Accessibility links

Breaking News

Abaal-marin la dul saaray madaxa Computer jabsade Ruushiyaan ah


EVGENY VIKTOROVICH GLADKIKH
EVGENY VIKTOROVICH GLADKIKH

Faalladani waxay ka tarjameysaa aragtida Dowladda Mareykanka

Barnaamijka Abaalmarinta Caddaaladda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa bixinaysa abaal-marin lacageed oo la sii doono, ciddii keenta xog ku saabsan nin burcad-internet ah oo fadhigiisu yahay Ruushka, kaas oo lagu magacaabo Evgeny Viktorovich Gladkikh.

Tani waa markii ugu horeysay oo ay Abaalmarinta Caddaaladda, ee loo soo gaabsho RFJ, ay liis garayso tuug dhinaca internetka ah, oo si gaar ah loo hoos keeno abaal-marinta kaabayaasha muhiimka ah.

RFJ oo ay maamusho Hay’adda Nabadsugidda Diblomaasiyadda, ayaa abaal-marin lacageed oo dhan 10-Milyan oo doollar ku bixinaysa, ciddii keenta xog horseedda aqoonsiga ama goobta Gladkikh ama qof kasta oo ku howlgala hagista dowlad shisheeye, iyada oo ka kaalmeyneysa ku xadgudubka xeerka khiyaannada kambuyuutarka.

Tani waxaa ku jirta ka qeybgalka dhaq-dhaqaaqyada cadawtinimada leh ee lagu fuliyo internetka ee ka dhanka ah kaabayaasha dhaqaalaha Mareykanka.

Intii u dhaxaysay May iyo September 2017, Gladkikh, oo ah nin sameeya barnaamijyada kambuyuuterka una shaqeeya hey’adda ugu sarreysa cilmi-baarista Wasaaradda Difaaca Ruushka ayaa ku lug lahaa weerar dhinaca internetka ah oo loogu dhacay nidaamka kambuyuutarrada ee warshad wax sifeysa oo ku taalla meel ka baxsan Mareykanka.

Ninkan iyo kooxdiisa burcadda internetka ayaa nidaamka kambuyuutarrada warshaddaasi ku xirtay fayruk ay ugu tala-galeen in ay uga hortagaan shaqada nidaamka amniga kambuyuutarrada ee warshaddaasi.

Intii u dhaxaysay Febraayo iyo Luulyo 2018, dhagar-qabayaashu waxay baaris ku sameeyeen warshado ku yaalla Mareykanka, balse ku guul-darreystay isku-daygoodii ahaa jabsashada nidaamyada kumbuyuutarradaasi oo ay laheyd shirkad laga leeyahay Mareykanka.

Gladkikh ayaa fuliyay hawlgalladan internetka ee xaasidnimada leh isagoo shaqaale ka ah Machadka Dhexe ee Cilmi-baarista Sayniska Kiimikada iyo Makaanikada ee Wasaaradda Difaaca Ruushka, kaas oo yaalla Xarunta Horumarinta Codsiyada, wuxuu kaashanayay koox isaga la howlgashay.

Wixii macluumaad dheeraad ah ee ku saabsan yaboohaan abaal-marineed, fadlan booqo shabakada Abaalmarinta Caddaaladda ee https://rewardsforjustice.net. Waxaan ku dhiirigelinaynaa qof kasta oo haya macluumaadka ku saabsan dhaqdhaqaaqa internetka xaasidnimada ku saleysan ee Evgeny Viktorovich Gladkikh inuu la xiriiro Abaalmarinta Caddaaladda isagoo sii maraya kanaalka warbixinta talooyinka ku saleysan ee: he5dybnt7sr6cm32xt77pazmtm65flqy6irivtflruqfion.

Tan iyo markii la aasaasay RFJ sannadkii 1984-kii, barnaamijku wuxuu bixiyay in ka badan 200 milyan oo doollar oo la siiyay dad ka badan 100 qof oo adduunka oo dhan ah, kuwaasoo bixiyay macluumaad la taaban karo oo naga caawiyay ka-hortagga argagixisanimada, hor-keenista caddaaladda ee hoggaamiyeyaasha argagixisada, iyo xallinta khataraha amniga qaranka Mareykanka.

XS
SM
MD
LG