Accessibility links

Breaking News

Mareykanka iyo xulufada NATO oo Russia ku cadaadinaya xal diblomaasi


Tani waa faallo ka turjumeysa aragtida dowladda Mareykanka

Mareykanka iyo saaxiibadiisa la ologa ah iyo kuwa ay wadashaqeeyaan ayaa wadahadalo deg deg ah todobaadkan ka yeelanaya si loo dejiyo xiisada Ruushku ka abuurey difaaca adag ee ciidamada uu soo dhoobey xuduuda Ukraine. Mareykanka waxa ay kulan aan caadi aheyn la yeesheen Ruushka kulan looga hadlaayey xasiloonida gobolka oo ay isbaheysiga NATO kula hadlayeen Ruushka golaha ay NATO iyo Ruushku ku mideysan yihiin. Todobaadkii hore oo dhan Mareykanka iyo NATO iyos aaxiiba kale ayaa sharaxaad ka bixiyey wado diplomaasiyadeed oo loo maro xalka arrintan iyagoo Ruushka ugu baaqey in xiisada uu dejiyo.

Wendy Sherman, ku xigeenka xoghayaha arrimaha dibada Mareykanka oo kulankaas Mareykanka ku mataleysey ayaa tiri “Mareykanku waxay soo dhoobeen xuduuda Ukaraine 100,000 oo ciidamo ah, waxaana ay wali Ruushku ku adkeysanayaan in Ukraine ay iyadu colaada raadineyso ayna xiisada sii hurineyso oo Ruushku uusan aheyn kan xiisada abuuraya”

Waxaa xusid mudan Ruushku sanadkii 2014ka uu farageliyey uuna wali heysto gacanka Crimea ee Ukraine.

Qoraalada laba heshiis ayuu wasiir ku xigeenka arrimaha dibada Ruushka Sergei Ryabkov soo gudbiyey bartamihii December. Sherman ayaa tiri “Uma ogolaaneyno qofna inuu xoogku xiro siyaasada albaabka furan, taasoo waligeedka udub dhexaad u aheyd isbaheysiga NATO. Sherman ayaa intaas raacisey “ma tuureyno heshiis iyo wax wadaqabsi wadan xor ah oo doonaya in ay wadashaqeeyaan Mareykanka mana gaari doono go,aan aysan Ukraine goobjoog u aheyn, Yurub oo aysan Yurub ogeyn ama NATO oo aan meesha joogin, waxaanu saaxibadeena nala ologa ah leeyahay “ ma jiri doonto wax idinku saabsan oo aadan miiska u fadhiyin oo la gaari doono”

Sherman ayaa sheegtey “waanu acdeyney in Mareykanku soo dhaweyn doono horumar dhab ah oo loo maro Diplomaasiyada. Waxaa kale oo aynu ku celineynaa in aynu aaminsanahay horumar dhab ah oo wadiiqada kaliya ee loo mari karo ay tahay xiisada oo la dejiyo balse aanan la sii kicin”

Sherman ayaa intaas raacisey “ Hadii Ruushka ay miiska sii fadhiyaan ayna qaadaan talaabo muuqata oo xiisada lagu dejinaayo , waxaanu aaminsanahay waxaanu aaminsanahay in aynu horumar gaari doono” waxaa kale oo ay intaas raacisey “balse hadii uu Ruushku ka huleelo wadada diplomaasiyada,waxay taasi cadeyneysaa in markii horeba aysan dhab ka aheyn raadinta xal siyaasadeed”

“Waanu cadeyney in hadii Ruushku mar akel farageliyo Ukraine ay jiri doonto cawaaqib saameyn dhab ah yeelanaya oo ka xoogan talabadii aynu ka qaadney 2014ka markii Crimea ay qabsadeen”

Iyadoo hadalkeeda sii wadata ayey tiri “talaabooyinkaasi waxaa ka mid noqon doona cunaqabateyno dhaqaale, waxaana si gaar ah ugu jiri doona cunaqabateynadaas kuwo heyadaha dhaqaalaha la saarayo, kuwa wax dhoofiya, iyo warshadaha.sidoo kale waxaynu xoojin doonaa heshiisyada NATO iyo waliba inagoo xoojin doona kaalmada dhinaca amaanka ee Ukraine la siiyo”

Ku xigeenka xoghayaha arrimaha dibada Mareykanka Sherman ayaa tiri “ Ruushka waxaa horyaala go'aan adag oo horyaala.”

XS
SM
MD
LG