyo awoodaha argagixisonimo, iyo sidoo kale faafinta barabagaandada iyo shabakadaha maaliyadeed ee musuqmaasuqa ah, ayaa caqabado waaweyn ku ah nabadda iyo xasilloonida Lubnaan, Bariga Dhexe iyo adduunka oo dhan. [Tallaabada ay qaaday Canberra] waa tallaabo muhiim ah oo looga hortagayo awoodda Hezbollah si ay uga shaqeyso Australia iyo dibaddaba."

XS
SM
MD
LG