Accessibility links

Breaking News

VOA iyo 80 sano


Tani waa faallo ka tarjameysaa aragtida Dawladda Mareykanka

24-ki February, Voice of America ayaa u dabaaldagtay sannadguuradi 80-aad ee kasoo wareegatay marki hawada laga dhageystay.

Maalmihi mugdiga ahaa ee billowgi hore ee Dagaalkii Labaad ee Dunida, ayay Dowladda Mareykanka go’aansatay in ay jirto baahi loo qabo ka hortagista dacaayadda Naaziyiinta, si loo aas-aaso warbaahin uu Mareykanka leeyahay, taasoo soo gudbineysa war sugan oo aanan dhinacna u xaglineyn. Sidaasi daraadeed, ayaa waxaa Idaacadda Voice of America la aas-aasay 1-di bishii February sannadki 1942, waxana lagu billaabay barnaamij ku baxay luqadda Jarmalka oo socday muddo 15-daqiiqo ah, marki ay taariikhdu aheyd 24-ki Febraayo.

“Hier spricht die Stimme Amerika. Heute, und taeglich von Heute an... Kani waa war idinkaga imanaya Mareykanka. Maalin kasta xilligaan oo kale, waxaan idinkaga hadli doonnaa xaaladda Mareykanka iyo dagaalka. Warku waxaa dhici karta inuu yahay mid xun ama mid wanaagsan. Waxaan idiin sheegi doonnaa runta.”

Billowgii hore, From the beginning, Voice of America ayaa dooneysay in ay daaqad ka tusto nolosha dadka Mareykanka. Xaqiiqdii sida uu sharcigu dhigayo, VOA ayay waajib ku tahay in ay soo bandhigto war sugan, oo dhex-dhexaad ah iyo warar dhameystiran oo labada dhinac ah oo saadaalin dhameystiran ka bixinaya fikirka weyn ee shacabka Mareykanka iyo hey’adahiisa, iyo sidoo kale siyaasadaha Dowladda Mareykanka.

Waa shaqada Voice of America “in dhammaan adduunka oo dhan loo sheego sheekooyinka la xiriira Mareykanka,” sidaa waxaa munaasabaddi sannad-guuradi 20-aad ee VOA ka sheegay, madaxweynihi hore ee Mareykanka John Kennedy.

"Tani waa howl xasaasi ah oo aad u adag. Dhinac marka laga eego, waxaad tihiin cudud dawladeed, iyo cudud Qaran, waana shaqo idinka idiin taal in aad adduunyada u soo gudbisaan sheekadeenna, dariiq ku habboon si ay u matelaan dimuqraadiyadda iyo Maraykanka. Laakiin dhanka kale, iyadoo qayb ka ah sababaha xorriyadda, iyo cududda xorriyadda, waxaa waajib idinku ah inaad wararkeenna u sheegtaan si run ah, oo aad u sheegtaan, sida uu Oliver Cromwell uu hadda ka hor uga yiri far-shaxankiisa, “Nagu rinjiyeey oo nagu sawir dhammaan nabraheenna iyo honqoroheenna, dhammaan waxyaabaha nagu yaal ee aanan markiiba soo jiidashada lahayn,”

"Horay. . . Horay. . . .Hoos u bax 40 taako, 2 iyo bar. . . .Soo qaado inyar oo bus ah . . . " Hoos u dhig ee celi]

Sidaasi daraadeed, Dadka ku nool adduunka oo dhami ayaa VOA ka dhageystay dhacdooyinki ugu waaweynaa qarniga, oo ay ka mid aheyd gaaritaankii dayaxa, markaas oo ay VOA dhageysteen ilaa 615 milyan oo qof, taasoo noqotay diiwaanki ugu badnaa, taariikhdu marki ay aheyd 20-ki July sannadki 1969.

“Halkani waa saldhigga xasilloonida. Gorgorku waa uu degay. . . "]

Inti lagu guda jiray billoowgii war-tabinti ugu horreysay, VOA waxay u sheegtay dhageystayaasheeda: "Warku wuxuu noqon karaa mid wanaagsan ama mid xun, waxaan kuu sheegi doonnaa runta." Sidaasi waxaa barta twitter soo dhigay Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka.
“Laga soo billaabo tabintaasi ilaa maanta, VOA waxay soo gudbisay xogo, ku xiray dhammaan dadyooga caalamka iyada oo taageereysa xorriyadda iyo dimoqraadiyadda.”

XS
SM
MD
LG