Accessibility links

Breaking News

Mareykanka oo soo rogay cunaqabatayno la xiriira dhoofinta sharci-darrada ah ee dahabka DRC


Faalladani waxay ka tarjameysaa aragtida Dowladda Mareykanka

Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ee Congo waa waddan hodon ku ah kheyraadka dabiiciga ah, laakin sababo la xiriira colaado hubeysan iyo cudurro, waddankaan ayaa waxaa la dagay faqri aad u baahsan.

Arrin kale ayaa ah xatooyada kheyraadka Kongo ee ay geysteen jilayaal xun oo ku lug leh ganacsiga macdanta sharci darrada ah. Ganacsigaasi wuxuu sidoo kale khatar ku yahay nabadda, amniga, iyo xasilloonida gobolka Harooyinka Waaweyn.

Iyada oo raaceysa ballan-qaadkeeda ah in ay carqaladeyso ganacsiga macdanta sharcidarrada ah ee dalka Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ee Congo, isla markaana dhiirri-gelineysa daahfurnaanta qeybta macanta, ayay Dowladda Mareykanka cuna-qabateyn ku soo rogtay ganacsade u dhashay dalka Belgiam oo lagu magacaabo Alain Goetz isaga iyo shirkado shabakad ah oo uu leeyahay.

“Alain Goetz iyo shirkadihiisa waxay ka ganacsadaan dahabka laga keeno gobollada ay maamulaan kooxaha hubeysan ee ku lugta leh colaadda Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ee Congo,” sidaa waxaa bayaan uu soo saaray ku sheegay Afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka Ned Price.

Wuxuu intaasi ku daray “Kooxahaasi hubeysan. . .Waxay geysteen tacaddiyo ay ku jiraan xasuuq qowmiyadeed, kufsi iyo carruur ay xoog ku askareeyeen.”

Iyada oo ku dhawaaqeysa cunaqabateynta, ayay war qoraal ah ku sheegtay Wasaaradda Maaliyadda Mareykanka, in dhaq-dhaqaaqa sharci-darrada ah ee dahabka Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Congo ee Goetz iyo shirkadihiisa ku lug leeyihiin lagu qiimeeyay boqollaal milyan oo dollar sannadkiiba.

Kooxahan shabakadda ah ee hubeysan, mukhallasiinta iyo shirkadahan, ee dakhliga kasoo saara dahabka ayaa adeegsada xeelado ay ku jiraan shaqaalo ay qasab ku keeneen, tahriibin ama lacago baad ah oo ay ka qaadaan macdan-qodayaasha.

Sida ay sheegtay Waaxda Maaliyadda Mareykanka, kooxahan ayaa dakhligooda u adeegsada in ay ku maalgeliyaan colaadaha hubeysan iyo in ay iyaga ka taajiraan, iyaga oo ka cuna-qabateya dowladda Congo dakhligii canshuuraha isla markaana iska indha-tira deegaanka iyo bulshada ay la noolyihiin.

“Dahabka colaadda wuxuu bixiyaa dakhliga ugu weyn ee soo gala kooxaha hubeysan ee bariga Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Congo, kuwaas oo maamula meelaha macdanta laga helo isla markaana ka faa’ideysta macdan-qodayaasha,” sidaasi waxaa yiri Brian Nelson, Kaaliyaha Xoghayaha Maaliyadda ee Argagaxisada iyo Sirdoonka Maaliyadda.

"Alain Goetz iyo shabaddiisa waxay qeyb ka qaateen iska-hor-imaadyada hubeysan, iyaga oo helaya dahabka Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Congo iyadoo aanan wax su’aal ah la iska weydiin asalka dahabka. Wasaaradda Maaliyadda aad beey u caddeysay: suuqyada caalamiga ah ee dahabka tallaabo walbo oo la xiriirta kala gudbinta ama ka ganacsiga waa in loola tacaamulaa ilo masuuliyadeed si taxaddar leh."

Cunaqabateynta ayaa ka dhigan in la xannibay dhammaan hantida shakhsiyaadkaan iyo shirkadahan ka yaallo Mareykanka, waxaa sidoo kale la mamnuucay muwaadiniinta Mareykanka in ay ganacsi la sameeystaan kuwani.

“Dowladda Mareykanka waxay sii wadi doontaa taageerada u heyso Dowladda Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Congo oo dadaal ugu jirta sidi ay ula calaaqtami laheyd musuqa iyo isla xisaabtan la’aanta, horumarinta korriinka ganacsiga, xoojinta amniga iyo nabadda,” sidaasi waxaa yiri Afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibadda Price.

“Ficilkani wuxuu hoosta ka xarriiqayaa dadaalladeenna ku aaddan xaqiijinta iskaashiga Mareykanka iyo Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Congo ee dhinaca nabadda, barwaaqada iyo ilaalinta deegaanka, taasoo ay wada gaaraan dadyowga Mareykanka iyo Congo.”

XS
SM
MD
LG