Accessibility links

Breaking News

Mareykanka wuxuu taageerayaa dimoqraadiyadda Venezuela


Tani waa faallo ka tarjumaysa aragtida dawladda Maraykanka

Mareykanka wuxuu soo dhaweynayaa heshiiska ay gaareen Golaha Qaranka ee sida dimuqraadiga ah loo soo doortay ee Venezuela 2015 si uu ugu kordhiyo xilka muddo hal sano ah, iyadoo Juan Guaidó uu yahay madaxweynaha ku meel gaarka ah.

Maraykanku wuxuu sii wadayaa inuu aqoonsado awoodda Golaha Qaranka ee 2015 inuu yahay hay'ad dimuqraadi ah oo ugu dambeysay ee Venezuela.

Taliska Maamuulka Nicolás Maduro ayaa caadaystay cadaadiska siyaasadeed, xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee baahsan, iyo sidoo kale xaddidaadyo ba'an ee jilayaasha siyaasadda iyo bulshada rayidka ah iyo xorriyatul qawlka ee ku dhacay dadka Venezuela.

"Waxaan taageereynaa dadaallada lagu dhisayo nidaamka dimuqraadiga ah iyo ku dhaqanka sharciga ee Venezuela," ayuu ku yiri afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Marayakanka Ned Price bayaan uu soo saaray.

"Waxaan ugu yeereynaa Nicolás Maduro inuu dib u galo wada xaajoodyada Mexico, iyo inuu sidaas u sameeyo si niyad wanaag ah oo faa'iido u leh dadka Venezuela," ayuu raaciyay Mr. Price.

"Waxaan sii wadi doonaa inaan la shaqeyno tiro badan oo ka mid ah asxaabta Venezuela iyo kuwa caalamiga ah iyadoo la adeegsanayo dhammaan qalabyada diblomaasiyadeed iyo dhaqaale ee ku habboon si aan u cadaadinno sii-deynta dhammaan kuwa sida xaq-darrada ah ugu xiran sababo siyaasadeed, madaxbannaanida xisbiyada siyaasadda, ixtiraamka xorriyadda hadalka iyo soo afjarida xadgudubyada ka dhanka a xuquuqda aadanaha.” Intaa waxaa dheer, Maraykanku wuxuu sii wadi doonaa inuu la shaqeeyo xubnaha beesha caalamka si loo xoojiyo shuruudaha ku habboon doorashooyin xor iyo xalaal ah oo ka dhaca Venezuela.

Mareykanka ayaa sidoo kale taageera dadaallada lagu yareynayo dhibaatada dadka Venezuela iyo in la soo afjaro dhibaatooyinka bini'aadantinimo ee Venezuela.

Tan iyo 2017, Maraykanku waxa uu bixiyay in ka badan $1.9 bilyan oo taageero dhaqaale oo loogu talagalay arrimaha bini'aadantinimada, dhaqaale horumarineed, iyo gargaar caafimaad si loo caawiyo dadka reer Venezuela ee ku sugan gudaha Venezuela iyo kuwa lagu qasbay in ay ka qaxaan gobolka oo dhan.

Mareykanka ayaa sii ahaan doona u doode xooggan oo u dooda xuquuqda dadka Venezuela si ay uga shaqeeyaan sidii nabad loogu soo celin lahaa dimuqraadiyadda iyada oo loo marayo doorashooyin xor iyo xalaal ah.

XS
SM
MD
LG