Accessibility links

Breaking News

Calaamadeynta taageerayaasha Al-Qacida ee Brazil


Tani waa faallo ka tarjameysa aragtida Dowladda Mareykanka.

Marka ay cadeeymuhu soo baxaan, Maraykanku wuxuu aqoonsadaa shakhsiyaad gaar ah oo muhiim u ah hawlgalka ururada argagixisada. Qaar badan oo iyaga ka mid ah waxay samaysteen oo ay ka shaqeeyaan shabakado cayiman si ay maalgelinta uga caawiyaan ururada argagixisada.

Inta badan, marka la aqoonsado shakhsiyaadka noocaas oo kala ah, Dowladda Mareykanka waxay magacyadooda ku dartaa Liiska Muwaadiniinta Sida gaarka ah loo Asteeyay. Hantida u taalla Mareykanka ayaa markiiba la xannibaa. Mana jiro qof muwaadin ama shirkad Mareykan ah oo xiriir ganacsi la sameyn karto shakhsiyaadkaasi. Dariiqaan, Mareykanka wuxuu ku curyaamiyaa shabakadaha dhaqaalaha ka taageera argagixisada iyo ururada wax argagixiya.

Dhamaadki bishii December, Xafiiska Xakameynta Hantida Shisheeye ee Waaxda Maaliyadda Mareykanka ee loo soo gaabiyo OFAC, ayaa saddex nin oo saldhigoodu yahay Brazil u aqoonsaday in ay qeyb ka yihiin shabakad xiriir la leh al-Qa’ida.

Waaxda Maaliyadda oo tixraaceysa amarka fulinta ee tirsigiisu yahay 13224 ee baacsashada argagixisada caalamiga ah ee sida gaarka ah loo asteeyay, ayaa shakhsiyaadkani u aqoonsatay in ay taageero u fidinayeen koox argagixiso ah.

Haytham Ahmad Shukri Ahmad Al-Maghrabi, oo ah howl-wadeenka gaarka ah ee al-Qai’da iyo mid ka mid ah xubnaha asalka ah ee shabadakka ayaa tagay Brazil sannadki 2015. Isaga oo la shaqeynaya xubnaha shabakadda ayuu Al-Maghrabi fuliyay heshiisyo ganacsi oo dhowr ah isla markaana wax ku iibiyay lacago qalaad.

Al-Maghrabi waxaa loo aqoonsaday inuu si maaddi ah u caawiyay, kafaala qaaday, ama u fidiyay taageero maaliyadeed, qalab, ama tiknoolajiyad, ama alaabo ama adeegyo lagu taageerayo, Al-Qaacida.

Mohamed Sherif Mohamed Mohamed Awadd ayaa tagay Brazil bartamihi sannadki 2018. Wuxuu lacago xawilaad ah oo laga soo diray bankiyo kale ka helay, saaxibadiisa kale ee Al Qaacida ee Brazil, wuxuuna ku lug yeeshay daabacadda lacago been abuur ah.

Awadd ayaa qeyb ahaan leh oo maamula shirkad iibisa qalabka guryaha oo lagu magacaabo Comercio de Moveis EIRELI oo ku taalla magaalada Sao Paulo.

Ahmad Al-Khatib ayaa isna leh oo qeyb ahaan maamula shirkad sameysa qalabka guryaha oo la yiraahdo Comercio de Moveis e Intermediacao de Negocios EIRELI.

Awadd iyo al-Khatib labaduba waxaa loo aqoonsaday inay taageero maaddi u fidiyeen, kafaalo qaadeen ama dhaqaalo siiyeen, qalab ama tiknooloji ama alaabo ama adeeg ama ay taageereen Mohamed Ahmed Elsayed Ahmed Ibrahim. Ibrahim ayaa isna lagu caddeeyay inuu bishii September 10, 2019 uu u dhaqmay ama matalay Al Qaacida.

Labada shirkadood ee qalabka guryaha ee magaalada Sao Paulo ayaa loo aqoonsaday in ay leeyihiin ama maamulaan Awadd iyo al-Khatib.

“Dhaqdhaqaaqyada shabakadan fadhigeedu yahay Brazil ayaa muujinaya in al-Qaacida ay weli tahay khatar argagixiso oo caalami ah, laakin magacaabista maanta ayaa gacan ka geysan doonto in kooxda loo diido in ay ku milmaan nidaamka maaliyadeed ee rasmiga ah.,” Sidaasi waxaa yiri Ku Xigeenka Xoghayaha Waaxda Maaliyadda Brian E. Nelson.

Wuxuu intaasi raaciyay “Mareykanka waxaa ka go’an inuu la shaqeeyo saaxibaddeenna caalamka oo ay ku jirto Brazil, si la burburiyo shabakadaha dhaqaalaha ka taageera Al Qacida.”

XS
SM
MD
LG