Accessibility links

Breaking News

Mareykanka oo musuq-maasuq ku calaameeyey saraakiil u dhashay North Macedonia iyo Bosnia Herzegovina


Faalladani waxay ka tarjameysaa aragtida Dowladda Mareykanka

Bartamihi bishii April, Xafiiska Xakameynta Hantida Shisheeye ee Waaxda Maaliyadda Mareykanka ee loo soo gaabiyo OFAC, ayaa laba sarkaal oo hore oo darajadoodu sarreyso oo ka tirsanaa Dowladda Jamhuuriyadda Waqooyiga Macedonia, dacwad-ooge sare oo hore iyo xubin baarlamaan oo ka tirsan Bosnia and Herzegovina, iyo kuwo kale ku calaamadeeyay musuq-maasuq iyo ficillo kale oo wiiqaya hannaanka dimoqraadiyadda.

Nikola Gruevski [Groo-EFF-ski] ahaa soo noqday Ra’isulwasaaraha Waqooyiga Macedonia inti u dhaxeysay August 2006 ilaa January 2016.Sannadki 2018, Gruevski waxaa lagu xakumay laba sano oo xabsi ah kaddib marki uu si sharci darro ah ugu lug yeeshay in saraakiil ka tirsan dowladda ay gataan baabuur qaali ah.

Sidoo kale waxaa lagu tuhmay kiisas badan oo musuq maasuq ah, waxaa lagu eedeeyay ku tagri-fal xafiiseed, isdabamarin lacag iyo danbiyo kale oo xiriir la leh muddadi uu ahaa sarkaal sare oo ka mid ah madaxda lasoo doorto ee North Macedonia.

Dhamaadki 2018, Gruevski ayaa u baxsaday Hungary isaga oo halkaasi weydiistay magangalyo siyaasadeed. Sida laga soo xigtay Interpol, Gruevski waxaa lagu daray liiska daniilayaasha caalamiga ah ee loo soo gooyay ruqsadda xeridda. Dowladda North Macedonia ayaa xareysay gal-dacwadeed ay ku dalbatay in loo soo gacan-geliyo.

Sasho Mijalkov [Mee-YAL-koff] Wuxuu ahaa Agaasimaha Waaxda Amniga iyo Ladagaallanka Argagixisada laga soo billaabao 2006 ilaa 2015. Waxaa lagu eedeeyay inuu ku lug yeeshay codad la musuq-maasuqay iyo inuu si qarsoodi ah telefoonnadooda u duubayay dad lagu qiyaasay 20,000 oo ruux sababo la xiriiro siyaasad iyo dhaqaalo raadisnimo. Ficilladaasi ayaa sababay laba sanno oo xasillooni darro siyaasadeed ah.

Inti u dhaxeeysay 2019 iyo 2021, Gordana Tadić [Tahd-ich] wuxuu ahaa madaxa dacwad-oogayaasha Xafiiska Dacwad-oogista Qaranka ee waddanka Bosnia iyo Herzegovina. Waxay adeegsatay maqaamkeeda sare iyo saamaynta ay xambaarsan tahay, si ay u horumariso danaheeda gaarka ah iyo tan qoys ahaaneed. Waxay maamushay kiisas si ay uga ilaaliso siyaasiyiin maalqabeen ah in dacwad lagu soo oogo kaddib marki ay sameysay hab loogu talagalay in laga hortago go'aannada meelaynta kiis ee ku salaysan sababo shakhsi ama siyaasadeed.

Iyadoo la raacayo eedahaasy, ayaa dhammaan hantida iyo dhammaan hantida iyo danaha hantiyadeed ee shakhsiyaadkaan ee hoos yimaada Mareykanka ayaa la xannibay, sidoo kale dadka Mareykanka ayaa laga mamnuucay in ay macaamiil la sameeyaan kuwani. "Dadka la magacaabay maanta waxay khatar weyn ku yihiin xasilloonida gobolka, kalsoonida hay'adaha, iyo rabitaanka kuwa raadinaya dimoqraadiyad iyo garsoor caadil ah oo ka hirgala Galbeedka Balqaanka.,” Ayuu yiri Kaaliyaha Xoghayaha Maaliyadda ee Argagaxisada iyo Sirdoonka Maaliyadda Brian E. Nelson.

Sarkaalkaan ayaa intaasi ku daray La dagaallanka musuqmaasuqa adduunka oo dhan waa mudnaanta ugu weyn ee maamulka Biden-Harris, Hanti-dhowrkana kama labalabayn doono isticmaalka dhammaan agabka aan awoodno si aan ula xisaabtano jilayaasha musuqmaasuqa iyo xasillooni darrida."

XS
SM
MD
LG