Accessibility links

Breaking News

Ukraine waxay xuquuq u leedahay dimoqraadiyad


Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka Antony Blinken
Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka Antony Blinken

Tani waa faallo ka tarjumeysa aragtida Dowladda Mareykanka

24-ki August, 1991-ki ayay Ukraine ku dhawaaqday in ay xorriyadda ka qaadatay Midowgi Soofiyetka, markiiba dalkaasi cusubi wuxuu billaabay qaabeynta mustaqbalkiisa. Hase yeeshee, Ruushka ayaa diiday inuu aqbalo madaxbannaanida Ukraine isaga oo mar walbaa goo-goynayay dhulkeeda, wiiqayay hay’adaheeda dastuuriga, kharribayay ama afganbiyanayay hogaamiyaasheeda isla markaana ku amrayay siyaasadda arrimaha dibadda ee Ruushka in ay is hortaagto hammiga daacadda ah ee Ukraine ee ku tacalluqa ku biiristeeda Yurub iyo Galbeedka.

Marka lasoo kobo, Ruushka wuxuu muddo sannado ah ka shaqeynayay minjo xaabinta Ukraine, si uu uga horjoogsado in dalkaasi deriska la ah uu ahaado mid shaqeeya oo ah dimoqraadi madax-bannaan.

Sannadki 2014, shacabka Ukraine ayaa talada ka tuuray madaxweyne Viktor Yanukovych, kaddib marki uu doortay inuu daaqada ka tuuro qorshe ay Ukraine ku saxiixi laheyd heshiis ay la galeysay Midowga Yurub, taasi baddalkeeda wuxuu u jiheystay dhinaca Ruushka.

Waxbadan kama aysan soo wareegin, Ruushka ayaa ku duulay oo qabsaday gacanka Crimean, waxay kaloo damacday in ay la wareegto gobollada Luhansk iyo Donetsk Oblasts ee dalka Ukraine iyada oo isku qarineysa kooxo gooni u goosed ah.

“Ma jirto meel Ukraine ka mid ah oo ay dadku ka xoroobeen dhaqdhaqaaqyada xun ee Ruushka,” sidaasi waxaa yiri Xoghayah Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken.

Blinken ayaa intaasi sii raaciyay: "Moscow waxay isku dayday inay wiiqdo hay'adaha dimuqraadiga ah ee Ukraine, waxay faragelisay siyaasadda iyo doorashooyinka Ukraine, waxay xannibtay tamarta iyo ganacsiga si ay u cabsi geliso hoggaamiyeyaasha Ukraine isla markaana cadaadis saartay muwaadiniintooda, waxay adeegsadeen dacaayad iyo macluumaad khaldan si ay u abuuraan kalsooni darro, waxayna weerar dhinaca internetka ah ku qaadeen kaabayaasha muhiimka ah ee dalkaas. Ololaha lagu cuuryaaminayo Ukraine waa mid aan kala joogsi laheyn.”

Iyada oo uu Ruushka ku daadiyay ciidan gaaraya 100 kun oo askari xadka uu la wadaago Ukraine iyo dalka ay xulufada yihiin ee Belarus, “ Ruushka wuxuu sii rabaa inuu horay u sii socdo,” ayuu yiri xoghaye Blinken.

“Ruushka wuxuu qiil u raadinayaa ficilladiisa isaga oo sheenaya in si uun ay Ukrain khatar ugu tahay amnigiisa. Tani waxay kasoo horjeeddaa xaqiiqada. Waa ciddee cidda ay ciidamadeedu ku hareereysan tahay meel? Waa waddankee waddanka awood ku sheeganaya dhul uusan laheyn? millatar Which country has claimed another’s territory through force? Ciidankee baa wax badan ku laba jibbaarma ciidanka kale? Labada dal keebaa ku hubeysan niyukleer? Marka ay mahaas mareyso, Ukraine ma ahan dalka gardaran; Ukraine waxay isku dayeysaa oo kaliyah in ay noolaato," ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Mareykanka.

Wuxuu kaloo sheegay: “Mabaadi’da lagu maamulo nabadda iyo amniga caalamka ee la aas aasay wixi ka danbeeyay labadi dagaal ee dunida iyo dagaalkii qaboobaa, waxay si cad u diidayaan xaqqa uu dal u leeyahy inuu baddalo xuduudaha dal kale isaga oo u awood sheeganaya, sidoo kale waxay reebeen in dal uu ku amar-taagleeyo siyaasaddaha ama ikhtiyaaraadka dal kale si uu ugu yeesho saameyn madaxa uga istaageysa madax-bannaanida iyo rabitaanka dal deris la ah,”

“Tani ma ahan oo kaliyah suurtagalnimada duullaan ama dagaal, ee waa in Ukraine ay xaq u leedahay in ahaato dal jira oo madax bannaan. Waa in Ukraine ay xaq u leedahay in ay ahaato dal dimoqraadi ah iyo in kale.”

XS
SM
MD
LG