Accessibility links

Breaking News

Mareykanka oo beegsaday hoggaamiyeyaasha Daacishta Khorasan


Tani waa faallo ka tarjameysaa aragtida Dowladda Mareykanka

Dowladda Mareykanka waxaa ka go’an in ay ka hortagto kooxda ISIS-Khorasan sidoo kalana xaqiijiso in carrada Afghanistan aanan loo adeegsan meel lagu waxyeelleeyo ammaanka Mareykanka ama dal kasta.

Barnaamijka Abaalmarinta Caddaaladda ee Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka oo maamusha adeegyada ammaanka diblamaasiyadda, ayaa ku yaboohaya abaalmarin dhan $10 milyan oo dollar ciddii soo gudbisa xog kasta oo ku saabsan argagixisada ka howlgasha Afghanastan.

Abaalmarinta koowaad waxaa loo yaboohay ciddii keentaa xog horseedeysa aqoonsiga ama goobta uu joogo hogaamiyaha ISIS-K Sanaullah Ghafari.

Bishii June ee sannadki 2020, Ghafari, oo sidoo kale ku magac-dheer Shahab al-Muhajir, ayaa hogaamiyaasha mayalka adage e Daacish ay u magacaabeen inuu hogaamiyo Daacish ama ISIS qeybta Korasan ama Quraasaan ee fadhigeedu yahay Afghanistan. Doorkaasi, wuxuu Ghafari masuul ka yahay ansixinta dhammaan howlgallada ISIS-K guud ahaan Afghanistan iyo isku duba-ridka xagga dhaqaalaha iyo fulinta howlgallada.

Abaalmarinta labaad waxaa la siinayaa qofki keena xog horseedi karta in lasoo xiro ama la maxkamadeeyo dalkuu doonaba ha ahaadee, kuwi mas’uulka ka ahaa weerarki argagixiso ee 26-ki August lagu qaaday Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Kabul.

Maalintaasi, argagixisadu ayaa garoonka ku qaaday weerar bam o is-miidaamin ahaa, xilli Mareykanka iyo dowladaha kale ay eraboorka ka fulinayeen howlo samata-bixin oo aad u baaxad weyn, oo ay halkaasi uga saarayeen muwaadiniintooda iyo dadka jilicsan ee Afghanstan.

Weerarka ayaa dilay ugu yaraan 185 qof, intooda badani waxay ahaayeen rayid, waxaana ku jiray rag, dumar, carruur iyo sidoo kale 13 askari oo Mareykan ah oo ka mid ahaa ciidamadi ka qeybgalayay howlaha gurmadka. In ka badan 150 qof oo ay ku jireen rag, dumar iyo carruur rayid ah iyo 18 xubin oo ka mid ah ciidanki howlgalka samatabixinta waday ayaa ku dhaawacmay. ISIS-K ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkaasi.

Qof walba oo haya xogta Sanaullah Ghafari ama kuwa mas’uulka ka ah weearki Garoonka Diyaaraha Caalamiga ah ee Kabul, wuxuu farriin qoraal kusoo diri karaa Abaalmarinta Caddaaladda isaga oo u soo marinayo aaladaha Signal, Telegram, ama WhatsApp nambarka +1-202-702-7843.

Shakhsiyaadku waxay sidoo kale la xiriir karaan xafiiska Abaalmarinta Caddaaladda iyaga oo u maraya, kannaalka warbixinta talooyinka ku saleysan ee Tor. Dhammaan xogaha loo gudbiyo Abaalmarinta Caddaaladda waxay noqon doonaan kuwo si adag loo ilaaliyo.

Tan iyo markii la aasaasay 1984-kii, barnaamijka Abaalmarinta Caddaaladda waxa uu bixiyay in ka badan $200 milyan oo dollar oo la siiyay in ka badan 100 qof oo ku nool meelo kala duwan oo dunida ah, kuwaas oo bixiyay macluumaad wax ku ool ah oo naga caawiyay ka hortagga argagixisanimada, in caddaaladda la horkeeno hoggaamiyeyaasha argagixisada iyo xallinta khataraha amniga qaranka Mareykanka.

Abaalmarinadan ayaa la yaboohayaa waqti muhiim u ah dagaalka ka dhanka ah ISIS, iyada oo dhawaan hogaamiyaha kooxda ISIS lagu dilay howlgal la dagaallanka argagixisada oo uu dhawaan Mareykanka ka fuliyay Suuriya. Howlgalkaas iyi abaalmarinnadan cusub ayaa si cad u muujinaya sida ay Mareykanka uga go’antahay in ay aqoonsado, hesho kana guuleysato ISIS meel walba oo dunida ah, haddii ay tahay Suuriya, Afghanistan ama meelo kasii shisheya.

XS
SM
MD
LG