Accessibility links

Breaking News

Taliban oo mamnuucday barnaamijyada VOA iyo warbaahino kale


Taliban leaders
Taliban leaders

Faalladani waxay ka tarjameysaa aragtida Dowladda Mareykanka

Taalibaan ayaa telefishannada gaarka ah ee Afgaanistaan ka mamnuucay in ay sii daayaan, barnaamijyada iyo wararka Voice of America, BBC iyo warbaahinta Jarmalka ee Deutsche Welle.

VOA ayaa cambaareysay tallaabada ay Taliban hawada uga saartay barnaamijyadeeda. Bayaan ay soo saartay Kusimaha Agaasimaha VOA Yolanda Lόpez ayay ku tiri sidan: “Waxaan weydiisaneynaa Taliban in ay dib u eegis ku sameyso go’aankan walwalka leh ee nasiib-darrada ah. Xayiraadda barnaamijyada ee ay Taliban isku dayeyso in ay soo rogto ayaa lid ku ah xorriyatul-qowlka ay u qalmaan shacabka Afghanistan.”

VOA ayaa soo saarto warar soconaya nus-saac, shan maalin todobaadkiiba, warkaas oo ku baxaya luqadaha Pashto iyo Dari oo ah kuwa ugu muhiimsan ee looga hadlo Afghanistan. Waxaa sii daaya telafishannada bahwadaagta aan la nahay ee Afghanstan sida TOLO news iyo Shamshad TV.

VOA waxaa ka go’an in ay baahiso xaqiiqada, ayay tiri Lόpez, oo intaasi sii raacisay, “Ballan-qaadkeenna ah inaan xog sax ah siinno shacabka Afghanistan ayaa ah mid ay Voice of America kasii wadi doonto telefishanka, raadiyaha iyo internet-ka iyadoo laga heli karo bogagga internetka ee kala ah www.pashtovoa.com iyo www.darivoa.com, iyo sidoo kale warbaahinta bulshada.”

Madaxa luqadaha ee BBC World Service, Tarik Kafala ayaa ugu baaqay Taliban in ay si deg deg ah u soo celiyaan warka BBC. Wuxuu yiri mamnuucida noocan oo kale ah, "waa arrin welwel leh xilli hubaal la'aan iyo qalalaaso ay wajahayaan dadka Afgaanistaan."

Talaabadan ayaa ah tii ugu dambeysay oo ay Taliban ku caburineyso xoriyada hadalka ee Afgaanistaan tan iyo markii ay la wareegeen talada dalkaasi bishii Agosto ee la soo dhaafay. Sida lagu sheegay warbixin ay soo saareen Suxufiyiinta Aan Xuduuda lahayn bishii Disembar, ugu yaraan 40 boqolkiiba warbaahinta Afgaanistaan ayaa hawada ka baxay, in ka badan 80 boqolkiiba haweenka saxafiyiinta ah ayaa shaqadooda waayay tan iyo markii Taliban ay la wareegeen dalkaasi.

Fereshta Abbasi oo ah cilmi-baare ka tirsan Human Rights Watch ayaa bishii February ku warrantay “in tacaddiyada iyo weerarada ay Taliban u geysaneyso wariyaasha ka howlgala meelaha ka baxsan magaalooyinka waaweyn aanan lasoo gudbin warbixinnadooda, taasoo ku kalliftay warbaahinta gobollada in ay si iskood ah isu faaf-reebaan ama in ay gabi ahaanba xirmaan.”

“Gobollo badan, Taliban ayaa gabi ahaanba meesha ka saaray in la baahiyo mowduucyo dhowr ah isla markaana ka mamnuucay dumar badan oo saxaiyiin ah xirfaddoodii saxaafadeed,” ayay tiri.

Afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibadda Ned Price ayaa bayaan uu soo saaray ku yiri, “Dowladda Mareykanka waxaa ka go’an in ay taageerto xuquuqda xorriyatul-qowlka dunida oo idil, gaar ahaan wariyaashaas iyo difaacayaasha xuquuqda aadanaha in ay u howlgalaan six or ah iyaga oo aanan ka baqeyn dhibaato iyaga ka dhan ah.”

Mareykanka ayaa u go’doomay taageeridda xuquuqda xorriyadda hadalka isla markaana sii wadi doona inuu garab-taagnaado dadka reer Afghanstan.

XS
SM
MD
LG