Accessibility links

Breaking News

Saraakiisha China waa lagula xisaabtamayaa caburinta Muslimiinta Uyghurs


Faalladani waxay ka tarjameysaa Aragtida Dowladda Mareykanka

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka, waxay qaadeysaa tallaabo ka dhan ah saraakiisha Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha ee loo soo gaabiyo PRC, kuwaas oo caburiyay qowmiyadda Muslimka ah ee Uyguurka iyo xubno ka tirsan qowmiyadaha iyo kooxaha kale ee diinta ee laga tirada badanyahay.

Xubnaha la caburiyay ayaa isugu jira kuwo ku sugan gudaha iyo meelo ka baxsan xuduudaha Shiinaha oo ay ku jiraan qaar ku sugan Mareykanka.

Xoghaya Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken ayaa ku dhawaaqay 21-ki bishii Marso in “Dowladda Mareykanka ay diidday dadaallo ay saraakiisha Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha wadeen oo lagu dhibaateynayay, loogu hanjabay, lagu daba socday laguna afduubay xubno ka tirsan qowmiyadaha iyo kooxaha diinta ee laga tirada badanyahay.

Kooxahaasi waxaa ku jira kuwo amni kasoo doontay dibadda iyo muwaadiniin Mareykan ah, kuwaas oo codkooda kor u qaaday si ay ugu hadlaan dadka dayacan. Waxaa naga go’an inaan difaacno xuquuqda aadanaha guud ahaan caalamka innaga oo sii wadi donna inaan adeegsanno dhammaan tallaabooyinka diblamaasiyiadda iyo dhaqaalaha si aan sare ugu qaadno isla xisaabtanka.”

Xayiraaddii ugu danbeysay ee dhanka dal-ku-galka ah ayaa lagu soo rogi doonaa saraakiisha Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha ee la rumeysanyahay in ay masuul ka ajaayeen ama ku lug lahaa cabburinta dadka aaminsan diimaha kale, kooxaha laga tirada badanyahay ee isugu jira qowmiyaha iyo afkaaraha diinta, muwaadiniinta, difaacayaasha xuquuqda aadanaha, saxafiyiinta, ururada shaqaalaha, ururrada bulshada rayidka ah, iyo dibadbaxayaasha nabadeed ee gudaha iyo dibadda Shiinaha.

“Waxaan mar kale ugu baaqeynaa Dowladda Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha in ay dabciso ficiiladeeda cabburinta ee kasoo gudbay xuduudaheeda, kuwaas oo ay ku jiraan isku dayga ay ku aamusineyso shakhsiyaadka kasoo jeedda qomiyadda Uyguurka ee ku sugan Mareykanka iyo shakhsiyaadka kale ee Uyguurka ah ee u adeegga dadka Mareykanka, kuwaas oo uu Shiinuhu u diiday in ehelladooda ku sugan Shiinaha ay helaan dariiq ay dibadda ugu soo baxaan,” ayuu yiri Xoghaye Blinken.

Dowladda Mareykanka waxay dib u xaqiijineysaa taageeradeedda ku aaddan kuwa raba in ay hadlaan xilli ay jirto caga-jugleyn ah in laga aargudanayo.

In ka badan hal milyan oo u badan Muhlimiinta Uyguurka iyo xubno kale oo ka tirsan qowmiyadaha iyo dadka heysta diimaha laga tirada badanyahay lagu guray xerooyin sharci darro ah. Ilaa laba milyan oo dheeraad ah ayaa dhibbane u noqday waxa ay ugu yeereen “dib-u-waxbarid” kuwaas oo lagu hayo xerooyin.

Xoghaye Blinken ayaa ku celiyay naaq uu u diray “Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha oo uu ugu baaqay in ay soo afjarto xasuuqa ay hadda waddo iyo danbiyada ka dhanka ah aadanaha ee ka socda gobolka Xinjiang, siyaasadda cabburinta ah ee Tibet, madax-uga-istaagiadda xorriyadaha aas-aasiga ah ee Hong Kong, iyo xad-gudubyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha oo ay ku jiraan dhibaateynta dadka heysta diimaha kale ee ku nool gobollada kale ee Shiinaha.”

Sida tallaabadi ugu danbeysay ay muujineyso, Dowladda Mareykanka ayaa sii wadi doonta sidii ay ula bar-bar shaqeyn laheyd bulshada caalamka, si kor loogu qaado la xisaabtanka saraakiisha Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha ee masuulka ka ah xasuuqa iyo xadgudubyada ka dhanka ah aadanaha iyo gabood-fallada meel kastaa haka dhaceenne, sida gudaha Shiinaha, Mareykanka iyo meel walba oo ka mid ah caalamka.

XS
SM
MD
LG