Accessibility links

Breaking News

Dadaallada uu Kremlin-ka runta uga qarinayo shacabka Ruushka


Vladimir Putin
Vladimir Putin

Faalladani waxay ka tarjameysaa aragtida Dowladda Mareykanka

Mashiinka borobagaandada Dowladda Ruushka ayaa dadaal walba ku bixinayo sidii uu uga hortagi lahaa in dadkiisa iyo shacabka Ruushka ay ogaadaan xaqiiqada dabiiciga ah iyo mugga dagaalka micno-darrada ah ee aanan loo baahneyn ee uu Vladimir Putin ku qaaday Ukraine.

Maalmihi iyo todobaadyadi ka horreeyay duullaanka, Warbaahinta Ruushka, baraha bulshada iyo xarumaha kale ee wararka Ruushka ayaa si aad ah loogu faafiyay warar been abuur ah oo kicin ah, iyada uu hadafku yahay in dadka Ruushka iyo ciidamada Ruushka lagu qanciyo duullaanka Ukraine. Marmarsiiyadu ayaa aheyd in Ukraine laga dhigo goob ka caaggan “millatariga iyo haraaga Naziga” kuwaasoo labaduba ah been aanan barax laheyn.

Tan iyo iyo billowgii duullaanka ee 24-ki Febraayo, Dowladda Ruushka ayaa aad isugu howshay sidii ay uga horjoogsan laheyd muwaadiniinteeda helitaanka waxa dhabta ah ee ka socda Ukraine, oo ay ku jiraan in la diido adeegsiga eragya “dagaal”.

“Aqalka Kremlin-ku wuxuu ku howlanyahay dagaal buuxa oo ka dhan ah xorriyadda warbaahinta iyo runta, iyo dadaallada ay Moscow ku maran-habaabineyso kuna caburineyso runta iyo xaqiiqada duullaanka wuxushnimada ah ee sii xooheysanaya,” sidaasi waxaa bayaan qoran uu soo saaray ku sheegay, afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibadda Ned Price.

1-dii Maarso, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Ruushka ayaa amar ku bixiyay RosKomNadzor, [Rohs-Kohm-Nahd-Zohr], oo ah hay'adda faafreebka ee warbaahinta iyo isgaarsiinta dowladda, in la xaddido dhaq-dhaqaaqa iyo adeegsiga xarumaha warbaahinta madaxa bannaan ee sida aadka ah loo ixtiraamo ee Ekho Moskvy Radio iyo TV-ga Dozhd , [Ekh-oh Mahsk-VEE Rah-dih-oh iyo TV Dohzhd'], kuwaasoo la xannibay shabakadooda iyo awoodda ay ku baahin karaan wararka. Golaha Federaalka ee Ruushka ayaa tan iyo markaasi soo saaray sharci ku hanjabaya xabsi ilaa 15 sano ah oo loogu talagalay in lagu ciqaabo faafinta macluumaadka "beenta" ee ku saabsan hawlgallada milatari ee Ruushka.

“Dowladda Ruushka waxay sidoo cunaha qabatay Twitter, Facebook, iyo Instagram kuwaas oo ay ku tiirsanaayeen malaayiin qof oo Ruush ah si uga helaan macluumaad iyo aragtiyo isku xiraya iyaga iyo adduunyada kale.” Sidaasi waxaa yiri Afhayeen Price. Tani waa dariiq kale oo ay dowladda ku xadeyneyso halka iyo meesha ay muwaadiniinteeda ka arki karaan isla markaana isula wadaagi karaan daliilaha xaqiiqda iyo runta duullaanka uu Ruushka ku qaaday Ukraine.”

“Shacabka Ruushka ma aysan dooran dagaalkaan. Putin ayaa doortay. Xaq ayay u leeyihiin in ay ogaadaan dilka, dhimashada, dhaawaca iyo burburka ay dowalddooda u geysaneyso shacabka Ukraine,” ayuu yiri Afhayeen Price.

“Dadka Ruushka waxay kaloo xaq u leeyihiin in ay ogaadaan khasaaraha nafeed ee kasoo gaaraya ciidamadooda. Waxaan ugu baaqeynaa Putin iyo dowladdiisa in ay sharfaan waajibaadka iyo xadiyada caalamiga ah si deg deg ahna loo joojiyo dhiigga daadanaya, kasoo saaro ciidamadiisa carrada Ukraine isla markaana ixtiraamto xuquuqda aadanaha iyo xorriyadaha aas-aasiga ah ee muwaadiniinta ay mas’uulka ka yihiin.”

XS
SM
MD
LG