Accessibility links

Breaking News

Mareykanka oo ku deeqay nus bilyan tallaal ah welina sii wada


Faalladani waxay ka tarjameysaa aragtida Dowladda Mareykanka.

Madaxweyne Biden waxaa ka go’an inuu qeybiyo 1.2 bilyan oo doos oo ah tallaalka cudurka COVID-19 oo loogu deeqayo dunida.

17-ka bisha March, Dowladda Mareykanka ayaa gaartay guul muhiim ah oo la xiriirta ka jawaabisteeda cudurka COVID-19 dunida. “Mareykanka ayaa hadda ku deeqay tiro dhan 500 oo milyan oo xabbo oo ah tallaalka COVID-19, kuwaas oo la gaarsiiyay in ka badan 110 waddan oo dunida ah, iyada oo loo sii maray sanduuqa caalamiga ah ee tallaalka COVID ee loo yaqaano COVAX,” sidaasi waxaa tiri Mary Beth Goodman, oo ah Ku-simaha Isuduwaha Jawaabta Caalamiga ah ee COVID-19 iyo Amniga Caafimaadka.

“Tani waxaa sii dheer ku dhawaad 20 bilyan oo dollar oo dawooyinka COVID-19, arrimo bani’aadannimo, dhaqaale iyo kaalmo horumarineed oo la geeyay ilaa 120 waddan oo ay ku jiraan taageerada degdegga ah ee baahida caafimaad ee degdegga ah iyo kaalmada farsamo si loo ballaariyo helitaanka tallaalka.

"Waxaan si hagar la'aan ah ula shaqeyneynaa dowladaha iyo hay'adaha caalamiga ah, soo saarayaasha tallaalka, NGO-yada, waaxda gaarka loo leeyahay, iyo kuwa kale si aan u gaarsiinno tallaalka, dadka loo tallaalo, loo kordhiyo goobaha baatitaanka iyo daweynta, loo taageero loona dhowro shaqaalaha caafimaadka iyo kuwo kale, iyada oo loo sii marayo Barnaamijka Caalamiga ah ee COVID- 19 Global Action Plan,” ayuu xoghayaha arrimaha dibadda Antony Blinken oo soo saaray war qoraal ah.

Dhab ahaantii, in la helo tallaalka in si nabad ah loogu gudbiyo isbitaallada iyo goobaha caafimaadka iyo in lagu hubsado gacmaha dadka la tallaalayo, Dowladda Mareykanka iyo bah-wadaagteeda iyo hey’adaha caalamiga ah oo ay ku jirto COVAX iyo Hey’adda African Vaccine Acquisition Trust, iyo sidoo kale la tacaamulidda hogaamiyaasha bulshada iyo kuwa dhaqanka ee dunida.

[Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa ayaa ilaa iyo hadda bixisay abaalmarinno dhan in ka badan 100 xarumood oo la siiyay ilaa $10,000 si loogu taageero mashaariic horumarineed oo la tacaalaya cudurka COVID-19, meelo kala duwan oo caalamka ah], Iyadoo aanan wax la qaldin, “Tallaalkaasi si nabad ah, oo waxtar leh oo si bilaash ah loo yaboohay ayaa deeq ahaan loogu bixiyay,” sidaa waxaa tiri Isku-duwe Goodman.

Dowladda Mareykanka waxay tallaalkani ku deeqday iyada oo hal hadaf maanka ku heysa, kaas oo ah badbaadinta nafaf badan oo caalamka ah.

Cudurkaan saf marka ah wali kama dhammaan adduunka. Aad ayay muhiim u tahay dhab ahaantii in la helo tallaal, sidaasi daraadeed waa inaan ka hor tagnaa tafiirta cusub si aysan u saameyn dunida, waayo horay ayaan u soo aragnay nuucyadi hore sida delta iyo kuwa kale.”
“Shaqadani waa muhiim sababtoo ah cudurkaan ma dhammaan.

Nafaf badan ayaa wali khatar ku jira aduunyada iyadoo wali dalal badan ay la tacaalayaan Omicron waxaanan wajaheynaa suurtagalnimada tafiir cusub oo cudurkan ah,” Sidaa waxaa yiri Xoghaye Blinken.

“Maraykanku wuxuu sii wadi doonaa sidii uu saaxbiaddiisa iyo bulshooyinka kala shaqeyn lahaa dhinac walbo, si loo badbaadiyo nolosha dad badan iyo sidii aanu si wanaagsan ugu diyaar-garoobi laheyn mustaqbalka cudurrada saf-mareenka ah.”

XS
SM
MD
LG