Accessibility links

Breaking News

Putin oo xisaab khaldan isku dhufsaday


Putin
Putin

Faalladani waxay ka tarjameysaa aragtida Dowladda Mareykanka

24-ki Febraayo, Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa amray in millatariga iyo sirdoonka Ruushka ay ku duullaan Ukraine. Putin ayaa xisaabiyay oo cabbirtay in ciidanka qalabka sida ee Ruushka ay mar kale ka gudbi karaan xuduudaha Ukraine isla markaana aysan la kulmeen wax cawaaqib ah marka laga reebo cambaareynta kaga timaado caalamka, walow Mareykanka, xulufadiisa iyo bah-wadaagtiisa ay wacad ku mareen cawaaqib aad u xun oo deg deg ah.

Dadaallo dibolomaasiyadeed oo isdaba-joog ahaa oo looga hadlayay walaaca dhanka amniga ee Ruushka kaddib, Putin ayaa si khaldan wax u xisaabiyay.

“Vladimir Putin wuxuu doonayay inuu ruxo aas-aaska xorriyadda adduunka, isaga oo ku fakaraya inuu u leexin karo hababkiisa khatarta ah.

Laakin si xun buu wax u xisaabiyay. Wuxuu u maleeyay Wuxuu u maleeyay inuu rogi karo Ukraine, si dunida ay isu rogto,” hadalkaasi wuxuu qeyb ka ahaa khudbaddii uu madaxweyne Joe Biden jeediyay habeenkii khudbadda sannad-laha ee State of the Union Address ee 1-dii Bishaan March.

“Wuxuu maleeyay in Galbeedka iyo NATO aysan jawaabi doonin. Wuxuu kaloo u maleeyay inuu guriga nagu kala qeybin karo. Putin wuu qaldanaa. Diyaar baanu nahay.”

“Si weyn oo taxadar leh ayaan u diyaarinay. Waxaan bilo ku bixinay dhisidda isbaheysiga dalalka kale ee xorriyadda jecel ee Yurub iyo Ameerika ilaa Aasiya iyo Afrika si aan uga hortagno Putin.

“Si horu-dhac ah ayaan dunida ula sii wadaagnay wixi aan ka ogeyn Putin ee ahaa inuu isu diyaarinayay si daqiiq ah ee uu isugu dayi doono marmarsiiyadiisa beenta ah ee duullaankiisa gardarrada ah,” ayuu yiri madaxweyne Biden. “Beentii Ruushka waxaan kala hortagnay run. Hadda ficilka uu sameeyay waxaa kula xisaabtami doonta dunida xorta.”

“Bankiyada waaweyn ee Ruushka waxaan ka jari doonnaa nidaamka maaliyadeed ee caalamiga. Waxaan ka hortageynaa in bankiga dhexe ee Ruushka uu difaaco lacagta Ruble-ka Ruushka, taasoo wax aan qiimo laheyn ka dhigeysa lacagta uu Putin ku bixiyay dagaalka oo gaareysa $630 bilyan oo dollar. Waxaan caajineynaa helitaanka tiknloojiyadda Ruushka, taas oo wiiqi doonta awoodda dhaqaale iyo tan millatari ee Ruushka sannadaha badan ee soo socda.”

Waxaan dhammaan duulimaadyada Ruushka ka xireynaa hawada Mareykanka, taasoo ah go’doomin dheeraad ah oo aan gelineyno Ruushka taasoo ah ciriiri kale oo aan gelinnay dhaqaalahooda. Waxaanu beegsaneynaa maalqabeenka Ruushka ee xiriirka la leh Putin iyo hogaamiyaasha musuq-maasuqa, innaga oo ku daba-galeyna macaashka xaq-daqqada ah ee ay heleen, isla waqtil-xaadirkaas, waxaan taageereynaa shacabka Ukraine kuwaas oo si geesinimo leh isaga difaacaya duullaanka Ruushka.

“Si wada jir ah innaga iyo xulufadeenna, waxaanu siineynaa dadka reer Ukraine taageero ku aaddan dagaalka ay ugu jiraan xorriyaddooda. Waxaan siineynaa taageero millatari, taageero dhaqaale iyo gargaar bani’aadannimo. Waxaan bixineynaa in ka badan $1 Bilyan oo dollar oo gargaar toos ah la siinayo Ukraine. Waana sii wadi doonnaa inaan caawinno shacabka Ukraine ee difaacaya dalkooda, waxaan ka caawineynaa in aan ka khafiifinno dhibaatada heysata.”

“Dhammaan taariikhdeenna waxaan ka barannay cashirkaan – marka ay kaligood-taliyaashu aysan ka shallaayin gardarrada ay geysteen, waxay abuuraan qalalaaso qas iyo qalaanqal dheeraad ah,” ayuu yiri Madaxweyne Biden. Wuxuu intaasi ku daray “Putin wuxuu xariga ka jaray rabshado iyo fowdo, laakin inta uu faa’iido ka helayo goobta dagaalka, isna si joogta ah ayuu uga shallay doonaa muddo fog.”

XS
SM
MD
LG