Accessibility links

Breaking News

Halista Russia ee ka dhanka ah Ukraine ma noqon doonto mid aan laga jawaabin


Blinken
Blinken

Tani waa faallo ka tarjameysaa aragtiada Dowladda Mareykanka

Ruushka ayaa dhoobay xadka bari ee Ukraine, ciidamo kor u dhaafaya 100,000 oo askari, kaddibna ku hanjabay inuu ku duulayo Ukraine. Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken ayaa sheegay in ay khasab tahay in laga jawaabo hanjabaaddan. “Ukraine waxay xaq u leedahay in ay madax-bannaanaato, oo ay ilaashato madax-bannaaniadeeda dhuleed.” Waxaa intaasi dheer, “in mabaadi’da aasaasiga ah ee caalamiga ay khatar ku jirto."

“Hal waddan si fudud uma baddali karo xuduudaha waddan kale si khasab ah, sida Ruushka u uku sameeyay Ukraine,” ayuu yiri xoghaye Blinken.

Wuxuu kaloo yiri: “Haddii aan ogolaanno in lagu xadgudbo mabaad’idaan aasaasiga ah, markaa waxaanu fureynaa sanduuqa inkaarta kaasoo aanan kaliyah la arki doonin, balse laga dareemi doono guud ahaan Yurub iyo dunida daafaheeda. Waxana arrintaasi ay dib noogu celin doontaa kala qeybsanaan, colaad iyo wax kasii xun, taasoo qaar badan oo annaga naga mid ahi sannado badan ay ku dadaalayeen in ay ka gudbaan.”

Sidaasi daraadeed, arrintu waa ay ka weyntahay masiirka Ukraine,, waxay xitaa kasii weyn tahay xiriirka Yurub iyo Ruushka ama kan Mareykanka iyo Ruushka, ayuu yiri xoghaye Blinken.

Mareykanka wuxuu kala shaqeeyay xulufadiisa NATO iyo bah-wadaagtiisa in Ruushka ay u bandhigaan dariiqa diblamaasiyadda iyo wadahadlka. Waxaa ku jiray kulamo toos ahaa oo dhexmaray Ruushka iyo Mareykanka kuwaas oo loo maray wadahaddallo xasilloon oo istaraatiiji ah.

Madasha labaad waxay aheyd mid loo maray isu keenidda Golaha NATO iyo Russia si ay uga doodaan meelaha ay sida wadajirka ah uga walaacsanyihiin ee Ruushiya. Ugu danbeyntii, Ururka Iskaashiga Amniga Yurub iyo Mareykanka ayaa ku howlan ka jawaabista su’aalaha guud ee ammaanka Yurub, waxaa ka qeybgalaya madasha ilaa 56 waddan oo ay ku jiraan Ukraine iyo Ruushka, kuwaas oo kuraas isla mid ah ku leh Golaha.

Laakin sidaas oo ay tahay, Mareykanka, xulufadiisa iyo bah-wadaagtiisa waxay diyaar u yihiin in ay ka jawaabaan cawaaqib xumada, ayuu yiri Blinken:

“Waxaan ku bixinnay waqti isla eg dhisidda kuwaas, innaga oo si dhaw ula shaqeyneyna reer Yurub ayaan waxaan isla meel dhignay xirmooyin cuna-qabateenno adag ah. Tani ma ahan arrin ay ka go’antahay kaliyah Mareykanka, balse waxaa nala qaba sidoo kale saaxiibadeen iyo bah-wadaagteenna.”

Mareykanka ayaa sidoo kale sii wada sidii uu u dhisi lahaa awoodaha difaaca Ukraine.

Ruushka waxaa hor yaalla laba waddo: waddada diblamaasiyadda oo ah mid ku hogaamineysa nabad iyo ammaan; iyo waddada gardarrada taasoo kaliyah horseedi doonta colaad, cawaaqib aad u daran iyo cambaareyn caalami ah. Mareykanka, xulufadiisa iyo bah-wadaagtiisa waxay sii wadi doonaan in ay garab istaagaan Ukraine isla markaana waxay heegan u yihiin in ay is hortaagaan dariiqa Ruushka.

XS
SM
MD
LG