Accessibility links

Breaking News

Taageero maaliyadeed oo caalami ah oo loogu talo-galay Ukraine


Tani waa faallo ka tarjameysa aragtida Dawladda Mareykanka

Mareykanka wuxuu mar kale xaqiijinayaa ballan-qaadka uu ku yaboohay inuu dhaqaale la garab istaagi doono shacabka Ukraine. Xoghayaha Arrimaha Dibadda Antony Blinken ayaa ku dhawaaqay dammaanad qaad deyn madax bannaan oo ay Dowladda Mareykanka siineyso Dowladda Ukraine, taas oo gaareysa ilaa hal bilyan oo dollar si loogu taageero dib u habeynta dhaqaalaha Ukriane iyo in si joogta ah ay ula shaqeeyaan hey’adda lacagta adduunka ee IMF.

Yaboohaan” – oo uu wehliyo iskaashiga u dhaxeeya Ukraine, IMF, iyo hey’adaha kale ee dhaqaalaha ee dowliga ah, Kooxda iyo deeq-bixiyaasha kale eel aba geesoodka– ayaa xoojin doona xasilloonida dhaqaale, korriinka iyo barwaaqada Ukraine, xilli ay Ukraine wajaheyso gardarrada Ruushka ayuu yiri Xoghaye Blinken oo soo saaray war qoraal ah.

Inti u dhaxeysay sannadihi 2014 iyo 2016, Dowladda Mareykanka ayaa Ukraine siisay amaahda dammaanadda leh ee madaxa bannaan, saddex jeer oo kala duwan oo ah min hal bilyan oo doollar. Taasoo ay hogaamiyaasha dalkaasi ballan qaadeen in ay iska bixin doonaan. Wixi ka danbeeyay Marki uu Ruushka billaabay inuu qabsado gacankaa Crimean.

"Dammaanad-qaadyadan amaahda ah waxay door muhiim ah ka ciyaareen sidii ay uga caawin lahaayeen Ukraine inay si guul leh u xasiliso dhaqaalaheeda iyada oo ay jirto gardarrooyinkii hore ee Ruushka iyo hirgelinta ajandaha dib-u-habeeynta dhaqaale ee geesinimada leh oo ay taageerayaan iskaashi hami leh oo lala yeesho IMF," ayuu yiri Xoghaye Blinken.

Maraykanku wuxuu bixiyay in ka badan $2 bilyan oo gargaar horumarineed ah oo la siiyay Ukraine tan iyo 2014. Dawladda Maraykanku waxay sidoo kale ka shaqeysay horumarinta ka qaybgalka ganacsiga ee shirkadaha Maraykanka ee dhaqaalaha reer Ukraine.

Bankiga Dhoofinta iyo Soo-dajinta Mareykanka ayaa ku tala jira inuu diyaariyo lacag dhan $3 bilyan oo dollar, si loo fudueeyo alaabaha iyo adeegyada Mareykanka ee mashaariicda Ukraine, halka Hey’adda Horumarinta ee Iskaashiga Dhaqaalaha Mareykanka ay hadda gacanta ku heyso gal maalgashi oo loogu tala galay Ukraine, taas oo ay ku kaceyso qiyaastii $800 oo milyan oo dollar. Lacagtaas ayaa lagu maalgelinayaa in ka badan 12 mashruuc.

Xoghaye Blinken ayaa sheegay in Dowladda Mareykanka “ay sii wadi doonto raadinta wadiiqooyin lagu taageerayo Ukraine iyo dadkeeda,” kuwaas oo wajahayo khatarta muuqato ee xaadirka ah ee kaga imaneysa duullaanka Ruushka.

XS
SM
MD
LG