Accessibility links

Breaking News

Mucaarad kale oo caan ah oo lagu xiray Ruushka


Vladimir Kara-Murza
Vladimir Kara-Murza

Faalladani waxay ka tarjameysaa aragtida Dowladda Mareykanka

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo sii daayo Vladimir Kara-Murza oo ah u dhaq-dhaqaaqe arrimaha bulshada rayidka ee Ruushka.

Kara-Murza ayaa muddo dheer ahaa u doode xuquuqda aadanaha iyo nin dhaleeceeya Vladimir iyo duullaankiisa xaq-darrada ah ee uu ku qaaday Ukraine. Maamulka Moscow ayaa xabsiga dhigay 11-ki April kuna xakumay shan sano oo jeel ah.

Afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibadda Ned Price oo xarigiisa ka hadlay ayaa yiri: “Kara-Murza waa shakhsi horay ugu soo dul-qaatay xarig xitaa wuxuu ku sigtay sumeyn khatar ah oo uu sababsaday arrimo la xiriira wax aanan aheyn howshaan u dhaq-dhaqaaqidda nabadeed ee xuquuqda aadanaha iyo xorriyadd madaniga isaga oo wakiil ka ah shacabka Ruushka.”

Booqasho uu ku tagay Mareykanka bishii March, Kara-Murza waxa uu ugu yeeray duulaanka Ukraine “dagaal aan sabab lahayn, cudur daar, sharci darro ah oo si bareer ah loo bartilmaameedsanayo dadka rayidka ah”. Waxa uu carabka ku adkeeyay in "Ruushka iyo nidaamka Putin aysan isku mid ahayn. Waxaa jira dad badan oo dalkayga jooga oo ka soo horjeeda dembiyadan si la mid ah sida ay uga soo horjeedaan dadka halkan jooga ee Ameerika.

Saacado ka hor inta aan lagu xirin magaalada Moscow, Kara-Murza ayaa wareysi uu siiyay CNN-ta ku sheegay in taliska Putin uu yahay mid dilaa dilaa ah, wuxuuna saadaaliyay in dagaalka Ukraine uu horseedi doono dhicitaanka Putin . Isaga oo cabiraya aragtidiisa, Kara-Muza waxa uu ka soo horjeestay sharciyo cusub oo uu Ruushku soo saaray kuwaas oo dembi ka dhigaya faafinta waxa uu talisku u arko “war been abuur ah”, oo ay ka mid tahay in la xiri doono qofki dagaal ugu yeero waxa uu Ruushka ugu yeero howlgalka Ukraine.

"Tobankii sano ee la soo dhaafay, mas'uuliyiinta Ruushku waxay isticmaaleen shabkad sharciyo aan caddayn iyo marmarsiinyo jilicsan si ay u cabsi geliyaan oo ay u dhibaateeyaan codadka kuwa madaxa bannaan iyo inta kasoo horjeeddo," ayuu yiri Hugh Williamson oo ka tirsan Human Rights Watch. Sarkaalkan ayaa intaasi raaciyay, in hadda ay si bareer ah u soo rogayaan faafreeb ay weheliso sheeko been abuur iyaga oo dalbanaya in qof kasta uu noqdaa sida shimbirka baq-baqaa”.

Afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibadda Ned Price ayaa sheegay in nidaamka Putin ruu noqonayo “mid caburintiisu ay ka tallaabeyso xuduudaha isla markaana cadaadis iyo caburin badan ku hayo gudaha Ruushka.” Wuxuu farta ku fiiqay xarig sannadki hore loo geystay kumannaan qof oo si nabad ah ugu mudaaharaadayay waddooyinka, kaddib xarigii hogaamiyaha mucaaridka Aleksey Navalny.

Wuxuu sidoo kale soo hadal qaaday xarigga dhawaan loo geystay Vladimir Kara-Murza, sannadkaan ilaa 15,000 oo Ruush ah ayaa la xiray kaddib marki ay ka mudaaharaadeen dagaalka naxariis darrada ah ee ay dowladdooda ku qaadday Ukraine.

“Kuwani waa ficillada dowlad aanan haba yaraatee amni-dareemeyn,” ayuu yiri afhayeen Price oo intaasi raaciyay “taasi oo aan raali ka ahayn in dadkeedu ay sameeyaan waxa ay xaqa u leeyihiin dadka meel kasta oo ay joogaan, in ay mudaaharaadkooda muujiyaan, in ay si nabad ah u socdaan, ururo samaystaan, oo codkooda iyo rabitaankooda la maqlo.”

XS
SM
MD
LG