Accessibility links

Breaking News

Mareykanka iyo Japan oo diyaar u ah inay ka gudbaan caqabadaha Indo-Pacific


Tani waa faallo ka tarjumeysa aragtida dowladda Mareykanka

Xoghayaha Arrimaha Dibedda Antony Blinken iyo Xoghayaha Difaaca Lloyd Austin ayaa dhowaan la kulmay dhiggooda Japan Wasiirka Arrimaha Dibadda Hayashi Yoshimasa iyo Wasiirka Difaaca Kishi Nobuo kuwaas oo isku arkey kulanka Guddiga Wadatashiga Amniga ee Maraykanka iyo Japan.

Wasiirradu waxay si adag u xaqiijiyeen inay ka go'an tahay in la helo gobol xor ah oo furan oo Indo-Pacific ah waxayna aqoonsadeen doorka muhiimka ah ee Isbahaysiga Maraykanka iyo Japan inuu yahay tiirka nabadda, amniga, iyo barwaaqada gobolka.

Xoghaye Blinken waxa uu carabka ku adkeeyay in isbahaysiga Maraykanka iyo Japan uu ka xoog badan yahay sidii hore oo uu "u baahan yahay in ay ka gudbaan caqabadaha maanta horyaal":

"Shiinaha iyo Ruushka waxay sii wadaan inay ku xad gudbaan xeerarka caalamiga ah - berriga, badda, hawada sare, internetka. Falalka kicinta ah ee Beijing waxay sii kordhinayaan xiisadaha ka jira marinka Taiwan, iyo bariga iyo koonfurta badaha Shiinaha. Keenidda milatariga ee ay Moscow geysay xudduudaha Ukraine iyo hadalladeeda sii kordheysa ee qallafsan maaha oo kaliya khatar ku wajahan madaxbannaanida Ukraine iyo wadajirka dhuleed, laakiin nabadda iyo xasilloonida Yurub oo dhan ayay halis ku yihiin. Waxayna Beijing iyo Moscow sii xoojinayaan iskaashigooda milateri. Dhanka kale, barnaamijka nukliyeerka iyo gantaallada ee DPRK ee sharci darrada ah ayaa keenaya khatar joogta ah, taasna mar kale ayaan aragnay. . .oo kii ugu dambeeyayna uu dhawaan ahaa."

Si wax looga qabto khatarahaas isa soo taraya, ayuu yidhi Xoghaye Blinken, "isbahaysigeenu waa in aanu kaliya xoojin agabka aanu haysano, balse waa in aanu la nimaanna kuwa cusub."

Japan waxay ku celisay go'aankeeda ah inay xoojiso awoodeeda difaaca si ay u xoojiso difaaca qarankeeda ugana qayb qaadato nabadda iyo xasiloonida gobolka. Maraykanku waxa uu muujiyay sida ay uga go’an tahay difaaca Japan ee uu dhigayo heshiiska Maraykanka iyo Japan ee iskaashiga iyo amniga wadaaga ah, iyada oo uu adeegsanaysa awooddeeda kala duwan oo ay ku jirto Nukliyeerka.

Mareykanka waxaa ka go'an inuu ka soo horjeesto tallaabo kasta oo hal dhinac ah oo wax ka baddaleysa xaaladda taagan ama lagu wiiqo maamulka Japan ee jasiiradaha Senkaku.

Wasiirradu waxay sidoo kale muujiyeen walaacyo dhab ah oo jira oo ku saabsan arrimaha xuquuqul insaanka ee Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha ee ismaamulka Xinjiang Uighur iyo Hong Kong. Waxay go'aansadeen inay la shaqeeyaan dhammaan kuwa wadaaga ballan-qaadka ixtiraamka xorriyadda, dimuqraadiyadda, xuquuqda aadanaha, ku dhaqanka sharciga, iyo nidaam dhaqaale oo xor ah oo caddaalad ah.


"Waxaan kobcineynaa isuduwid weyn ee xulafada kale iyo saaxiibbada," ayuu yiri Xoghaye Blinken, "dib u xoojinta Quad, oo ay weheliyaan India iyo Australia; sii qoto dheeraynta xiriirka saddex geesoodka ah ee Maraykanka-Japan iyo Koonfurta Kuuriya."

"Sababahaas iyo kuwo kale oo badan dartood," ayuu yiri Xoghaye Blinken, "isbahaysigeennu sooma marin mar uu kaga muhiimsanaa arrintani xaqiijinta aragtida la wadaago ee Indo-Pacific xor ah oo furan."

Taasi waxay ahedy arragti ka tarjumeysa arragtida Dowladda Mareykanka.

XS
SM
MD
LG