Accessibility links

Breaking News

Khalad lagu saxay QM


Faalladani waxay ka tarjameysaa aragtida Dowladda Mareykanka

Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa u codeeyay inuu Ruushka ka joojiyo xubinnimada Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay, tallaabadani oo noqotay marki labaad ee Golaha laga saaray dal xubin ka ahaa iyo marki ugu horreeysay oo xubin ka mid ah xubnaha joogtaha ah ee Golaha Ammaanka laga mamnuuco Guddiga Xuquuqda Aadanaha ee UN-ka.

Qaraarka oo ku ansaxay 93-24 cod isla markaana ay ka aamuseen 54 waddan, ayaa walaac xooggan ka muujiyay xadgudubyada ka dhanka ah xuquuqul insaanka ee hadda ka taagan Ukraine iyo ku xad-gudubka sharciga caalamiga ah ee bani’aadannimada ee uu iska indha-tirayo Ruushka, sida xadgudubyo waaweyn oo nidaamsan iyo tacaddiyo cad oo ka dhan ah aadanaha.

Hindisaha in Ruushka laga joojiyo xubinnimada Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay waxaa hor boodayay Ukraine, oo kaashaneysa bah-wadaagteeda caalamka oo uu ku jiro Mareykanka, kaddib sawirradi qarracanka lahaa ee kasoo muuqday Bucha, kuwaas oo muujiyay dadki rayidka ahaa ee lagu gummaaday halkaas iyo kuwi ka danbeeyay ee lagu arkay magaalooyinka kale ee u dhaw Kyiv ee ay ka baxeen ciidanka Ruushka.

Kaddib marki lagu guuleystay codbixinta, ayay Danjiraha Mareykanka ee Qaramada Midoobay Linda Thomas-Greenfield tiri: “Maanta Bulshada Caalamka waxay jihada saxda ah u qaadday tallaabo wada jir. Waxaan xaqiijinnay in xubin si joogta ah oo gurracan ugu tunta xuquuqda aadanaha aanan loo ogolaan inuu boos ku yeesho hogaanka xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay. Aanu sii wadno inaan Ruushka kula xisaabtanno dagaalka macno-darrada ah, aanan cudur-daarka laheyn isla markaana aanan laga fiirsan.”

Mareykanka ayaa horey u qiimeeyay in xubno ka tirsan ciidamada Vladimir Putin ay dambiyo dagaal ka geysteen Ukraine, Mareykanka wuxuu la shaqeynayaa xulafada iyo bah-wadaagta si ay u taageeraan dadaallada guddiga baaritaanka ee Golaha Xuquuqul Insaanka si ay u helaan daliilaha cad cad si loogula xisaabtamo danbiilayaasha danbiyada dagaal ee ay geysteen.

Isagoo amaanaya codbixintii Golaha loo dhan yahay ee lagu laalay xubinnimada Ruushka ee UNHRC, ayuu Xoghayaha Arimaha Dibada Antony Blinken yiri, "khalad ayaa la saxay." Isaga oo intaasi raaciyay, "Tacadiyada dunidu ay markhaati ka tahay ayaa u muuqda inay yihiin caddayn dheeraad ah oo ku saabsan dembiyada dagaalka, taasi oo ah calaamad kale in Ruushku aanu meelna ku lahayn hay'ad ujeedadeeda koowaadi tahay horumarinta ixtiraamka xuquuqda aadanaha."

Xoghaye Blinken oo ka hadlayay xubinnimada laga joojiyay Ruushka ayaa yiri: “Dunidu waxay mar kale direysaa calaamad cad oo dhaheysa waa in Ruushku uu si deg deg ah oo aanan shuruud ku xirneyn u joojiyaa dagaalkiisa xad-gudubka ah ee ay ku heyso Ukraine, isla markaana ay xushmeyso mabaadi’da ku qoran xeerarka Qaramada Midoobay. Bulshada Caalamka waxay sii wadi doontaa inay Ruushka la xisaabtanto...sidoo kale Mareykanka wuxuu sii wadi doonaa inuu bar-bar istaago dadka Ukraine oo u dagaallamaya madax-bannaanidooda, dimoqraadiyad iyo xorriyadooda.”

XS
SM
MD
LG