Accessibility links

Breaking News

Mareykanka wuxuu sare u qaadi doonaa la-xisaabtanka hoggaamiyayaasha Burma


토니 블링컨 미국 국무장관.
토니 블링컨 미국 국무장관.

Tani waa faallo ka tarjameysa aragtida Dawladda Mareykanka

1-di bishaan Febraayo waxay ku beegneyd sannad-guuradi koowaad ee kasoo wareegatay, marki uu waddanka Burma ka dhacay afganbigi millatari, kaasoo 1-di February ee sannadki 2021-ki si rabshadi ku dheehantahay u horjoogsaday dariiqii dimoqraadiyadda ee Burma.

Bayaan qoraal ah oo kasoo baxay Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken ayaa lagu yiri: “Masiibaduse waxay tahay, in iyaga oo sii wata howlgalkooda rabshadaha ku saleysan ee dhuuqshada xakunka, ayuu rajiimku dilay ku dhawaad 1,500 oo ruux oo ay ku jiraan carruur iyo dumar, isla markaana xiray ilaa 10,000 oo ruux oo isugu jira rayid, shaqaalaha rayidka, bulshada rayidka, ururada shaqaalaha, wariyaal iyo muwaadiniin shisheeye.”

Mareykanku wuxuu hogaamiyay dadaal caalami ah oo sare loogu qaadayo isla xisaabtanka xadgudbyada ka dhanka ah aadanaha ee uu rajiimka kula kacay dadka reer Burma. Cuna-qabateynti ugu danbeysay ee Dowladda Mareykanka waxaa lagu dhawaaqay sannad-guuradi koowaad ee afganbiga, kaasoo ahaa tallaabo lala kaashaday bah-wadaagta sida UK iyo Canada.

Mareykanka ayaa cuna-qabateynta ku suntay todobo shakhsi iyo laba shirkadood oo xiriir la leh rajiimka millatariga Burma.

Dadka la aqoonsaday waxaa ka mid ah, Thida Oo, oo ah Xeer-ilaaliyaha Guud ee Garsoorka kaasoo oo hogaamiyay xafiiska soo abaabulay dacwadda siyaasadeysneyd ee lagu soo oogay Aung San Suu Kyi, madaxweyne Win Myint, iyo hogaamiyaasha kale ee u dhaqdhaqaaqayay dimoqraadiyadda. Waxaa kale oo ay xayiraadda ku dhacday Garsooraha Maxkamadda Sare Htun Hyun Oo, iyo Guddoomiyaha Guddiga ka hortagga Musuq-maasuqa Tin Oo.

Waxaa intaasi sii dheer, in Mareykanka uu xayiraad saaray Tay Za, oo ah ganacsade taageerta taliska millatariga, wiilashiisa Htoo Hteht Tay Za iyo Pye Phyo Tay Za, iyo ganacsade kale oo dhaqaalaha ku taageero rajiimka Jonathan Myo Kyaw Thaung. Shirkadda uu leeyahay Kyaw Thaung, ee KT Services iyo Logistics Company Limited, iyo Maareeyaha Qeybta iibgeynta ee Waaxda Difaaca ayaa iyaguna cuna-qabateynta la saaray.

26-ki January 26, Dowladda Mareykanka ayaa soo saartay diginin iyo latalin ganacsi oo uu uga digayo shakhsiyaadka, shirkadaha, iyo hay'adaha maaliyadeed ee ah khatarta ay kala kulmi karaan haddii ay ganacsi ku sameeyaan Burma, gaar ahaanna ay la sameeyaan rajiimka millatariga Burma.

Bayaan qoraal ah oo uu soo saaray Ku xigeenka Waaxda Argagixisada iyo Ganacsiga Sirdoonka ee Wasaaradda Maaliyadda Brian Nelson ayuu ku sheegay, “Maraykanka, oo ay weheliyaan xulafada Ingiriiska iyo Kanada, waxay garab taagan yihiin dadka Burma kuwaas oo raadinaya xorriyad iyo dimuqraadiyad. Waxaan sii wadi doonaa beegsiga kuwa mas'uulka ka ah afgambiga iyo rabshadaha socda, awood siinta caburinta arxan darada ah ee taliska, iyo taageerayaashooda dhaqaalaha."

Hadalki uu madaxweyne Biden jeediyay 31-ki Jannaayo ee uu kaga hadlay sannad-guuradi 1-aad ee afganbiga, ayuu ku yiri, “Dadka reer Burmoow, ma halmaansanin halgankiinna. idinma halmaamin: We have not forgotten your struggle. Waana idinku garab taagannahay go’aankiinna geesinimada leh ee aad ku rabtaan inaad kusoo celisaan dimoqraadiyadda iyo nidaamka sharciga ah ee dalkiinna.”

XS
SM
MD
LG