Accessibility links

Breaking News

Golaha Guud ee QM oo cambaareeyey Russia


Faalladani waxay ka tarjameysaa aragtida Dowladda Mareykanka

Bishii March labadeedii, Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa si aqlabiyad leh ugu codeeyay qaraar lagu cambaareeyay dagaalka Mareykanka ee aan sababta iyo qiilka laheyn ee uu Ruushka ku qaaday qaranka madaxa bannaan ee Ukraine.

Golaha Guud ayaa dalbaday in “Ruushka uu gabi ahaanba si aan shuruud laheyn millatarigiisa uga soo saaro carrada Ukraine kuna soo celiyo xuduudihiisa uu caalamka aqoonsanyahay.”

Codbixintu waxay ka dhacday fadhi gaar ah oo degdeg ahaa oo iyo dhif iyo naadir ahaa, kaas oo uu Golaha Guud isugu yimid, xilli taangiyada Ruushka ay ku dil-dilloomayeen magaalooyinka Ukraine isla markaana gantaallada Ruushka ay burburinayeen kaabayaasha dhaqaalaha, dilayeenna boqolaal qof oo aan waxba galabsan. 141 dowladood oo adduunka ah ayaa u codeeyay qaraarka Qaramada Midoobay.

Shan dawladood oo kali-talis ah, -- Russia, Belarus, Suuriya, Kuuriyada Waqooyo, iyo Eritrea – ayaa diiday; 35, oo ay ku jiraan Cuba, Shiinaha, India, Venezuela iyo Iran, waa ay ka aamuseen.

"Sida codkani shaaca ka qaaday," ayuu yiri xoghayaha arrimaha dibadda Antony Blinken, "inta badan bulshada caalamku waxay u taagan tahay taageerada xooggan ee mabaadi'da asaasiga ah ee Qaramada Midoobay iyo ilaalinta Axdiga Qaramada Midoobay - waxayna ka soo horjeedaa isku dayga aan ka fiirsasho lahayn ee uu Ruushka ku doonayo inuu ku baddalo xuduudaha dal kale oo madax bannaan isaga oo adeegsanayo xoog, si uu rabitaankiisa ugu baddalo rabitaanka dadka Ukraine."

Madaxweyne Joe Biden ayaa sheegay in codeynta Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ay muujisay in aqlabiyadda dalalka adduunka ay aqoonsadeen in in madaxweyne Vladimir Putin “uusan kaliyah weerarin Ukraine, balse uu weerarayo aas-aasaka nabadda iyo amniga caalamka.
Madaxweyne Biden ayaa intaasi sii raaciyay oo yiri “Haddii aanan hor istaagin Raashiyada Putin, kaliyah un waxay qalaasho dheeraad ah u horseedi doontaa adduunyada. Russia waa la go’doomiyay, kaliyana waxaa garab istaagay afar waddan oo kaligood taliyaal arxan-laawayaal ah.”

Kaddib codbixintii Golaha Guud, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa u sheegay wariyaasha “Farriinta Golaha Guud waa mid cad oo qeylo dheer: Hadda jooji colaadda Ukraine. . . . Madaxbanaanida dhuleed iyo madax banaanida Ukraine waa in la ixtiraamaa si waafaqsan Axdiga Qaramada Midoobay.”

Ergayga Mareykanka u qaabilsan Qaramada Midoobay Ambassador Linda Thomas-Greenfield ayaa codeynta kaddib sheegtay, “Aan sii wadno inaan isu nimaadno si aan u taageerno dadka Ukraine. Oo aan muujino awoodda dhabta ah iyo ujeedada dhabta ah ee Qaramada Midoobay u leedahay dhammaan."

President Biden ayaa farta ku fiiqay in Qaramada Midoobay “loo aas aasay in ay ku guuleysato badbaadinta jiilasha soo socda masiibadi dagaalka kaddib.’ . . . Wuxuu intaasi ku daray,”Si wadajir ah, waa in aan kula xisaabtanno Ruushka ficilladiisa, waxaan muujin doonnaa in xorriyaddu ay mar walba ka guuleysato dulmiga.”

XS
SM
MD
LG