Accessibility links

Breaking News

Mareykanka oo qiimeeyey in qaar ka mid ah ciidamada Ruushka ay galayaan dambi-dagaal


Faalladani waxay ka tarjameysaa Aragtida Dowladda Mareykanka

Tan iyo maalmihi hore ee dagaalka aanan loo meel-dayin ee gardarrada ah ee uu Ruushku doortay inuu ku qaado Ukraine, Dowladda Mareykanka ayaa ka digeysay suurtagalnimada in ciidanka Ruushka ay adeegsanayaan xeelado ka kooban danbiyo dagaal.

"Waxaan aragnay warbixino badan oo lagu kalsoonaan karo oo ku saabsan weeraro aanan kala sooc laheyn iyo weeraro si ula kac ah loogu bartilmaameedsaday dadka rayidka ah, iyo sidoo kale xad gudubyo kale," ayuu yiri xoghayaha arrimaha dibadda Antony Blinken.

"Ciidamada Ruushku waxay burburiyeen dhismayaal dabaqyo ah, iskuullo, isbitaallo, kaabayaasha muhiimka ah, baabuurta dadka rayidka, xarumaha laga dukaameysto, iyo gaadiidka gargaarka deg degga, arrintaas oo keentay in kumanaan rayid ah oo aan waxba galabsan la dilay ama la dhaawacay. Qaar badan oo ka mid ah goobaha ay ciidamada Ruushku garaaceen ayaa si cad u muuqday lana aqoonsa karay in ay yihiin meelo ay ku noolaayeen dad rayid ah.

Meelaha ay ciidanka Ruushka garaaceen ayaa waxaa ka mid ahaa, isbitaalka hooyada iyo dhallaanka ee Mariupol, iyo tiyaatarka Mariupol oo ay dad aad u fara badan madaafiicda uga gabanayeen. Boqollaal qof ayaa ku dhintay halkaasi. Isbitaalka waxaa si cad loogu qoray erayga “Carruur” oo lagu dhigay xarfo waaweyn oo lagu qoray midab cad, kuwaas oo lagu rinjiyeeyay bannaanka iyo afka hore ee xarunta. Si cad ayaana hawada sare looga arki karaa.

Weerarada argagaxa leh ee lagu bartilmaameedsaday rayidka ayaanan aheyn kuwo ku cusub ciidanka soo duulay ee Vladimir Putin, sidaa waxaa yiri xoghaye Blinken.

“Xoogaga Putin ayaa xeeladahani kuwo la mid ah u adeegsaday magaalooyinka Grozny, Chechnya, iyoAleppo, Syria, halkaas oo ay xoogga ku saareen duqeymahooda cirka si ay u jabiyaan rabitaanka dadka, ayuu intaasi sii raaciyay Blinken.

“Iskudaygooda ah in ay ku sameeyaan Ukraine ayaa mar kale ka nixiyay dunida, iyada oo madaxweyne Zelenskyy uu caddeeyay,‘in Ruushku ay dadka Ukraine ugu qabeeyeen dhiig iyo ilmo.’”

"Laga soo bilaabo Maarso 22, saraakiisha la go'doomiyey ee Mariupol waxay sheegeen in in ka badan 2,400 oo rayid ah lagu dilay magaaladaas oo keliya," ayuu yiri Xoghaye Blinken. Wuxuu intaasi ku daray "Marka laga soot ago burburka Mariupol, Qaramada Midoobay waxay si rasmi ah u xaqiijisay in ka badan 2,500 oo khasaaro nafeed ah oo soo gaaray rayidka, kaas oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxay carrabka ku adkeeyeen in khasaaraha dhabta ah uu ka badan yahay.

Taasi waa sababta Xoghaye Blinken uu 23-kii Maarso ugu dhawaaqay, in iyadoo lagu salaynayo xogta hadda la hayo, ay dowladda Mareykanka qiimeyneyso in xubno ka tirsan ciidamada Ruushka ay dambiyo dagaal ka geysteen Ukraine.

“Danbi kasta ee cid lagu soo eedeeyo, maxkamad sharci oo awood u leh qaadista danbiga ayaa ugu danbeyntii masuul ka ah go’aaminta ku helidda danbiga ee kiisaska mucayinka ah, Dowladda Mareykanka waxay sii wadeysaa raadinta wararka ku saabsan danbiyada dagaal, waxana ay la wadaagi doontaa xogaha lasoo ururiyay xulufadeenna iyo bah-wadaagteenna iyo hey’adaha caalamiga ah si ku habboon.’ Ayuu yiri xoghaye Blinken.

"Waxaa naga go'an inaan daba-galno isla xisaabtanka annagoo adeegsanayna agab kasta oo la heli karo, oo ay ku jiraan dacwad-qaadista dambiyada." Ayuu sii raaciyay Xoghaye Blinken.

XS
SM
MD
LG