Accessibility links

Breaking News

Mareykanka oo ka walaacsan xiisadda sii kordheysa ee Koonfur Sudan


South Sudan in Focus Thumbnail
South Sudan in Focus Thumbnail

Faalladani waxay ka tarjameysaa aragtida Dowladda Mareykanka

Dowladda Mareykanka ayaa ka walaacsan xiisadaha sii kordhaya ee Koofurta Suudaan, oo ay ku jiraan isku dhacyadii u dambeeyay ee u dhaxeeyay Ciidanka Difaaca Shacabka South Sudan iyo Ciidanka Xoraynta Dadka Suudaan/Dhaqdhaqaaqa Mucaaradka ee loo soo gaabiyo SPLM-IO, ee gobolka Upper Nile.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka Ned Price ayaa ugu baaqay labada dhinac in ay si buuxda ugu hoggaansamaan waajibaadka ka saran fulinta heshiiska nabadda ee hadda jira.

"Ururka SPLM-IO ayaa ku dhawaaqay inuu ka baxay xubinnimada guddi kormeerayay hannaanka nabadda sababo la xiriira weeraro gardarro ahaa oo lagu soo qaaday xaruntooda kuwaas oo ay ku eedeeyeen dhinaca kale ee kula jira heshiiska nabadda,” ayuu yiri Afhayeen Price called.

Wuxuu ugu baaqay Ururka SPLM-IO inuu sida ugu dhaqsaha badan uga laabto go’aankan, isla markaana wuxuu intaasi raaciyay in “hey’adaha muraaqabeeya xabbad-joojinta ay baaritaan ku sameeyaan rabshadihi ugu danbeeyay isla markaana ay kula xisaabtamaan kuwi ka danbeeyay.”

Dowladda Mareykanka waxay ugu baaqday madaxweyne Kiir iyo madaxweyne ku xigeenka koowaad Machar in ay dejiyaan xiisadda, dib u amba qaadaan dhameystira heshiiski nabadda ee muhiimka ahaa ee muddada dheer dib loo dhigay, kaas oo ay ku jiraan qaadista tallaabo lagama maarmaan u ah abuurista hannaan loo dhanyahay oo lagu unkayo dastuur cusub oo qabyo ah, si loo aas-aaso guddi doorasho oo lagama maamaan ah, si loo xushmeeyo xorriyadda hadalka, waxa la halmaama iyo gole nabad ah.

Dowladaha mandiqadda iyo urur goboleedyada sida urur goboleedka IGAD, waxaa looga baahan yahay inay qaadaan tallaabo degdeg ah oo lagu qaboojinayo xiisadda, laguna soo celinayo geeddi-socodka nabadda.

"Dhammaan dhinacyada ayaa mas'uul ka ah xaaladda sii xumaanaysa," ayuu yiri afhayeenka Price. “Madaxweyne Kiir iyo Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Machar midkoodna ma samayn dadaallo daacad ah oo lagu hirgelinayo qodobbada heshiiskii nabadda ee dib loo soo nooleeyay, labaduba waxay iska caabiyeen isku dayo dhab ahaa oo lagu doonayay in Koonfurta Suudaan loogu soo dabbaalo nabad, amni, iyo barwaaqada ay dadka reer Koonfurta Suudaan doonayaan in ay helaan.”

Maraykanku wuxuu ugu baaqayaa dhammaan xubnaha Dawladda Ku-meel-gaarka ah ee Midnimada Qaran ee dib loo soo nooleeyay inay qaadaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si ay dadka Koofurta Sudan ugu arkaan inay yihiin kuwo lagu kalsoonaan karo, lagana billaabo in si buuxda loogu hoggaansanaado lana hirgeliyo heshiiska nabadda ee 2018.

XS
SM
MD
LG