Accessibility links

Breaking News

Daraasad cusub oo Mareykan ah oo ku saabsan sheegashooyinka China ee Badda Koonfurta China


Tani waa faallo ka tarjameysa aragtida Dowladda Mareykanka

Inti badneyd tobankaan sano, Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha waxay sheeganeysay in ay iyada leedahay inta badan Badda Koofurta Shiinaha, iyada oo arrintaasi ku saleyneysa sheegaso taariikheed oo uu mugdi ku jiro iyo khariirad muujineysa sagaal xariiqood oo dabooleysa inta badan mugga baddaas oo la eg 3 milyan iyo badh kiilomitir oo laba jibbaaran.

Tani inkastoo Julaay 2016 ay xukuntay Maxkamad Garqaad oo caalami ah oo diiday qaar badan oo ka mid ah sheegashooyinka badda Shiinaha kuwaas oo aan sal ku lahayn sharciga caalamiga ah. Aagga lagu muransan yahay waxaa ku jira jasiirado badan oo aan la degin, dhul biyuhu ka sikadeen, agabyo soo caariyay, iyo sidoo kale kaydka saliidda iyo gaaska dabiiciga ah iyo biyo gani ku ah kalluumeysiga. Sidoo kale waa mid ka mid ah marinnada ugu mashquulka badan maraakiibta caalamka.

Bartamihii Janaayo, Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa soo saartay daraasad ku saabsan sheegashooyinka badda ee Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha ee ku aadan Badda Koofurta Shiinaha. Waa warbixintii 150-aad ee ku saabsan sharciga dheer ee taxanaha badaha ee baaraya sheegashooyinka xuduudaha badda ee heer qaranka, isla markaana qiimeeya waafaqsanaantiisa sharciyada caalamiga ah.

Warbixintu waxay soo koobaysaa sheegashooyinka madax-banaanida Shiinaha ee ku saabsan qaababka badda ee ku qarqoomay qeybaha jooggoodu sarreeyo ee badweynta kuwaas oo hase yeeshee aanan aheyn jasiiradadaha.

Waxa ay sheeganeysaa xaqqa ay u leedahay in ay ku jeexdo xariiq toosan oo ku wareegsan aagagga waaweyn ee isku xira dhulalka yar yar ee aanan jaziiradda aheyn ee aadka u kala fog, iyada oo sheeganeysa meelaha bannaan ee badda ee ku dhex jira khadadkaas.

Sheegashada Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha, ayaa koobeysa biyaha gudaha, qeybta wareegsan ee badda, zoonka dhaqaalaha ee gaarka ah iyo qeyb qaaradeedka jasiiradahan yar yar ee Badda Koofurta Shiinaha. Ugu danbeyntii, Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha ayaa sheegatay “Xuquuqda Taariikhiga” ee Badda Koofurta Shiinaha, iyaga oo ku saleynaya sohdinta ka kooban sagaalka xarriiq ee la sawiray kaddib dagaalki labaad ee dunida.

Daraasadda ayaa ku saleysan bayaannada iyo isgaarsiinta rasmiga ah ee Shiinaha si loo qiimeyo sheegashada joogtada ah ee Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha iyada loo eegayo shuruucda caalamiga ah.

Warbixinta ayaa kusoo gaba gabeysay, waa marka horee, in aysan sharci aheyn, sheegashada madaxa bannaan ee Shiinaha ee ku aadan dhulalka yar yar ee baddaas ku dhex yaalla ee aanan waafaqsaneyn qeexidda sharciga caalamiga ah ee “jasiirad. Marka labaad, saldhigyada marin-boyoodyada ee isku xiraya kooxda jasiiradaha ah ee Koofurta Badda Shiinaha si la mid ah uma ahan kuwo joogta ah oo waafaqaya xeerka caalamiga ah, sidoo kalana ma ahan sheegashada zoonka badda ee koobaya dhammaan jasiiradahaasi.

Ugu danbeyntiina, sheegashada Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha ee “Xuquuqda Taariikhiga ah” ma ahan mid sal leh, waxaana taasi caddeynaya Shiinaha oo aanan bixin tilmaan waadix ah iyadoo loo tixraacayo nuuca ama xadka juqraafiga ah ee sheegashada “Xuquuqda Taariikhiga” ee badan.

"Hadafka ah in la difaaco nidaamka ku salaysan qawaaniinta maaha in waddanna hoos loo dhigo," ayuu yidhi xoghayaha arrimaha dibadda Antony Blinken. "Balse, waa in la ilaaliyo xuquuqda dhammaan waddammada si ay u doortaan dariiqooda, iyaga oo ka madax bannaan qasab iyo cabsigelin."

XS
SM
MD
LG