Accessibility links

Breaking News

La-xisaabtanka saraakiisha musuq-maasuqa ah ee Nicaragua


Faalladani waxay ka tarjameysaa aragtida Dowladda Mareykanka

Dawladda Maraykanku waxa ay ka walaacsan tahay caddaalad-darrada iyo hufnaan la'aanta ka muuqata maxkamadaynta maxaabiista siyaasadeed ee Nicaragua.

"Waxaan sii wadnaa oo innaga go’an in aan taageerno dadka Nicaragua anaga oo la dagaallameyna musuqmaasuqa isla markaana horumarineyna dimoqraadiyadda, ku dhaqanka sharciga, iyo isla xisaabtanka," ayuu afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibadda Ned Price ku yiri, bayaan uu soo saaray.

Tani waa sababta ay Dowladda Mareykanka ugu dartay liiskeeda jilayaasha musuq-maasuqa iyo dimoq-raaddi diidka, sagaalkani sarkaal ee soo socda ee ka tirsan Dowladda Nicaragua. Tallaabadani ayaa ka dhigeysa shakhsiyaadkan kuwo inaysan sharci u heysan dal-ku-galka iyo ogolaashaha Mareykanka.

Cairo Melvin Amador, oo hadda ah guddoomiye ku xigeenka Golaha Saree e Doorashada ee loo soo gaabiyo CSE, Lumberto Ignacio Campbell Hooker, oo hadda xubin ka ah Golaha CSE, iyo Brenda Isabel Rocha Chacon, oo hadda ah guddoomiyaha CSEm ayaa lagu daray liiska, iyaga oo ku muteystay doorki ay ka ciyaareen wiiqsitii doorashadi qaran ee dhacday bishi November 2021, kaddib marki ay doorashada ka saareen xisbiyada mucaaradka iyo musharraxiintooda iyaga oo cuskanaya eedo been abuur ah.

Edwin Ramon Castro Rivera, oo xubin ka ah Golaha Shacabka Nicaragu tan iyo sannadki 1997, ayaa isna lagu daray liiska. Ninkan ayaa xaqiijiyay oo ku dadaalay sidii ay xubinnimada Golaha CSE ay ugu soo bixi lahaayeen xubnaha daacadda u ah Ortega-Murillo. Wuxuu kaloo xaqiijiyay meelmarinta sharci loo adeegsaday in in doorashada loogaga saaro xisbiyada iyo musharraxiinta mucaaridka isla markaana loogu geystay qash-qashaad iyo xabsi.

Karen Vanessa Chavarria Morales, oo hadda ah garsooraha maxkamadda degmada sagaalaad ee Managua, ayaa ku muteystaya in liiska lagu soo daro, ku-tagri-falid awoodeed iyo in ay cagaha la martay sharciga si ay uga hortagto siyaasiyiin kasoo horjeeda rajiimka Ortega-Murillo iyo sidoo kale musharraxiin usoo baxay doorashadi November 2021.

Walmaro Antonio Gutierrez Mercado, ooh adda xubin ka ah Golaha Shacabka Nicaragua, Carlos Wilfredo Navarro Moreira, oo isna xubin ka ah Golaha Shacabka Nicaragua, iyo Gustavo Eduardo Porras Cortes oo ah Guddoomiyaha Golaha Shacabka Nicaragua ayaa dhammaantood lagu daray liiska, kaddib marki ay rajiimka Orgeta-Murillo siiyeen furayaashii uu ku weerari lahaa dimoqraadiyadda, iyaga oo soo Golaha Saree e Doorashada u soo xulay xubno daacad u ah Ortega.

Maria Haydee Osuna Ruiz, oo hadda ah xubin ka tirsan Golaha Shacabka ee Nicaragua, ayaa si gaar ah loogu tilmaamay shirqoolka ay la samaysay nidaamka Ortega-Murillo si ay u afgambiyaan doorashooyinka qaranka Nicaragua ee Noofambar 2021 iyada oo saxiixday cabasho been abuur ah oo marmarsiiyo u noqotay dawladda si ay u diido mucaaradkii ugu dambeeyay ee sharciga ah. Taasi ayaana keentay in hogaamiyaha xisbiga mucaaridka uu musaafuris iskiis ah u aado dibadda.

“Waxaan garab taagannahay dadka Nicaragua,” sidaa waxaa yiri afhayeen Price, wuxuu intaasi raaciyay “Dadkaasi waxay ku dadaalayaan in ay soo ceshtaan hey’adaha dimoqraadiga ah, in ay six or iyo xalaal ah kusoo doortaan hogaamiyahooda isla markaana ay naftooda iyo qoysaskooda u abuuraan mustaqbal wanaagam.

XS
SM
MD
LG