Accessibility links

Breaking News

Madaxweyne Biden oo la hadlay shacabka Ruushka


Biden
Biden

Faalladani waxay ka tarjameysaa Aragtida Dowladda Mareykanka

Wax ka badan hal bil ayay shacabka Ukraine u dul-qaadanayaan isla markaana ay si geesinimo leh ula dagaallamayaan, weerarka bahalnimada ah ee aanan loo meel-dayin ee uga imanaya ciidamada Ruushka, kaas oo ay ka dhasheen dhimashada in ka badan kun qof oo rayid ah iyo burburinta magaalooyin iyo degmooyin.

Guryo la burburiyay, meydadka rag, rumar iyo carruur reer Ukraine ah oo ku duugmay dhismooyinka burburay ama meydadka waddooyinka daadsan ayaa tusaale u ah argagaxa uu madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin keenay, wixi ka danbeeyay marki uu go’aansaday inuu ku duulo waddanka ay deriska yihiin ee Ukraine.

Ma jiraan wax la barbar dhigi karo dhibaatada dadka Ukraine.

Laakin dadka Ruushka xittaa dhibaato ayaa heysata. Waalidiinta iyo qoysaska kumanaanka askari oo Ruush ah oo lagu dilay duulaanka Ukraine ayaa ka murugeysan dhibaatada soo gaartay caruurtooda. Booliiska Ruushka ayaa xabsiga dhigay in ka badan 15,000 oo qof oo dibadbaxayaal ah oo guud ahaan magaalooyinka Ruushka ka dhigay bannaanbax ay uga soo horjeedaan dagaalka. Dhaqaalaha Ruushka ayaa waxaa dhaawac weyn gaarsiiyay cuna-qabateynta dhaqaale ee lagu soo rogay. Bishii la soo dhaafay, dadka wax qiimeeya ayaa qiyaasay in in ka badan laba boqol oo kun oo Ruush ah ay isaga hayaameen dalkooda.

Khudbad uu ka jeediyay Warsaw dhamaadkii safarkiisii ugu dambeeyay ee Yurub, Madaxweyne Biden wuxuu si aan gabasho lahayn ugu sheegay dadka Ukraine, "In ay garab taaganyihiin."

Wuxuu kaloo waday farriin uu ugu tala-galay shacabka Ruushka: “Ma ihidiin cadawgeenna,” ayuu yiri, wuxuu kaloo intaasi raaciyay. “Waan diiday inaan rumeysto in aad soo dhaweyneysaan dilka carruurta iyo awoowayaasha aanan waxba galabsan ama inaad aqbaleysan isbitaallada, iskuullada, goobaha hooyooyinka, ayaa Ilaahaan idinku dhaariyee lagu duqeynayaa gantaallo iyo bambooyinka Ruushka, ama magaalooyin ayaa la hareereeyay si rayidka loogu diido in ay cararaan; saadkii ayaa la jaray waxana ay isku dayayaan in ay gaajo ku dilaan dadka Ukraine si ay isu dhiibaan.

Madaxweyne Biden ayaa wuxuu sheegay in “dhammaan dadka,” iyo sida kuwo badan oo ku nool guud ahaan Yurub, dadka Ruushka ayaa wali xasuusta argagixi go’doomintii magaalooyinka Leningrad iyo Stalingrad Dagaalki Labaad ee Dunida, markaas oo ay ku dhacday cunto la’aan, biyo la’aan, dawo la’aan, habeenkii oo ay gabbaad ka dhigtaan shubka iyo maalintii oo ay ku qaataan iyaga oo wax ka raadinaya guryaha ay bambooyinka burburiyeen.

“Gardarrada Vladimir Putin ayaa dadka Ruushkoow idinka jartay dunida inteeda kale,” ayuu yiri President Biden. “Kani ma ahan mustaqbal aad u qalantaan ama u qalmaan qoysaskiinna iyo carruurtiinna. . .Dagaalkani ma ahan mid idiin qalma, dadka Ruushkoow..”

“Putin wuu karaa wuuna dhameyn karaa dagaalkan,” ayuu intaasi sii raaciyay President Biden. “Shacabka Mareykanka waa idin garab taaganyahay, wuxuu kaloo dhinac taaganyahay shacabka geesiyaasha ah ee Ukraine ee raba nabadda.”

XS
SM
MD
LG