Accessibility links

Breaking News

Warbixino ku saabsan tacaddiyo ka dhacay Galbeedka Tigray


Faalladani waxay ka tarjameysaa aragtida Dowladda Mareykanka

Dowladda Mareykanka ayaa mar kale ku celineysa sida aadka ah ee ay uga walaacsantahay wararka wali isa soo taraya ee ku saabsan, gabood-fallada gurracan ee salka ku haya isirka, ee ay maamulka gobolka Amxaarada ka gesteen, galbeedka Tigray ee dalka Itoobiya.

Qaar badan oo ka mid ah tacaddiyadaasi waxaa lagu diiwaangeliyay warbixinti ay dhawaan sida wadajirka ahi isula soo saareen, hey’adaha xuquuqda aadanaha ee kala ah Human Rights Watch iyo Amnesty International. Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka Ned Price ayaa yiri: “Si gaar ah, waxaa si qoto dheer noo murjiyay warbixinta oo ogaatay in ficilladani ay gaareen heerka isir-tirka.”

Amnesty International iyo Human Rights Watch ayaa warbixintooda kusoo gaba-gabeysay in maamulka dhawaan la magacaabay ee aagga Galbeedka Tigray iyo sidoo kale saraakiisha maamulka iyo kuwa maniga gobolka Amxaarada ay masuul ka yihiin olole isir-sifeyn ah iyo danbiyo kale oo ka dhan ah aadanaha iyo danbiyo dagaal oo lala beegsaday rayidka ku nool galbeedka Tigray, tan iyo marki ay billaabatay colaadda Itoobiya bishii November ee sannadki 2020.

Afhayeen Price ayaa sheegay in “kumannaan kasoo jeeda qowmiyadda Tigray-da Itoobiya wali si sharci darro ah loogu hayo xabsi iyada oo xaaladdooda caafimaad ay tahay mid si weyn khatar ugu jirto, dadkaan ayaa ku xiran galbeedka Tigray. Waxaan ku baaqeynaa in si deg deg ah loo sii daayo isla markaana maamulka halkaasi jooga ay u ogolaadaan baaryaaasha caalamiga ah in ay tagaan goobaha lagu hayo dadka si ay u qiimeeyaan.”

Mr. Price ayaa intaasi raaciyay “Wali boos adag ayaan ka taagannahay in ay waajib tahay in la helo baaritaan lagu kalsoonyahay iyo isla xisaabtan ku aadan gabood-fallada la galay ee ay geysteen dhammaan dhinacyada colaadda, arrintaas oo qeyb ka noqon doonta xal-waara oo laga gaaro colaadda. Waxaan ku boorrineynaa Dowladda Itoobiya in ay la shaqeyso Khubarrada Qaramada Midoobay ee Guddiga Xuquuqda Aadanaha ee Itoobiya.”

Wararka ku saabsan gabood-fallada sii socda ayaa hoosta ka xariiqaya baahada deg degga ah ee loo qabo in dagaalka lasoo gaba gabeeyo.

Dowladda Mareykanka waxay taageersantahay shaacintii ay Dowladda Itoobiya iyo Maamulka Tigray shaaciyeen in goobaha colaaduhu ka taaganyihiin la tagi karo, waxa kale oo ay Dowladda Mareykanka soo dhaweysay warka sheegaya in kolonyo gargaar waday la geehay aaggaasi.

Si loo joogteeyo heshiiskaasi, Dowladda Mareykanka waxay cusbooneysiisay baaqeeda ah in dhammaan dhinacyada hubeysan ee colaadda ay cambaareeyaan dagaalka isla markaana soo afjaraan tacaddiyada xuquuqda aadanaha iyo rabshadaha ka dhanka ah rayidka.

Mareykanka wuxuu ku celinayaa baaqiisa ah in dhammaan ciidamada ajnabiga ah ay ka baxaan Ethiopia iyo maamul goboleedyada ay ciidankooda ka qaadaan gobollada deriska la ah.

Af hayeen Price ayaa ku booriyay "dhammaan dhinacyada inay qaadaan tillaabooyinka lagama maarmaanka ah si loo xaqiijiyo joojinta colaadaha, inanan la hor-istaagin gargaarka bini'aadantinimo, baaritaan hufan oo lagu sameeyo xadgudubyada xuquuqul insaanka iyo xadgudubyada dhammaan jilayaasha, iyo in wadahadal lagu dhammeeyo colaadda Itoobiya."

XS
SM
MD
LG