Accessibility links

Breaking News

Dhaq-dhaqaaqyada xasillooni darrada ah ee Iran oo muujinaya baahida loo qabo in lagu laabto heshiiska Nukliyeerka


Austria Iran Nuclear Talks
Austria Iran Nuclear Talks

Faalladani waxay ka tarjameysaa aragytida Dowladda Mareykanka

Dowladda Mareykanka waxay “Erayadi ugu adkaa ku cambaareysay” Weerarki ay dhawaan Iran ku qaadday gobolka Kurdistan ee dalka Ciraaq. Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran ayaa qirtay masuuliyadda weerarka, iyaga oo sheegtay in ay beegsadeen “xarumo istaraatiiji ah” oo ay Israel leedahay.

Lataliyaha Amniga Qaranka Mareykanka Jake Sullivan ayaa bayaan uu soo saaray oo uu uga hadlay weerarkaasi ku yiri “Iyadoo aysan jirin wax cudur daar ah, Mareykanka wuxuu dhinac taaganyahay Ra’isulwasaare Kadhimi iyo hogaamiyaasha gobolka Kurdistan Madaxweyne Nechirvan Barzani iyo Ra’isulwasaare Masrour Barzani, innaga oo cambaareyneyna weerarkaan ka dhanka ah madaxbannaanida Ciraaq iyo gobolka Kursdirtan. Waanu taageeri doonnaa Dowladda Ciraq si arrintan loogula xisaabtamo Iran.”

Isaga oo dhawaan ka hor hadlayay Golaha Senetka Mareykanka, ayuu General Kenneth McKenzie, oo ah taliyaha Taliska Dhexe ee Ciidanka Mareykanka sheegay, “in Iran ay sii waddo in ay khatar geliso danaha Mareykanka iyo ammaank goolka Bariga Dhexe guud ahaan.”

Wuxuu tilmaamay in iyada oo adeegsaneysa kooxaha ay abuurtay, ay Iran colaaddo kasoo safrineyso Yemen kuna baahineyso Gacanka Carbeed, kasoo billow Ciraaq, Suuriya ilaa Lebnon. General McKenzie ayaa sidoo kale walaac ka muujiyay awoodda sii kordheysa ee ku saabsan waxtarka quwadda iyo hubka gantaallada baalistigga ee Iran, barnaamijka loo yaqaanno UAV program, kaasoo ah gantaallaheeda ugu riddada dheer ee ay xambaaraan diyaaradaha aanan duuliyaha laheyn iyo sidoo kale gantaallada dhaadheer ee dhulka laga tuuro.

Afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka Ned Price ayaa sheegay in dhaq-dhaqaaqyada qarbudaadda Iran ee gobolka ay wajiyo badanyihiin, isla markaana uu ka mid ahaa, weerarki dhawaa ee gantaalaha loo adeegsaday ee ay ka fuliyeen Ciraaq, kaasoo si cad u muujiyay sababaha loogu baahanyahay in Mareykanka iyo Iran ay dib ugu soo laabtaan heshiiskii niyukleerka Iran, kaasoo oo lagu naaneeso Qorshaha Wadajirka ah loona soo gaabiyo JCPOL, arrintaan ayaa ah mid aad loogu baahanyahay oo deg deg ah ayuu yiri afhayeenka.

Wuxuu intaasi sii raaciyay “In caqabad walbaa oo aan wajaheyno ee innaga timaada Iran – ha ahaato kooxaha ay taageerto, taageeradeeda aragagixisada ama barnaamijkeeda gantaallada riddada dheer, ay aad uga dhib badnaan doonto in laga hortago haddii ay yeelato hubka niyukleerka.”

Wuxuu kaloo sheegay, in Dowladda MAreykanka ay rumeysantahay “in dib ugu soo laabashada wadahadalka barnaamijka niyukleerka ee JCPOA, waxaan dib u soo saari karnaa in si joogta ah loo xaddido loona xaqiijiyo waxa xaddidi kara barnaamijka niyukleerka Iran, si loo hubiyo in Iran aysan marnaba yeelan hub niyukleer ah”

“Waxa ugu horreeya ee aan rabno inaan sameyno ayaa ah in aan dib sanduuqa ugu soo celinno wada-xaajoodka barnaamijka niyukleerka Iran, si aan miiska uga qaadno caqabadda hadda taagan,” ayuu yiri afhayeenka, wuxuu kaloo intaasi kusii daray “Sidaasi daraadeed haddii aan arrintan la kaashanno xulufada iyo bah-wadaagteenna.. waxaan iska leexi karnaa khatarta ka imaneysa Iran si dhaxal-gal ah.”

XS
SM
MD
LG