Accessibility links

Breaking News

Venezuela oo xabsiga kasii daysay laba muwaadin oo Mareykan ah


Faalladani waxay ka tarjameysaa aragtida Dowladda Mareykanka

Mareykanka ayaa bogaadiyay sii deynta laba muwaadin oo Mareykan ah oo si qalad ah uu u xiray taliska Maduro ee Venezuela bishii Maarso. Labada nin ayaa kala ah Gustavo Cardenas iyo Jorge Fernandez.

“Si xaq-darro ah in dad Mareykan ah maxaabiis ahaan loo heysto had iyo jeerba waa wax aanan la aqbali karin,” sidaa waxaa bayaan uu soo saaray ku yiri, Madaxweyne Joe Biden, kaddib sii deynta labadani muwaadin.

Wuxuu ammaanay "dadaalkii hagar la'aaneed" ee kooxda dublamaasiyadeed ee Mareykanka ee ka shaqeeyay xorriyaddooda. Madaxweyne Biden wuxuu carabka ku adkeeyay in maamulkiisu uu sii wadi doono dagaalka uu ugu jiro kusoo guryo celinta dhammaan muwaadiniinta Mareykanka, ee ku xiran Venezuela iyo meelo kale, kuwaas oo si caddaalad darro loo heysto.

Gustavo Cardenas ayaa u shaqeynayay shirkad saliidda soo saarto oo lagu magacaabo CITGO, wuxuu ahaa mid ka mid ah kuwa loogu magac-daray “Citgo 6,” oo isugu jiray shan muwaadin oo Mareykan ah iyo mid heystay kaarka deganaashaha Mareykanka oo si qalad ah dalka Venezuela loogu xiray sannadki 2017, kaddib marki lagu soo eedeeyay danbi masuq-maasuq oo been abuur ah. Jorge Fernandez waxaa la xiray sannadki 2021 iyadoo loo cuksaday eedo la xiriira argagixiso.

Sii deyntooda waxay timid, kaddib marki wafdi heerkiisu uu sarreeyay ay booqdeen Venezuela horraantii bishaan March, kaas oo noqday wafdigi ugu horreeyay tan iyo marki uu burburay xiriirka dibulamaasiyadeed ee Mareykanka iyo taliska Maduro sannadki 2019.

Aqalka Cad ayaa sheegay in soo guryo celinta muwaadiniinta Mareykanka ee sida xaq-darrada ah u xirnaa uu ahaa, hadafka ay wafdiga Mareykanka u tageen Venezuela. Wafdiga ayaa sidoo kale kusoo boorriyay rajiimka Maduro in ay dib ugu soo laabtaan miiska wadahadallada Mexico ee u dhaxeeya iyaga iyo mucaaridka, si dib loogu soo celiyo dimoqraadiyadda Venezuela.

Afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka Ned Price ayaa ammaanay soo sii deynta labada muwaadin ee Mareykanka ah. Wuxuu kaloo soo dhaweeyay bayaanka kasoo baxay Nicolas Maduro ee uu ku aqbalay dib ugu soo laabashada wadahadallada, taasoo ah “tallaabo muhiim ah oo wanaagsan.”

Madasha Midaysan waa isbahaysi siyaasadeed oo uu soo jeediyay 2021 madaxweynaha ku meel gaadhka ah ee Venezuela Juan Guaidó. Maduro waxa uu qaaday wareegii ugu dambeeyay ee wada xalinta uu la galay Madasha Midaysan, kaas oo loo qoray in uu dhacay Oktoobar 2021.

“Waxaan sii wadeynaa inaan aaminno wadahadallo wax gal ah oo ay horboodeyso Venezuela ay yihiin habka ugu fiican ee la heli karo ee lagu soo celi karo dimoqraadiyadda Venezuela,” ayuu yiri Price.

Wuxuu intaasi raaciyay “Taasi waa sababta aan u taageerno hadafka Madasha Midnimada ee ah in si deg deg ah dib loogu amba-qaado wada-xaajoodka lala yeelanayo maamulka Madurosi dib loogu soo cekiyo doorasho xor iyo xalaal ah, hey’adaha dimoqraadiga ah iyo ku dhaqanka sharciga iyo sidoo kale in la xushmeeyo xuquuqda aadanaha ee. . . . Waxaan sii wadi doonnaan inaan taageerno [Madaxweynaha kumeelgaarka a] Juan Guaidó iyo Madasha Midnimada, laakin sidoo kale kannalada kale, si aan u taageerno himilooyinka dimoqraadiyada ee dadka Venezuela.

XS
SM
MD
LG