Accessibility links

Breaking News

Kulan madaxeed taariikhi ah oo ka dhacay Negev


وزیران خارجه بحرین، مصر، اسرائیل، آمریکا، مراکش، و امارات متحده عربی در نشست نِگِو. ٢٨ مارس ٢٠٢٢
وزیران خارجه بحرین، مصر، اسرائیل، آمریکا، مراکش، و امارات متحده عربی در نشست نِگِو. ٢٨ مارس ٢٠٢٢

Faalladani waxay ka tarjameysaa aragtida Dowladda Mareykanka

Kulan taariikhi ah oo ka dhacay saxaraha Negev ee Israa’iil, ayay xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Antony Blinken iyo wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka Bahrain, Masar, Israel, Morocco iyo Imaaraadka Carabta ku ballan qaadeen in ay xoojinayaan iskaashiga amniga iyo dhaqaalaha.

Kullanaasi wuxuu ahaa kii ugu horreeyay oo ay yeeshaan wasiirrada arrimaha dibadda ee dhammaan lixda waddan iyo booqashadi ugu horreysay oo ay Israel ku tageen wasiirrada arrimaha dibadda ee Isutagga Imaaraadka Carabta iyo Morocco.

Isaga oo ka hadlayay dabeecadda gaarka ah ee shirweynahani, ayuu Xoghaye Blinken sheegay in “sannado yar ka hor, uu isu imaatinkani ahaa mid aaney macquul aheyn in la qiyaaso.” Heshiiska Abraham ee 15-ki September ee sannadki 2020 kala saxiixdeen hogaamiyaasha Israel, Bahrain, iyo Isutagga Imaaraadka Carabta iyo heshiiskii caadiyenta ee dhexmaray Morocco iyo Israel ayaa “wax mar ahaa kuwo aan macquul aheyn...ka dhigay macquul,” ayuu yiri Xoghaye Blinken.

"Waxaan aragnay dimoqraadiyadda oo kobcaysa, iyadoo Morocco iyo Israel ay ku heshiiyeen inay safaarado ka kala furtaan Rabat iyo Tel Aviv; Ra'iisul Wasaare [Naftali] Bennett wuxuu noqday ra'iisul wasaarihii ugu horreeyay ee Israa'iil ee booqda Bahrain iyo Imaaraadka Carabta."

Todobadaayadi dhawaa, hogaamiyaasha Isutagga Imaaraadka Carabta, Israel iyo Masar ayaa yeeshay kulan si ay u billaabaan waa cusub oo iskaashi. Baxreyn iyo Israa’iil ayaa kala saxiixday in ka badan 12 heshiis oo ay qeyb ka yihiin socdaalka, bankiyada iyo tiknoolojiyadda. Saraakiisha dowladda iyo ganacsiga Morocco iyo Israa’iil ayaa iyaguna kulmay si ay u horumariyaan qeybtaha dalxiiska iyo tamarta la qorraxda laga dhaliyo ee labada waddan.

Heshiisyadi Abraham ayaa dhagiya nolosha dadka ku nool guud ahaan waddamadan mid aad nanad u ah, barwaaqo ah, firfirxoonni iyo is-dhaxgal. Dowladda Mareykanka waxay sii wadi doontaa in ay si xooggan u taageero hannaankan oo ah mid baddalaya gobolkan iyo wixi ka shisheeya,” ayuu yiri Xoghaye Blinken.

Isla mar ahaantaana, Xoghaye Blinken wuxuu ka digay in "heshiisyada nabadeed ee gobolku aysan ahayn kuwo beddela horumarka u dhexeeya Falastiiniyiinta iyo Israa'iil." Maraykanka iyo dalalka caadi ka dhigaya xiriirka ay la leeyihiin Israa’iil iyo sidoo kale kuwa xiriirka diblumaasiyadeed ee soo jireenka ah la leh Israa’iil, waxay sii wadi doonaan sahaminta siyaabaha lagu taageerayo Falastiiniyiinta iyo inay saameyn togan ku yeeshaan nolol maalmeedka dadka ku nool Daanta Galbeed iyo Gaza.

Xoghaye Blinken ayaa ku bogaadiyay waddamadani sida geesinimada leh ee ay ku jebinayaan darbiyada isla markaana ay u baruurayaan xiriir cusub iyaga oo u maraya Heshiiska Abraham iyo caadiyeeynta. "Waan ku faraxsanahay," ayuu yiri, "inaan arko dhammaan waxa idinka iyo annaga aan qiyaasi karno oo aan u wada abuuri karno midba midka kale, gobolka, iyo adduunka."

XS
SM
MD
LG