Accessibility links

Breaking News

Mareykanka oo booliska Sudan ku calaameeyey inay gaysteen xadgudubyo xuquuqda aadanaha ah


Faalladani waxay ka tarjameysaa aragtida Dowladda Mareykanka

Bilooyin ay dumarka iyo dhalinyada geesiyaasha ah ee Sudan wadeen bannaanbaxyo aanan rabshado wadan, ayaa horseeday in sannadki 2019-ki uu dhaco kaligii-taliyihii arxanka darraa ee Sudan Cumar Al-Bashir.

Ka dib laba sano oo dheeli tirnaan la'aan ah, millatariga Suudaan ayaa baabi'iyay heshiisyadoodii siyaasadeed waxayna carqaladeeyeen isbeddelkii dhanka dimoqraadiyadda ee uu waddanku u socday, kaddib markii ay dalka afganbi ku qabsadeen bishii Oktoobar 2021, ayay xireen hoggaamiyeyaasha rayidka ah, isla markaana ay la dagaallameen mucaaradka.

Bannaanbaxyo waaweeyn oo ay dadku ku dalbadeen dimoqraadiyad ayaa arrintaasi looga jawaabay, kuwaas oo wali dalka kasii socda maantadaan aan joogno, hase yeeshee waxay la kulmeen rabshado sii kordhaya oo uga yimid ciidamada ammaanka ee Sudan.

Ciidanka Booliska Keydka Dhexe ee Sudan ee loo yaqaano CRP, waa cutub ka tirsanaa millatariga oo boolis laga dhigay, hey’adaha Sudan iyo kuwa caalamiga ah ayaa diiwaangeliyay in ciidankan ay ku lug leeyihiin gacanta adag iyo rabshadaha lagala hortagay mudaaharaadayaasha Sudan.

21-ki Marso, Xafiiska Xakameynta Hantida Shisheeye ee Wasaaradda Maaliyadda Mareykanka ee loo soo gaabsho OFAC, ayaa ciidanka CRP calaamadeysay iyada oo tixraaceysa wareegtada tirsigeedu yahay 13818.

Wareegtadaan ayaa amreysa meelmarinta iyo dhisidda Xeerka Caalamiga ah ee Magnitsky ee Isla-xisaabtanka Xuquuqda Aadanaha, isla markaana sharci ka-dhigeysa in xannibo hantida ka mid ka ah ama shakhsiyaadka mas’uulka ka ah si maldahan, si toos ah ama si aan toos aheyn xadgudubyada halista ah ee xuquuqda aadanaha ama musuq-maasuqa.

Waaxda Maaliyadda ayaa cuna-qabateyn saartay cutubka ciidamada CRP kaddib marki ay awood xad-dhaaf ah u adeegsadeen dibadbaxayaasha wixi ka danbeeyay afganbigii millatariga ee bishii Actoobar 2021.

“Bishii Jannaayo 27-keedii, ciidanka CRP waxay adeegsadeen rasaas nool oo ay ku fureen bannaanbaxayaal, arrintaas oo ay ka dhalatay dhimashada dad badan iyo dhaawaca kuwo kale,” ayuu bayaan uu soo saaray ku sheegay Xoghayaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Antony Blinken. “Wararka kufsiga, dil, jirdil, iyo xarig aan sharci aheyn iyo gabood-fallo kale ayaa ka mid ah danbiyada ay galeen saraakiisha cutubka CRP, iyadoo ay ugu danbeysay 14-ki Maarso walina ay sii wadaan.”

Maadaamada sidaasi lagu calaamadeeyay, ayaa dhammaan hantida ka taallo Mareykanka ama ku jirta gacantiisa ee Ciidanka Booliska Dhexe ee Keydka Sudan ee CRP la xannibay, waxaa sidoo kale laga mamnuucay muwaadiniinta Mareykanka in ay la macaamilaan ururkaan. Cuna-qabateyntaan oo ah tallaabadi ugu horreysay tan iyo marki uu millatariga talada la wareegay ayaa muujineysa, sida ay Mareykanka uga go’antahay garab istaagga xaaladda kala guurka ee dimoqraadiyadda Sudan iyo xushmeynta dhammaan xuquuqda dhammaan dadka Sudan.

Dowladda Mareykanka waxay si buuxda u taageereysaa dadaallada hadda socda ee ay wadaan UNITAMS, AU, iyo IGAD si loo fududeeyo hannaan siyaasadeed oo loo dhanyahay si loo soo celiyo dowlad ku meel-gaar ah oo dimoqraaddi ah oo rayid ah. Laakin hannaankan ma bilaabmi karo inta ay millatariga iyo sirdoonka “abuurayaan jawi ay dhammaan jilayaasha si nabad ah uga wada qeybgali karaan wadahaddalka,” ayuu yiri Xoghaye Blinken.

Si loo muujiyo go'aanka joogtada ah ee Maraykanka ee la dagaalanka dadaallada lagu baabi'inayo rabitaanka dadka Suudaan ee dimuqraadiyadda, Xoghaye Blinken wuxuu ku daray, "Waxaan weli diyaar u nahay inaan isticmaalno dhammaan agabka aan awoodno si aan u taageerno dadka Sudan si ay u helaan dimoqraadiyad, xushmeynta xuquuqul-insaanka iyo Suudaan barwaaqo ah."

XS
SM
MD
LG