Accessibility links

Breaking News

Mareykanka oo cunaqabateyn saaray jilayaasha musuq-maasuqa ee Bosnia iyo Herzegovina


Milan Tegeltija
Milan Tegeltija

Tani waa faallo ka tarjameysa aragtiada Dawladda Mareykanka

Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa horraantii bishii January, si cad ugu aqoonsatay Milan Tegeltija oo ahaa guddoomiyihi hore ee Golaha Garsoorka iyo Dacwad-oogista ee Bosnia and Herzegovina, madaxa Dhaq-dhaqaaqa Waxqabadka Dimoqraadiyadda ahna xubin ka tirsan Baarlamaanka Mirsad Kukic, in ay ku lug yeesheen musuq-maasuq heerkiisu sarreeyo.

Aqoonsashadani waxay uga dhigantahay Tegeltija iyo Kukic inaysan u qalmin soo galitaanka Maryekanka. Ficilladooda ayaa wiiqay ku dhaqanka sharciga, kalsoonida ay shacabka ku qabaan hey’adaha dimoqraadiga ee dowladdooda, hannaanka dowlgiga ah iyo nabadda iyo barwaaqada muwaadiniinta Bosnia and Herzegovina. Ku helista musuqa ee Kukic iyo Tegeltija ayaa waxaa fuliyay Xafiiska Howlgallada Shisheeye ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Waxa jirta sabab lagu rumaysto in xilkiisa rasmiga ah ee uu yahay Guddoomiyaha Golaha Sare ee Garsoorka iyo Xeer Ilaalinta, Tegeltija uu u isticmaalay saamayntiisa siyaasadeed iyo awoodiisa si uu faa'iido ugu helo beddelka faragelin uu ku sameeyay hannaanka garsoorka. Waxaa intaa dheer in uu ku takri-falay magacaabista Garsoorka iyo xilalka kale ee Dowladda.

Xilka rasmiga ah ee uu hayo oo ah maamulaha Shirkadda Dowliga ah ee macdanta ee Banovici, Kukic ayaa ku tagri-falay hanti dadweyne, sidoo kale ka xubin baarlamaan ahaan wuxuu farageliyay go’aanno magacaabis iyo shaqo siin la xiriirtay si uu siyaasad ahaan isaga ugu nafciyo.

Marka laga yimaado Tegeltija iyo Kukic, Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka waxay sidoo kale liiska musuq-maasuqa ku dartay afada Tegeltija, marwo Tijana Tegeltija.

Dowladda Mareykanka ayaa sidoo kale qaaday tallaabo ka dhan ah Milorad Dodik, oo ah xubin ka tirsan Madaxtooyada Bosnia iyo Herzegovina, si ay uga jawaabto dhaq-dhaqaaqiisa musuqmaasuqa iyo qaska ku saleysan. Xafiiska Xakameynta Hantida Shisheeye ee Wasaaradda Maaliyadda ee loo soo gaabiyo OFAC, ayaa Dodik dul-dhigtay cunaqabateyn dhaqaale, iyadoo loo tixraacay wareegtada ama amarka fulinta ee tirsigiisu yahay 14033.

Sidoo kale Dodik, waxaa hoos yimaado xarun warbaahineed, waa Telefishanka Alternativna Televizija d.o.o. Banja Luka ee saldhigyadoodu ku yaallaan magaalooyinka Banja Luka iyo Republika Srpska. Waa shirkad si gaar ah xiriir ula leh qoyska Dodik, laakin waxaa si gaar ah majaraha ugu hayo Dodikoo isaga nafsad-ahaantiisa daaha gadaashiisa ka haya warbixinnada iyo barnaamijyada ka baxa ATV, gaar ahaan kuwa xasaasiga ah iyo mowduucyada ku saabsan siyaasadda.

Si wada jir ah, aqoonsigaasi musuqeed wuxuu dib u xaqiijinayaa sida ay Dowladda Mareykanka uga go’antahay madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Bosnia and Herzegovina, ku dhaqanka sharciga iyo hey’adaha dimoqraadiga iyo in mustaqbal wanaagsan helaan muwaadiniinteeda.
Dawladda Maraykanka waxay sii wadi doontaa adeegsiga dhammaan agabka ku habboon si ay wax uga qabato musuqmaasuqa iyo xasillooni-darrida dalalka Balkaanka.

Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in Maraykanku “uu sii wadi doono adeegsiga tallaabooyinka habboon si kor loogu qaado isla xisaabtanka shakhsiyaadka gobolka iyo caalamka oo dhan.”

XS
SM
MD
LG