Accessibility links

Breaking News

Mareykanka oo taageeraya dadaallada lagu difaacayo dimoqraadiyadda Mali


Tani waa faallo ka tarjumeysa aragtida dowladda Mareykanka

Mareykanka wuxuu taageerayaa ficillada ay qaadeen Ururka Bulshada Dhaqaalaha Galbeedka Africa ee loo soo gaabiyo ECOWAS, kaas oo ay ku difaacayaan dimoqraadiyadda iyo xasilloonida Mali.

Kulan madaxeed gaar ahaa oo ay 15-ka xubnood ee Ururkan yeesheen 9-ki bishaan Januar, ayay cunaqabateyn dheeraad ahi ku soo rogeen Mali.

Arrintan ayay u kuskadeen, kaddib marki ay hogaamiyaasha millatariga ee talada xoogga kula wareegay ay muddo ka badan sannad dib u dhigayeen qabashada doorasho xor ah. Cunaqabateynta ayaa waxaa ka mid ah joojinta dhaq-dhaqaaqa maaliyadeed ee aan muhiimka aheyn iyo in xubnaha ECOWAS ay xuduudahooda cirka iyo dhulka ka xirtaan Mali isla markaana ay dib ula soo noqdaan danjirayaashooda ka jooga Bamako.

Hogaanka millatari ee hadda talada Mali haya ee uu madaxda u yahay Assimi Goita, ayaa kursiga afganbi ku qabsaday bishi August 2020. Kaddib marki ay awoodda xoog uga tuureen madaxweynihi hore ee Mali Ibraham Keita. Bishi May 2021, Goita ayaa dib loo riixay.

Marki hore wuxuu noqday madaxweyne ku meel gaar ah, kaddibna toos ayuu talada ula wareegay. Dowladda kumeel gaarka aheyd ayaa markeedii hore ballan qaadday in ay qabaneyso doorashada guud bisha February 2022. Laakin December, ayay hogaanka sare ay soo jeediyeen in ay awoodda dheereystaan oo ay gaarsiiyaan illaa 2026.

War-murtiyeedkii ay cuna-qabateynta kaga dhawaaqeen, ayay hogaamiyaasha ECOWAS ku sheegeen in xukun dheereysiga millatariga uusan aheyn mid gabi ahaanba la aqbali karo. Waxay carrabka ku dhajiyeen in ay dul-dhigayaan cuna-qabateyn suurtagelin karta in xakunkii dimoqraadiga uu dib u soo noqdo.

Midowga Yurub, Faransiiska iyo Baroqtooyada Ingiriiska ayaa ka mid ah bulshada caalamka ee la saftay Mareykanka isla markaana taageeray cuna-qabateynta ECOWAS ee Mali.

Iyada oo ka hadlaysay shir dhawaan uu Golaha Amaanka ka yeeshay Mali, ayay danjiraha Mareykanka ee Qaramada Midoobay Ambassador Linda Thomas-Greenfield sheegtay, “Waanu la wadaagnaa niyad-jabka qotada dheer ee ECOWAS ee ku aadan rsabitaan la’aanta cad ee siyaasadeed ee ay muujisay dowladda ku meel-gaarka ah ee Mali, si horumar looga sameeyo diyaarinta dooarashada.

Maadaama ay horay u ballan-qaadday kaddib afganbigii August 2020. Waxaan ku boorrineynaa dowladda ku meel-gaarka ah in ay fuliso ballan-qaadkeedii ay u sameysay shacabka Mali, si waddanka loogu celiyo dimoqraadiyadda. Waa waxa ay dadka reer Mali weydiisteen, waana wax ay u qalmaan. Shan sano oo ku meel-gaar ah dani uguma jirto shacabka Mali, kaliyah waxay ku sii kordhineysaa xanuunka.”

Ambassador Thomas Greenfield waxay sidoo kale cambaareysay “xaaladaha sii kordhaya ee xad-gudubyada amni ee Mali” Waxay dhanka kale ka digtay, saameynta xun ee kooxda calooshood u shaqeystayaasha ay taageerto Dowladda Ruushka ee Wagner Group, kuwaas oo Mali ka geysanaya xadgudubyo ka dhan ah aadanaha. Sidoo kalana khatar ku ah howlgalka nabad ilaalinta MINUSMA iyo sidoo kale dadka reer Mali.

Iyada oo si toos ah ula hadleysay danjiraha Mali ee Qaramada Midoobay Issa Konfourou, ayay Ambassador Thomas-Greenfield tiri, “Yoolkeennu waa inaan idinka idinla shaqeyno. . . .Aanu wada shaqeyno si aan xasilloonida dib ugu soo celinno Mali iyo shacabkiisa, isla markaana ay Mali dib ugu soo celinno bulshada caalamka iyo makaanki ay laheyd.”

XS
SM
MD
LG