Accessibility links

Breaking News

Xabad-joojin bani'aadaminimo oo laga gaaray dagaalka Tigray


Faalladani waxay ka tarjameysaa aragtida Dowladda Mareykanka

Muddo lix iyo toban bilood ah oo uu socday dagaal sokeeye oo ay ku dhinteen kumannaan Itoobiyaan ah, malaayiin kalena u horseeday burbur, ayay dawladda Itoobiya iyo maamulka gobolka Tigray ku heshiiyeen xabbad joojin bini'aadantinimo iyo in la joojiyo colaadda, si loo ogolaado in shacabka Tigray la gaarsiiyo gargaarka bani’aadannimo ee ay sida aadka ah ugu baahanyihiin.

Abaar ka dhalatay roob yarida saddex xilli oo xiriir ah ayaa sababtay in dalagyo aanan badneyn kasoo go’aan Itoobiya. Xitaa waqtigi nabadda, dadka ku nool meelaha ay dhibaatadu ka dhacday ayaa ku tiirsanaa jiray cunto mucaawino ah. Hase yeeshee dagaalka u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray ee loo soo gaabsho TPLF, ayaa uga sii daray xaaladdii horayba u xumeyd oo u badashay masiibo bani’aadannimo.

Sida ay sheegtay Qaramada Midoobay, in ka badan 90 boqolkiiba dadka gobolka Tigray oo cadadkiisu gaarayo 5.5 milyan oo ruux ayaa si aan caadi aheyn ugu baahan gargaar cunto.

Waxaa sidoo kale cunto deg deg ah oo gargaar ah u baahan gobollada deriska la ah ee Waqooyiga Itoobiya, gaar ahaan gobollada Amxaarada iyo Cafarta, halkaas oo ay si daran u saameeyeen dagaalladi ay ku qaadeen Tigrayda. Guud ahaan dad gaaraya 9.4 milyan oo ruux oo ku nool Itoobiya ayaa hadda u baahan gargaar bani’aadannimo oo deg deg ah.

Gargaar bani’aadannimo waa diyaar, laakin hey’adaha gargaarka bixiya ayaa sheegay in gaadiidkooda agabka wada laga hor istaagay in ay deeqaha mucaawino gaarsiiyaan gobolka Tigray sababo la xiriira jid-gooyooyin iyo colaado aagaasi ka jira.

Tan iyo bishii December 2021, kaliyah diyaarado ayay u suura gashay in gargaar ay gaarsiiyaan gobolkaasi, taasoo hakisay in cunto iyo shidaalba la geeyo aaggaasi. Labada dhinac ee dagaallamaya ayaa midbo midka kale ku eedeeyay inuu isaga hor joogsaday kolonyada gargaarka u wadday gobolka.

Hase yeeshee, 24-ki Marso, ayay Dowladda Itoobiya ku dhawaaqday xabadjoojin bani’aadannimo oo aan waqti cayiman laheyn. TPLF oo u jawaabeysa ayaa sheegtay in ay ka shaqeyn doonto xaqiijinta xabadjoojintaasi.

Kowdi iyo labadi Apri, laba kolonyo oo waday cunto gargaar ah oo ay direen USAID iyo Barnaamijka Cuntada ee Qaramada Midoobay ee WFP ayaa gargaar cunto iyo shidaal deg deg ah iyo agabyo kale oo lagama maarmaan u ah nolosha gaarsiiyay gobollada Tigray iyo Cafarta, waxaa sidoo kale gargaar bani’aadannimo geeyay aaggaasi Guddiga Laanqeerta Cas ee Caalamiga ah.

“Dowladda Mareykanka waxay soo dhaweyneysaa tallaabada ay qaadeen Dowladda Itoobiya iyo Maamul-goboleedyada si loo dhaqan-geliyo joojinta colaadda. Waxaan ku bogaadineynaa suurtagelinta gudbinta gargaarka bani’aadannimo ee dhawaan la gaarsiiyay dadka Itoobiyaanka ah ee ku nool gobollada Tigray iyo Cafar. In ka badan 100 kun oo Itoobiyaan ah ayaa cunto naf-badbaadin ah ka heli doona labada kolonyo ee gargaarka horu-dhaca ah waday ee la abaabulay saddexdi maalin ee lasoo dhaafay,” sidaasi waxaa yiri Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken.

“Waxaan ku boorinaynaa dhammaan dhinacyada inay dhisaan horumarkan bini'aadantinimo ee togan si ay u qaadaan tillaabooyinka xiga ee adag si loo xaqiijiyo nabadda waqooyiga Itoobiya.”

XS
SM
MD
LG