Accessibility links

Breaking News

Mareykanka wuu difaacayaa ciidamadiisa Iraq iyo Syria


Tani waa faallo ka tarjumeysa aragtida dowladda Mareykanka

Halgalka Maraykanka ee ciraaq ayaa si rasmi ah looga soo guuriyay hawlgal dagaal islamarkaana loo soo raray mid talo iyo taageero siiya ciidamada amaanka ee Ciraaq.

Ilaa 2500 ciidamada Maraykanka ah ayaa ku haray Iraq islamarkaana qiyaastii kun ayaa ku sugan Syria, kuwaasi oo qayb ka ah dagaalka isbahaysiga uu Maraykanku hogaaminayo ee ka dhanka ah ISIS, kaasi oo loo yaqaano hawlka yagleelida xalka.

Ciidamada Maraykanku weli halis ayay kaga sugan yihiin gobolka, mana aha kaliya ISIS, intii lagu gudo jiray todobaadkii koowaad ee bishan January, saldhigyo ay ciidamada Mareykanka ka degan yihiin Iraq iyo Syria ayaa lala beegsaday weeraro xiriir ah. Kuwaasi oo qaarkood ay ahaayeen laba qarax oo lagu soo xiray diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo lagu beegsaday ciidamada Maraykanka meel u dhaw saldhiga Ain Al-asad ee galbeedka Iraq.
Hanaanka difaaca ee saldhiga ayaa burburiyay labada diyaaradood ee drone-ka ahaa, waxa taasi raacda, Green Village, saldhiga xoogaga dimuqraadiga ah ee Syria oo ku yaala waqooyi bari Syria, kaasi oo ay joogaan in kooban oo ah ciidamada Maraykanka iyo isbahaysaga, ayaa si dadban u waajahay rasaas tas-hiilaadka rayidka ah gudahooda ah.

Weerarro ayaa dhacay intii lagu gudo jiray sanadguuradii labaad ee kasoo wareegtay duqayntii maraykanku uu ku dilay Generaalkii reer Iran Qasem Soleimani, kaasi oo madax u ahaa ciidamada ilaalada Kacaanka Iran ee Islaamiga ah iyo ciidamada Qudus, islamarkaana masuul ka ahaa dhimashada iyo dhaawaca kumanaan ciidamada Maraykanka ah, Maraykanku waxa uu ku calaamadiyay xoogaga Qudus urur argagixiso oo shisheeye ah sanadkii 2019-kii.

Warbixin uu dhawaan siiyay warbaahinta, ayaa John Kibry oo ah afhayeenka wasaarada difaacu uu ku sheegay in weeraradii dhawaan lagu qaaday ciidamada Maraykanka ee ku sugan Iraq iyo Syria ayaa uu ku idhi “aad ayay ugu eegyihiin noocyada weerar ee aan ku aragnay maleeshiyada ay Iran taageerto, heerkeenna shaqo ee filashadana waa in kooxaha noocaas ah ay masuul ka ahaayeen waxaasi”

Kibry oo ah afhayeenka iyo taliyaha xoogaga isku dhafka ah ee hawlgalka Major general John Brennan waxa ay cadeeyeen in milatariga Maraykanku ay awoodaan islamarkaana samayn doonaan isdifaacid, “Isbahaysigu waa uu haystaa xaqa uu kaga difaaco naftiisa iyo xoogaga iskaashig uu kala dhexeeyaba wixii halis ah islamarkaana wey sii wadi doonaan inay sameeyaan wax kasta oo awoodooda ah si ay u ilaaliyaan ciidamadaasi” ayuu yri General Brennan.

“Isbahaysigayaga wuu sii wadayaa inuu dhugto halisaha ka dhanka ah ciidamadeenna ku sugan Iraq iyo Syria ee ka imanaysa kooxaha maleeshiyada ah ee ay Iran taageerto. Weerarradaasi waxa ay halis ku yihiin isbahaysigayaga wadaaga ah ee hawlgalka talo bixinta, kaalmaynta iyo awood u siinta xoogaga aan iskaashano si ay u hantaan guuldarro waarta oo daacish ah.”

XS
SM
MD
LG