Accessibility links

Breaking News

Xiriirka Mareykanka iyo Bahrian waa mid xooggan


Tani waa faallo ka tarjameysa aragtida Dowladda Mareykanka

Dowladaha Mareykanka iyo Baxreyn waxay xiriir adag lahaayeen muddo tobnaan sano ah. Sannadki 2002 Mareykanka ayaa u aqoonsaday Baxreyn xubin sare oo xulafo la ah Mareykanka, balse aanan ka tirsaneyn Isbaheysiga NATO.

Bishi March, labada dal ayaa yeeshay wada-hadalkii labaad ee istaraatiijiyadeed ee Maraykanka iyo Baxreyn, kaasoo ku soo beegmay booqashadii Washington ee dhaxal-sugaha Bahrain ahna Ra'iisul Wasaaraha Baxreyn Salman bin Hamad al Khalifa.

Saraakiisha Mareykanka iyo Baxreyn ayaa kulmay si ay u horumariyaan waxyaabaha muhiimka ah eel eh mudnaanta, kuwaas oo ay ka mid yihiin nabadda iyo ammaanka, dheereynta xiriirada dhaqanka, waxbarashada iyo xirfadda iyo in sare loo qaado barwaaqada iyadoo la xoojinayo iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha iyo la dagaallanka argagixisada iyo khatarta kisaga kala gooshta dalalka.

Marki uu Xoghayaha Gaashaandhigga Mareykanka Lloyd Austin soo dhaweynayay Dhaxal-sugaha Baxreyn, ayu uku ammaanay Baxreyn sida deeqsinimada leh ee ay u martigeliso Taliska Dhexe ee ciidamada Badda Mareykanka iyo sidoo kale “taageerada qiimaha leh ee ay boqortooyada siisay howlgalki daad-gureynta Afghanstan ee sannadki hore.”

Xoghaye Austin ayaa hoosta ka xarriiqay in saaxibadda muhiimka ah sida Baxreyn “Ay si gaar ah muhiim ugu yihiin sababo la xiriira khatarta aanu maanta wajaheyno daraadeed, taasoo ay ku jirto taageerada ay Iran siiso argagixisada iyo hubka sharci-darrada ah ee ay isaga kala gudbiso gobolka.”

Wuxuu sidoo kale ku ammaanay Baxreyn tallaabada geesinimada leh ee ay u qaaday sidii ay xiriir sal-adag leh ula yeelan laheyd Israel. Wuxuu intaasi raaciyay in,” Taasi ay tahay go’aan muhiim ah oo gobolka ka dhigi doona mid nabad ah.”

Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Kamala Harris ayaa bishi March afarteedii la kulantay Dhaxal-suge Salman bin Hamad. Madaxweyne ku xigeenka ayaa mar kale ku celisay in maamulka Biden-Harris ay taageerayaan xuquuqda aadanaha ee Bahrain. Waxay sidoo kale soo dhaweysay ku biirista Baxreyn ee heshiisyada Artemis, kuwaas oo ah xeerar iyo sharciyo caalami ah oo hagaya Iskaashiga Hawada sare.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken ayaa isna la kulmay Dhaxalsugaha bishi March labadeedii, kana qeybgalay wadahadalki Istiraatiijiga ahaa. Dhammaadkii kulankaas ayaa Mareykanka iyo Bahreyn ay soo saareen war-murtiyeed wada jir ah.

Labada waddan ayaa ku celiyay ballan-qaadkooda ah amniga iyo nabadda gobolka iyo adduunkaba. Waxay hoosta ka xarriiqeen in wadahadallo dhaxal-gal ah ay dhaceen kuwaas oo xoogga lagu saaray horumarinta arrimaha xuquuqda aadanaha ee Baxreyn. Labada waddan ayaa aqoonsaday ahmiyadda ay leedahay in nabad lagu soo dabbaalo Yemen iyo in gargaar bani’aadannimo la gaarsiiyo Yemen isla markaana ka munaaqashooday, sidii loo sii fidin lahaa xiriirka Baxreyn iyo Israel kaddib saxiixii heshiiskii loogu magacdaray Abraham Accords.

Waxay sidoo kale ka wadahadleen sida ay uga go'an tahay inay wax ka qabtaan dhibaatada cimilada ee hoos timaada heshiiskii Paris.

Inta ay Baxreyn iyo Mareykanka sii wadaan xiriirkooda taariikhiga ah isla markaana ay sii ballaarinayaan xiriirkaasi, gobolka iyo dunida ayaa ah mid nabad ah oo barwaaqo ah.

XS
SM
MD
LG