Accessibility links

Breaking News

Sanad-guurada iyo tusaalaha Boris Nemtsov


Faalladani waxay ka tarjameysaa aragtida dowladda Mareykanla.

Todobo sano ayaa laga joogaa marki uu Boris Nemtsov uu bixiyay qiimaha adeeggi ugu danbeeyay ee dalkiisa. Bishii February 27-keedii sannadki 2015, hogaamiyaha Ruushka oo ahaa nin si weyn u dhaliili jiray madaxweyne Vladimir Putin, ayaa dhowr jeer rasaas looga dhiftay dhabarka xilli isaga iyo gabadh ay saaxib ahaayeen ay ku lugeynayeen buundada Bolshoy Moskvoretsky.

Baaritaanki lagu sameeyay dilka ayaa horseeday in dacwado lagu soo oogo shan nin oo u dhashay Jeejniya, kuwaas oo fuliyay qandaraaska dilka, hase yeeshee lama aqoonsan cidda amartay shirqoolka lagu dilay hogaamiyaha mucaaridka, walina kiiskaasi waa mid aanan waxba laga ogeyn.
Ururka Iskaashiga Ammaanka Yurub iyo Glaha Yurub ayaa ugu baaqay Dowladda Ruushka in ay sameeyaan baaritaan cusub oo daah furan, hase yeeshee dowladda ayaa dalabkaasi diidday.

Mr. Nemtsov wuxuu ahaa nin u ololeeya aadna uga soo horjeeda musuq-maasuqa, jagooyin kala duwan ayuu kasoo qabtay dalkiisa, kuwaasoo isugu jiray dowladda federaalka, baarlamaanka iyo isaga oo soo noqdayguddoomiyaha gobolka Nizhny Novgorod Oblast.

Sidoo kale wuxuu ahaa hogaamiye siyaasi ah, kaas oo ujeedkiisu ahaa caawitaanka dadka Ruushka ee ah in ay door ku lahaadaan dowladdooda. Wuxuu udub-dhexaad u ahaa dadki sida aadka ah u cambaareeyay duullaanki uu Ruushka ku qabsaday gobolka Crimea sannadki 2014, isaga oo sidoo kale ahaa mid ka mid ah dadki hogaanka u aha bannaanbaxyadi looga soo horjeeday faragelinta Ruushka ee Ukraine. Waxaa jiray bannaanbax uu rabay inuu ka qeybgalo kaasoo ka dhacayay magaalada Moscko 1-di Maarso, laba maalin ka hor inta aanan shirqool lagu dilin.

Bayaan lagu soo beegay sannad-guurada dilkiisa, ayuu afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka Ned Price ku sheegay “In mashaariicdi ugu danbeeyay intii aanan la dilin Nemtsov sannadki 2015 uu ka mid ahaa warbixin sheegeysa qorshaha Ruushka ee duullaanka Ukraine, kaas oo uu madaxweyne Vladimir Putin inkiray.”

Afhayeen Price ayaa sheegay in inkasta oo ay boolisku weerareen gurigii Nemtsov isla markaana soo qaateen dokumintiyo uu lahaa kaddib dhimashadiisii, haddana “waxay awoodi waayeen in ay tirtiraan taariikhdi uu ka tagay.”

Dhaxalka uu ka tagay Boris Nemtsov iyo niyaddiisii adkeyd ayaa ah daliil cad, ayuu yiri Mr. Price, “Muwaadiniin geesiyaal ah oo u dhashay Ruushka ayaa si bareer ah u cambaareeyay duullaanka hadda socda ee Ruushka ku qaaday Ukraine.

Ficilladaasi waxaa ka mid ah saxiixa boqollaal saxafiyiin ah iyo guddoomiyaal dowladaha hoose kaas oo a ku camaareeynayaan duullaanka, waxaa kale oo jira kumannan sameeyay dibadbaxyo nabadeed maalmihi lasoo dhaafay. Kremlin-ka ayaa isku dayaya inuu been abuur faafiyo isla markaana cabburiyo shacabka,” ayu yiri Price. “Si qoto-dheer ayaan u xushmeyneynaa kuwaasi Ruushka ku sugan ee raacay tusaalihi Boris Nemtsov isla markaana sida geesinimada leh uga hadlay xaqqa.

XS
SM
MD
LG