Accessibility links

Breaking News

Ka ganacsiga dadka wuxuu u baahan yahay jawaab caalami ah


Tani waa faallo ka tarjameysa aragtida Dawladda Mareykanka

Kaganacsiga dadka waa danbi aad u xun. Dhawaan Inti lagu guda jiray shirki sannad-laha ahaa ee Guddiga Isku-dhafka Hey’adaha ee Madaxweynaha Mareykanka, guddigaas oo kor kala socda la dagaallanka ka ganacsiga dadka, ayay madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Kamala Harris sheegtay. "Waxaan halkan u joognaa inaan diiradda saarno qiyaastii 25 milyan oo qof oo adduunka ah - inta badan saddexdiiba mid ayaa ka yar da'da 18 - kuwaas oo hadda dhibanayaal u ah ka ganacsiga dadka," ayey tiri.

Waxay intaasi raaciyay “Ka ganacsiga dadka wuxuu ka dhagaa dibadda iyo halkaan Mareykanka intaba.”

Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Marwo Harris ayaa ku baaqday “In cawaaqib daran iyo isla xisaabtan la dul-dhigo kuwa ka danbeeya danbiyadaas,” Waxay hoosta ka xarriiqday tiirarka muhiimka ah ee lafdhabarka u ah dadaallada looga hortagayo ka ganacsiga ee Mareykanka iyo caalamka kuwaas oo kala ah: Kahortag, Ilaalin, Maxkamadeyn iyo iskaashi dhexmara dowladaha, ganacsatada iyo hey’adaha aanan dowliga ahayn madaxdooda iyo dhibanayaasha kaganacsiga dadka.

Guud ahaan dunida, ka ganacsiga dadka ayaa ah wax soo saar ay danbiilayaasha ka helaan lacag dhan $150 bilyan oo dollar sannadkiiba. Wasiirka Maaliyadda Mareykanka Janet Yellen ayaa tiri, “Xaqiiqada ayaa ah in kuw aka ganacsada dadka ay lacagahooda marsiiyaan shirkadaha been abuurka ah ama lacagaha dijitaalka ah ee casriga ah, ama xitaa bankiyada caadiga ah oo aanan aheyn qeybta ugu xun danbiyada ay galaan, laakin inta badan waa dariiqa ugu wanaagsan ee lagu soo qabto.”

Lixdii sano ee la soo dhaafay, Waaxda Maaliyadda waxay ku dadaalaysay inay aqoonsato qaababka ka ganacsiga dadka ee isu-socodka lacagaha.

Waaxdu waxay kala shaqeysay hay’ado maaliyadeed oo kala duwan, oo ay ku jiraan boqolaal bangi, iyadoo la isku daray xisaabaadka ay leeyihiin dadka wax tahriibiya, si looga saaro nidaamka maaliyadeed, loona soo bandhigo dembiyadooda. Waaxda Maaliyadda ayaa sidoo kale iskaashi la samaysay Waaxaha Caddaaladda iyo Amniga Gudaha si ay uga caawiso warshadaha ciyaaraha inay aqoonsadaan dhibanayaasha ka ganacsiga dadka iyo lacagaha la dhigto qammaarka.

Maaliyaddu waxay billowday hannaan ay kusoo bandhigeyso kuwa leh shirkadaha magac-u-yaalka ee lagu gabbado halkaas oo ay kuwa dadka ka ganacsado marsiistaan lacagahooda sharcidarrada ah kuna gabbaadaan.
Xoghayaha Maaliyadda Yellen ayaa sidoo kale shaacisay dadaalka Waaxda Maaliyadda ee lagu caawinayo dhibanayaasha ay kuwa dadka ka ganacsado ka xayuubiyeen dukumeentigooda aqoonsiga, si ay u helaan nidaam maaliyadeed oo ka caawin doona in ay noloshooda dib u billaabaan.

Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka, Antony Blinken, oo shir guddoominayay kulanka, ayaa iftiimiyay dabeecadda caalamiga ah ee dambiyada iyo baahida loo qabo in la helo isbahaysi caalami ah oo ka hortaga. Waxa uu sidoo kale carabka ku adkeeyay baahida loo qabo "in la helo habab badan oo cadaadis wax ku ool ah lagu saaro dawladaha ku hawlan ama suurtageliya ka ganacsiga dadka sida - Shiinaha, Cuba, Waqooyiga Kuuriya iyo Ruushka."

Marka la hadlayo sida danbiyadaan “bahalnimada iyo sharta ah ee faaiido doonka ah” dhammaanteen ayay nagu qaadan doontaa inaan ka ha hor tagno ka ganacsiga dadka.” Sidaa axaa tiri madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Harris.

XS
SM
MD
LG