Accessibility links

Breaking News

Mareykanka oo xayiraado kusoo rogay taageerayaasha Boko Haram ee Imaaraadka


Boko haram
Boko haram

Faalladani waxay ka tarjamaysaa aragtida Dowladda Mareykanka

Boko Haram waa koox argagixiso fowdo ah oo fadhigeedu yahay Nigeria, muddo sannado ah ayay wadday olole ay ku rabto in ay ku afganbiso dowladda Nigeria, kuna beddesho nidaam iyada gaar u ah oo fasiraad adag ka bixinaya Shareecada Islaamka.

Laga soo billaabo saldhigga ay ku leedahay waqooyibari Nigeria, tan iyo sannadki 2009-ki, kooxdani waxay fuliyeen weeraro lagu qaaday dalalka deriska ah sida Cameroon, Chad, iyo Niger.

Boko Haram ayaa caan ku ah adeegsiga rabshadaha xad-dhaafka ah iyo naxariis-darrada, iyaga oo sabab u noqday dhimashada kumannaan qof iyo barakac ku yimid malaayiin qof iyo qalalaaso dhanka bani’aadannimada ah oo ku habsaday gobolka Lake Chad.

Sida kooxaha kale ee argagixisada, Boko Haram waxay u baahan tahay lacag ay ku maalgeliso dhaqdhaqaaqyadeeda. Sidaasi darteed, waxay u shaqeysaa unugyo shabakad ah oo xubanaha ku jiraa ay u xil-saaranyihiin in ay lacago soo ururiyaan.

25-ki Marso, Xafiiska Xakameynta Hantida Shisheeye ee Wasaaradda Maaliyadda Mareykanka ayaa cuna-qabateyn dul dhigay lix shakhsi oo gudaha Imaaraadka Carabta ka sameeyay unug lacagaha ururiya.

Tallaabadaasi waxaa xigtay in Isutagga Imaaraadka Carabta uu calaamadeeyay isla markaana danbiyo kusoo oogay shakhsiyaadkaasi taageerayay argagixisada.

Muwaadiniin u dhalatay Nigeria oo kala ah Abdurrahman Ado Musa, Salihu Yusuf Adamu, Bashir Ali Yusuf, Muhammed Ibrahim Isa, Ibrahim Ali Alhassan, iyo Surajo Abubakar Muhammad ayaa lagu daray liiska gaarka ah muwaadiniinta la calaameeyay iyo shakhsiyaadka la xannibay, iyadoo loo maray wareegtada tirsigeedu yahay 13224, arrintaas oo ay ku muteen in ay si maaddi ah ama dhaqaale ahaanba u taageereen, u fidiyeen taageero, walxo ama adeeg ay ku caawiyeen Boko Haram.

Bishii September ee lasoo dhaafay, lixdaasi nin ayaa lasoo istaajiyay maxkamad ku taalla Isutagga Imaaraadka Carabta. Waxana lagu helay danbi ah in ay Dubia ka xawileen lacag dhan 782,000 oo dollar una direen Nigeria iyo Boko Haram. Salihu Yusuf Adamu iyo Surajo Abubakar Muhammad ayaa lagu xakumay xabsi daa’in, kaddib marki ay ku xadgudbeen sharciga ka dhanka ah argagixisada, halka afarta kale lagu xakumay min 10 sano oo xarig ah oo uu u raaci doono musaafuris.
Xafiiska OFAC ayaa ku calaamadeeyay shakhsiyaadkaas si loo xaqiijiyo in lacagaha ay dirayeen aysan u gaarin kooxaha argagixisada.

Dhammaan hantida hoos timaada Mareykanka ee ay leeyihiin raggaan ayaa ugu yaraan 50 boqolkiiba dul-saarkooda la xannibay, waxaana laga mamnuucay muwaadiniinta Mareykanka ah in ay macaamiil la sameeyaan raggani.

“Iyadoo la qaadayo tallaabadan, ayuu Mareykanka kula biirayaa Imaaraadka, beegsiga shabakadaha maalgeliya argagixisada iyadoo walaacu uu yahay hal,” ayuu Kaaliyaha Xoghayaha Maaliyadda Brian Nelson. Wuxuu intaasi raaciyay “Maaliyaddu waxay sii waddi doontaa beegsiga kuwa fududeeya dhaqaalaha ficillada argagixiso ee dumida. Waxaan soo dhaweyneynaa tallaabada caalamiga ah ee ka dhanka ah shabacakaddan Boko Haram si loo xaqiijiyo inaysan mar danbe u suuragelin in dhaqaalo kale ay marsiiyaan nidaamka dhaqaalaha ee caalamiga ah.”

XS
SM
MD
LG