Accessibility links

Breaking News

Sii-deynta Warbixinta Argagixisada dalalka ee 2020


US Department of State
US Department of State

Tani waa faallo ka tarjumeysa aragtida dowladda Mareykanka

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa soo saartay Warbixinta Argagixada ee sanadkii 2020-kii ee loo yaqaan CRT, taasi oo macluumaad ka bixisa guulaha dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo waliba hanjabaadaha cusub iyo kuwa joogtada ah ee ka imanaya ururrada argagixisada ah.

Warbixintan, Dukumentiga Macluumaadka Tirakoobka, ayaa muujinaysa in tirada weerarrada argagixiso iyo guud ahaan tirada dhimashada ee ka dhashay weeraradaasi ay boqolkiiba toban (10%) kordheen sanadkii 2020-kii marka loo eego sanadkii ka horreeyay ee 2019-kii.

Sanadkii 2020-kii, khatarta argagixisada ayaa sii korodhay, iyadoo juquraafi ahaanna ku baahday meelo badan oo dunida ah. Mareykanka ayaa ka jawaabay khatarta sii kordheysa, isaga oo ballaariyay Isbaheysiga Caalamiga ah ee ujeedkiisu yahay in laga adkaado Daacish, isbahaysigaasi oo hadda ka kooban 84 dal. Isbahaysiga burburinta Daacish (ISIS) ayaa ka shaqeeyay xoojinta guulaha laga gaaray dalalka Iraq iyo Syria, iyadoo la sii ballaarinayo dadaallada looga hortagayo khatarta sii kordheysa ee Daacish ay ku hayso Galbeedka Africa iyo gobolka Sahel.

Sannadkii 2020-kii, sagaal waddan oo ku kala yaalla Western Hemisphere iyo Yurub ayaa qaaday tillaabooyin muhiim ah oo lagu aqqoonsanayo, mamnuucayo, ama lagu xaddidayo ururka Hizballah. Iyadoo ka tarjumaysa khatarta sii kordheysa ee rabshadaha xagjirnimo ee ka shidaal qaata qowmiyad ama isir, Wasaaradda Arrimaha Dibadda waxa kale oo ay markii u horreysay 2020-kii urur argagixiiso ah u aqqoonsatay koox cunsuriyiin caddaan ah, iyadoo cunnaqabateyn ku soo rogtay kooxdaasi oo lagu magacaabo Russian Imperial Movement iyo saddex ka tirsan hoggaamiyeyaasha kooxda.

Mareykanka iyo xulufadiisa ayaa sanadkii 2020-kii ka sii waday meelo badan oo caalamka ah dagaalka ay kula jiraan Al-Qaacidda iyo kooxaha xiriirka la leh. Al-Qaacidda (AQ) ayaa sii kordhisay joogitaankeeda qeybo ka mid ah caalamka gaar ahaan Bariga Dhexe iyo Africa.

Iran ayaa sanadkii 2020-kii sii wadday in ay taageerto falalka argagixisada ee heer gobol iyo caalamkaba. Gobol ahaan, Iran ayaa taageertay kooxaha ka howlgala dalalka Bahrain, Iraq, Lebanon, Syria, iyo Yemen, waxaana ka mid ah kooxaha Hizballah iyo Xamaas. Caalamkana, Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Quds Force ayaa ah kooxda koowaad ee ku lug leh taageeridda qorista kooxaha argagixisada ah, maalgelinta iyo agaasinta weerarrada ka dhaca Yurub, Africa, iyo Asia, iyo waqooyiga iyo koonfurta America.

Mareykanka ayaa sii wada in uu dowr lixaad leh ka qaato dadaallada caalamiga ah ee looga hortagayo kooxaha argagixisada caalamiga ah. 2020-kii, Mareykanka ayaa hoggaaminayay dadaallada guddiga cunnaqabateynta ee Golaha Ammaanka ee QM ee loogu aqqoonsaday kooxaha Daacish ku xiran ee ka howlgala galbeedka Africa, Gobolka Saxaraha Weyn, Libya, Yemen, iyo Indonesia.

Maraykanka ayaa waxa kale la hawl-galay saaxiibo badan oo caalami ah si looga hortago loona wiiqo xagirinimada rabshada wata dhinac kastaba.

Warbixinta 2020-kii ee xogta dhacdooyinka argagixiso ayaa ka tarjuemysa sida aan gorgortanka laheyn ee ay Mareykanka uga go’an tahay in uu shacabka Mareykanka ah iyo kuwa dalalka xulufada ahba ka ilaaliyo khatarta sii socota ee argagixisada.

XS
SM
MD
LG