Accessibility links

Breaking News

Guusha laga gaaray ololaha ka dhanka ah Daacish wuxuu nabad ka dhigayaa dunida


Faalladani waxay ka tarjameysaa aragtida Dowladda Mareykanka

Araggixiye arxan daran oo mintid ah ayaa dhintay, adduunkuna hadda waa uu ka nabad galay.

Bishi hore, hoggaamiyihii kooxda ISIS, Abu Ibrahim Al-Hashimi al Qurayshi, oo ku magac-dheeraa Hajji Abdullah ama Muhammad Said Abd al-Rahman al-Mawla, ayaa ku dhintay weerar ay ciidamada gaarka ah ee Mareykanka ka fuliyeen degmadam Atmeh ee Suuriya.

Isaga oo u qalmay sababo la xiriira wuxushnimadi uu sameeyay noloshiisii, Abdullah ayaa qarxiyay jaakad bambo ah oo uu xirnaa, taas oo dishay naftiisa iyo xubno ka mid ah qoyskiisa oo ay ku jireen laba carruur ah, xilli ay ciidamada ku soo dhawaanayeen guriga uu isku qarinayay.

Wuxuu noqday madaxa ISIS kaddib dilkii hogaamiyihii hore Abu Bakr al-Baghdadi, kaas oo ku dhintay weerar ay millatariga Mareykanka qaadeen sannadki 2019. Al-Baghdadi ayaa isna isku qarxiyay suun ay ku xirnaayeen walxaha qarxa, isaga oo gallaaftay nolsoha saddex carruur ah oo uu dhalay.

Isaga oo ka hadlayay howlgalkii bishii Febraayo, ayuu madaxweyne Joe Biden soo hadal-qaaday taariikhda falalki argagixiso ee uu geystay Abdullah, kuwaas oo ay ku jireen xasuuqii dadka kasoo jeedda qowmiyadda Yaziidiga ee dalka Ciraaq Iraq; iyo kor-kala-socoshadiisii faafitaanka kooxaha xiriirka la leh ISIS ee adduunka. “Kaddib xasuuqista bulshooyin iyo dilidda dad aan waxba galabsan;” hagitaankiisa howlgallada iyo weerarki wuxushnimada ahaa ee dhawaa ee ay dagaalyahannadu dhawaan u geysteen xabsi ku yaalla Suuriya, kaas oo ay argagixisada ISIS qabsadeen.

Madaxweyne Biden ayaa intaasi ku daray oo yiri “Waxaa markiiba arrintaai ka jawaabay bah-wadaagteenna geesiyadda ah ee ciidamada Xoogga Dimoqraadiga ah ee Suuriya.”

Madaxweyne Biden waxa uu ammaanay sida saxda ah iyo u diyaargarowga ciidamada Maraykanka ee qaaday weerarka, isagoo xusay in si loo yareeyo khasaaraha dadka rayidka ah, uu meesha ka saaray in la duqeeyo Abdullah, taas beddelkeedana, “waxa uu doortay in ciidamo gaar ah ay baacsadaan, taasoo khatar weyn ku ah buu yiri dadkeenna.”

Xoghayaha Difaaca ee Maraykanka Lloyd Austin ayaa shaaca ka qaaday in dhimashada Abdullah "ay dhabar jab weyn ku keentay ISIS isla markaana gacan ka geysatay sidii dalkeenna iyo muwaadiniinteenna ay ammaan u noqon lahaayeen … Hadda waa uu ka baxay macrikada dagaalka iyo haggaanka mar danbena khatar kuma noqon karo nolosha dad badan.”

Xoghayaha Arimaha Dibada Antony Blinken ayaa ku tilmaamay dhacdada "guul weyn oo laga gaaray dagaalka caalamiga ah ee lagu carqaladeynayo laguna burburinayo ISIS." Wuxuu xusay, si kastaba ha ahaatee, in howlgalka isaga ka dhanka ahaa “uu qeyb ka ahaa howlgallada ballaaran ee xubnaha Isbaheysiga Caalamiga ah ee hadafkiisu yahay in laga adkaato ISIS… Dagaalku waa uu sii socon doonnaa.”

Madaxweyne Biden ayaa sidoo kale carabka ku adkeeyay baahida loo qabo in la sii wado cadaadiska Daacish. Marka laga hadlayo geerida Cabdullaahi waa mid baaxad weyn leh. "Waxay farriin adag u dirtay argagixisada adduunka," ayuu yiri madaxweyne Biden. "Waanu kaa daba iman doonnaa oo kusoo qaban doonna."

XS
SM
MD
LG