Accessibility links

Breaking News

Kor u qaadista dagaalka lagula jiro COVID-19


"Labadii sano ee la soo dhaafay waxay noo xaqiijiyeen in marka ay timaaddo COVID-19, haddii hal qof uu halis ku jiro, in markaa dhammaanteen aan halis ku jirno.”

Xoghayaha arrimaha dibedda Antony Blinken ayaa sheegay in hadafka Mareykanka uu yahay "in la soo afjaro masiibada, iyo in adduunka laga dhigo mid cag adag ku taagan ka hor tan xigta."

Isagoo ka hadlayay shirweynaha Dimuqraadiyadda, ayaa wuxuu xusay in Mareykanku uu horay u siiyay in ka badan 330 milyan oo tallaal ammaan ah oo wax ku ool ah 110 waddan iyo dhaqaalaba, taas oo qayb ka ah ballanqaadkiisa ah in uu bixiyo 1.2 bilyan oo qiyaasood dayrta soo socota.

“Waxaan dejinay yoolka ah inaan ugu yaraan 70 boqolkiiba adduunka ka tallaalno bisha Sebtembar ee soo socota tallaallo tayo leh, badbaado leh, waxtar leh, ayuu yiri Xoghaye Blinken.

"Waxaan dejinay yoolka ah inaan ugu yaraan 70 boqolkiiba adduunka ka tallaalno bisha Sebtembar ee soo socota, tallaallo tayo leh, badbaado leh, waxtar leh," ayuu yiri Xoghaye Blinken.

“Si tan loo sameeyo, dalalku waa inay xoojiyaan dadaalladeena si kor loogu qaado wax soo saarka, si loo kordhiyo deeqaha tallaalka, si loo oofiyo ballanqaadyadii loo sameeyay COVAX, oo aan gacan ka geysanno xallinta caqabadaha ugu dambeeya ee dhab ahaantii tallaalada u beddelaya tallaal.

Tani waxay ka dhigan tahay “in la ogaado saadka kaydinta iyo gaarsiinta malaayiinta tallaalka si badbaado leh, ka caawinta waddammada inay qorsheeyaan oo ay hirgeliyaan ololeyaal tallaal oo ballaaran, taageeridda shaqaalaha daryeelka caafimaadka,” ayuu yiri Xoghaye Blinken.

Waxa uu intaa ku daray in dimoqraadiyaddu ay si gaar ah ugu habboon yihiin inay hoggaamiyaan dadaalkan caalamiga ah.

“Dimuqraadiyadda marka ay ugu fican tahay waa adkeysi, hal abuur leh, awood u leh inay ka gudbaan caqabadaha adag, iyo inay si degdeg ah ula qabsadaan marka loo yeero, iyo inta ugu badan, oo ay ka go'an tahay daboolidda baahiyaha dadka, gaar ahaan wakhtiyada dhibaatooyinka.” Si loo joojiyo COVID-19, waddamadu waa inay si hufan oo toos ah ula socdaan muwaadiniintooda.

Waxay u baahan tahay in xogta la wadaago, iyadoo hantida dadweynaha loo isticmaalayo si mas'uuliyadeed oo haddii uu khalad dhaco, in la qirto. Maadaamaha aanay joogsan doonin masiibada ilaa qof walba la ilaaliyo, waa inaan hubinno in qof kasta uu helo, meel kastana laga helo tallaalo badbaado leh oo waxtar leh.

Ugu dambayntii, la dagaallanka COVID-19 waxay u baahan tahay is-weydaarsiga xorta ah ee fikradaha iyo xalalka, ayuu yiri Xoghaye Blinken.

“Saraakiisha dawladda, khubarada caafimaadka dadweynaha, saynisyahanno, xubnaha bulshada rayidka ah, muwaadiniinta oo dhan si wada jir ah ayey uga wada shaqeynayaan guud ahaan wax ka qabashada masiibada, laga soo bilaabo raadinta ololayaasha caafimaadka dadweynaha ilaa qaybinta tallaalka. Kuwani waa agabyada muhiimka ah ee dagaalka lagula jiro COVID, waxayna sidoo kale u dhacaan inay yihiin qiyamka dimuqraadiga ah ee asaasiga ah.”

"Waxaan u baahanahay inaan sii wadno dadaalkooda bilaha soo socda si aan adduunka isaga keeno, anagoo si adag ugu adkeynayna inaan soo afjarno masiibadaan."

Taasi waxay ahayd faallo ka tarjumaysa aragtida dawladda Maraykanka.

XS
SM
MD
LG